Sahil Media

Sahil Media soomaalilaan jiritaankeedu waa muqadas

16/01/2024

Cabdiqani isku filan iyo Ceegaag riwaawaayad waaqaca ka hadlaysa.

14/10/2023
Innaalilaahi wa innaa ilayhi raajucuun Rabbi naxariistii janno ha ka waraabiye waxa hada geeridiisa la soo sheegay Ex. X...
11/10/2023

Innaalilaahi wa innaa ilayhi raajucuun

Rabbi naxariistii janno ha ka waraabiye waxa hada geeridiisa la soo sheegay Ex. Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile. Waxaan ka tacsiyadaynayaa eheladii,qaraabadii,asxaabtii iyo guud ahaan ba shacabka JSl ee uu ka baxay.

Wuxuu ahaa waayeel iyo samatalis in baddan u soo shaqeeyey qaranka, kana soo qeyb qaatay dib u dhiskii iyo halgankii wadanka.

Deeq waxbarasho oo bilaash ah.
09/10/2023

Deeq waxbarasho oo bilaash ah.

09/10/2023

Faniinta oo ciidamada jiida h**e, heeso dhirigalina u qaaday

FARIIDNIMO MA U DHALASHAA MISE WAA BARASHO??====---====---====---====Cilmi ahaan ma sahlana in si fudud loo go’aamiyo in...
08/10/2023

FARIIDNIMO MA U DHALASHAA MISE WAA BARASHO??
====---====---====---====

Cilmi ahaan ma sahlana in si fudud loo go’aamiyo in fariidnimadu ay tahay u dhalasho ama barasho. Faylasoofiin iyo culimada cilminafsiga oo tiro badan ayaa aaminsan in ay tahay arrin la xidhiidha hidde-sideyaasha oo loo dhasho, tiro kale oo aan ka xujo yarayn ayaa iyaguna ku doodaya in inta ay barasho iyo duruufo samee tahay, ay ka badan tahay inta ay abuur hidde side la xidhiidho.

Waxa se uu nuxurkeedu ku soo ururayaa in fariidnimadu ay tahay u dhalasho iyo barasho isku lammaan. Waa arrin abuurta hidde-side la xidhiidha, laakiin haddana raad muuqda oo koboc iyo hoos u dhacba keeni kara ay ku leeyihiin duruufaha ku gadaaman geeddisocodka nololeed ee qofka, tusaale ahaan aqoonta qofka oo korodha, maskaxda oo uu carinta ku badiyo, cuntada nafaqada isu dheellitiran leh, la macaamilka dadka aqoonta iyo waayoaragnimada dheeraadka ah leh, akhriska badan ee waxtarka leh iyo aqoon korodhsiga, duruufaha nololeed ee uu qofku ku soo barbaaro ama marka uu weynaado la noolaado, tababarrada maskaxda ee qofku uu qaato, iyo arrimo badan oo la mid ah, ayaa xoojiya xusuusta, dhugmada, tabaha xallinta khilaafaadka ee qofka, codkarnimada, kartida, xakamaynta darenka, iyo guud ahaan koboca fariidnimada qofka.

Haddaba, sida aynnu h**e u xusnay, fariidnimada dareenku waa midda ugu muhiimsan ee qaybta libaax ka qaadata fududaynta nolosha qofka iyo la jaanqaadista duruufaheeda is ged-geddiga badan.

Daniel Goleman, buuggiisa "𝐄𝐦𝐨𝐭𝐢𝐨𝐧𝐚𝐥 𝐈𝐧𝐭𝐞𝐥𝐥𝐢𝐠𝐞𝐧𝐜𝐞: Why it can mater more than IQ, Waxa uu fariidnimada dareenka ku qeexayaa in ay tahay, ‘Awoodda uu qofku u leeyahay aqoonsiga, fahamka iyo Maaraynta dareenkiisa iyo dareennada dadka kale ee uu la macaamilayo’

Goleman isaga oo sida muuqata ka duulayaa in qofku uu bacarimin karo fariidnimadiisa caadifadeed (EI), waxa uu ku doodayaa in fariidnimadani ay lagama maarmaan u tahay guul kasta oo uu qofku ka samaynayo nolosha dhinacyadeeda kala duwan, taas oo ay ku jirto shaqada, xidhiidhada, wanaagga xaaladda guud ee caafimaadka qofka; jidhka, maskaxda, xasiloonida dareenka, xidhiidhada bulsho, ku qanacsanaanta nolosha iyo sida oo kale farxaddiisa.

Goleman waxa uu buuggan ku sheegayaa afar tiir oo ay ka koobantahay fariidnimada dareenku, kuwaas oo ah:

1. Feejignaan: Waa awoodda uu qofku u leeyahay in uu akhriyo, fahmo dareenka ka dhex guuxaya qofka uu la macaamilayo.

2. Maaraynta nafta: Qofka oo awood u yeesha in uu xakameeyo, isla markaana maamulo dareennada iyo waxyaabaha riixaya ama dhiirrigelinaya qofka uu la macaamilayo.

3. Feejignaan bulsho: Waa qofka oo awooda in uu fahmo dareenka dadka kale, isla markaana u muujiyo la dareen noqosho iyo calool dabac.

