26/11/2025
Qaybo ka mida Dhallinyarada Mutadawiciinta ah ee kasoo jeeda degmada faca weyn ee laalays ayaa deeq buuggaag ah Soo gaadhsiiyay ardayda wax ka barata dugsiga hoose dhexe ee Degmada Laalays. buugaagtas oo ahaa buuggaagta Manhajka Waxbarashada Somaaliland ayaa waxa la gaadhsiyay ardayda ku jirta fasalka 8aad ee dugsiga.
Sido kale dhalinyaraddaasi waxa ay soo kormeereen baahiyaha ka jira dugsiga iyo Rugta caafimaadka ee deegaanka. iyagoo sheegay in ay ka shaqayn doonaan sidii baahiyahaas loo dabooli lahaa iyaga oo la kaashan doona Hayadaha Dawladda ee ku shaqadda leh hawlahaas.
Sida Waxbarashadda iyo Caafimaadka Degmada Laalays
Ka maamul ahaana aad baanu ugu mahad celinaynaa , waxaanan ugu baaqanaynaa dhamaan bulshada ka Soo jeeda degmada laalays inay nagala qayb qaatan arimaha horumarka .