4. Maaraynta xidhiidhka: Waa qofka oo awood u leh in uu dadka ama qofka kale la samaysan karo xidhiidh, isla markaana uu xidhiidhkaas ku ilaalin karo in uu noqdo mid caafimaad qaba oo aanay dhibaato ka soo gaadhin

Afartaas dabeecadood ayaa uu bidhaaminayaa in ay marag u noqon karaan in qofku uu fariid dhinaca dareenka ama caadifadda ah yahay (Emotional Intelligence).

SIDEE AAD U XOOJIN KARTAA FARIIDNIMADAADA DAREEN (EMOTIONAL INTELLIGENCE

Qalinkii Kamaal marjaan.

Degmada dalxiiska iyo aqoonta Sheekh.
06/10/2023

Degmada dalxiiska iyo aqoonta Sheekh.

Heshiiskii Cigaal la galay KenyaBishii june 1967-kii ayaa Maxamed Ibraahim Cigaal loo doortay ra'iisal-wasaaraha Soomaal...
03/10/2023

Heshiiskii Cigaal la galay Kenya

Bishii june 1967-kii ayaa Maxamed Ibraahim Cigaal loo doortay ra'iisal-wasaaraha Soomaaliya. Bishii September ee isla sannadkaas ayuu ka qeybgalay shirkii midawga Afrika ee ka furmay magaalada Kinshasa, caasimadda dalka Koongo. Wefti kooban ayaa Cigaal u raacay Kinshasa, kuwaas oo ahaa wasiirkii arimaha dibedda Xaaji Faarax Cali Cumar, Maxamuud Sheekh Axmed oo ahaa gudoomiyaha maxkamadda sare, Cabdiraxmaan Caabi Faarax oo ahaa agaasimaha guud ee xafiiska ra'iisal-wasaraha, Maxamed Xaaji Xasan oo ahaa Agaasime wasaaradda ganacsiga. Kornayl Cabdi Saxardiid ( Cabdi-dhiboo) iyo aniga.

Waxa jirtay arrin dad yari og yihiin, oo ah maxaa Cigaal ku dhaliyey in heshiis la galo dawladda Kenya oo uu madaxweyne ka ahaa Jomo Kenyatta?

Wefti uu hogaaminayo Daiel Arap Moi, oo markaas ahaa madaxweyne ku xigeen ayaa shirkii ururka midowga Afrika ee ka socday Kinshasa. Wuxuu weftigiisa ku soo daray madax-dhaqameed ka socda Soomaalida ku nool N.F.D. Intii uu shirku socday waxa habeen goor dambe Memling hotel oo aanu degganayn si qarsoodiya ah u yimid Xaajj Khaliif oo ahaa Jiif Caaqil ka socda magaalada Wajiir. Wiilkiisa Cabdirashiid Khaliif ayaa ahaa guddoomiyihii ugu h**eeyey ee jabhadda xoraynta N.F.D

Caaqilku wuxuu Cigaal uga warramay dhibaatada haysata Soomaalida ku nool N.F.D. Wuxuu u sheegay in milatariga Kenya uu xoolohooda toogto, in ay ceelashii iyo balliyadii ka wada aaseen, in ay dadka iska toogtaan, odayaashii waxgaradka ahaana dhammaantood ay xabsiga u taxaabeen. Wuxuuna Cigaal u soo jeediyey in uu laba arrin midkood yeelo.
1. Haddii ay kari karto in dawladda Soomaaliyeed ciidan soo dirto oo ay qabsato gobolka NFD.
2. Haddii taasi aanay suurtagal ahayn, in aad dawladda Kenya nagala hadashid oo aad naga joojiso gumaadka ay nagu hayaan.
Lasoco.... qeybta labaad.
Raad-Raaca
Taariikh Soomaaliyeed
Ambassador Xuseen cali Ducaale" Cawil".

Dr. Sacad Sh. Cismaan Nuur waa aqoonyahan iyo ruug cadaa siyaasadeed islamarkaana ah khabiir ka faalooda oo abla-ableeya...
01/10/2023

Dr. Sacad Sh. Cismaan Nuur waa aqoonyahan iyo ruug cadaa siyaasadeed islamarkaana ah khabiir ka faalooda oo abla-ableeya siyaasadda caalamiga ah.

Hambalyo wasiir Cali xoor-xoor oo saaka golaha wakiiladu cod aqlabiyada ku ansixiyeen, 73 muddane ayaa u codeeyey, cid d...
30/09/2023

Hambalyo wasiir Cali xoor-xoor oo saaka golaha wakiiladu cod aqlabiyada ku ansixiyeen, 73 muddane ayaa u codeeyey, cid diiday iyo cid ka aamustay midna ma jirin.

28/09/2023

Mujaahid Axmed Weyso-cadde oo ka tirsanaa saraakiishii SNM, wuxuu ka waramyaa dagaaladii ugu qadhaadha iyo maalmihii ugu darnaa 1980-kii dagaalkii buuraha galbeedka.

26/09/2023

Qasiido Nabi amaan ah SCW

Address

Berbera

Telephone

+2524452555

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Sahil Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Sahil Media:

Share