Xoogsade Media Tv

Xoogsade Media Tv We are a professional media Tv company with extensive experience in creating high-quality content.

Our expertise spans various formats, allowing us to deliver engaging and impactful media that meets our clients' diverse needs.

15/09/2025

Gudaha Warshada Furshaanta ee Gubatay iyo Qaybihii Mishiinadu Yeelayn

15/09/2025

Warshadda Furaashyada ee Boorama oo uu ka kacay dab xoogan.

Agaasimiha Cusbitaalka maanka ee berbera Dr khalid maxamed cabdilahi iyo dhamaan shaqale weyanaha cusbitaalka maanka ee ...
15/09/2025

Agaasimiha Cusbitaalka maanka ee berbera Dr khalid maxamed cabdilahi iyo dhamaan shaqale weyanaha cusbitaalka maanka ee berbera aya soo dhaweyay Dr Cabdilaahi yusuf Meheriye Agaasimaha h**e cusbitaalka oo safar booqasho iyo shaqo ugu yimaadey Cisbitaalka maanka ee berbera . Dr. Meheriye ayaa muddo laba usbuuc ah kula sugnan doona cisbitaalka maankan ee berbera

15/09/2025

Shirkii labaad ee saddexda xisbi Qaran ee Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, WADDANI iyo KAAH ay ka yeeshaan arrimaha diiwaangelinta

Saaxil Star StadiumStadium-kii h**e loo odhan jiray City Stadium ayaa dib u casriyeyn iyo dib u qurxin ballaadhan lagu s...
15/09/2025

Saaxil Star Stadium
Stadium-kii h**e loo odhan jiray City Stadium ayaa dib u casriyeyn iyo dib u qurxin ballaadhan lagu sameeyey, waxaana hadda loogu magac daray Saaxil Star Stadium.
Ha moogaan!

Hargeysa – Saddexda xisbi qaran ee Somaliland, Kaah, Kulmiye iyo Waddani, ayaa shir ballaadhan ku yeeshay magaalada Harg...
15/09/2025

Hargeysa – Saddexda xisbi qaran ee Somaliland, Kaah, Kulmiye iyo Waddani, ayaa shir ballaadhan ku yeeshay magaalada Hargeysa.
Shirkan ayaa lagu falanqaynayaa arrimaha doorashooyinka soo socda, gaar ahaan sidii loo dardar-gelin lahaa hannaanka doorashooyinka iyo xal u helidda caqabadaha taagan.

Hirra secondry school /Berbera Somaliland
15/09/2025

Hirra secondry school /Berbera Somaliland

Magaalada Hargeysa ayaa lagu qabtay munaasibad si rasmi ah loogu soo bandhigay daraasad muhiim ah oo la xidhiidha dhimis...
15/09/2025

Magaalada Hargeysa ayaa lagu qabtay munaasibad si rasmi ah loogu soo bandhigay daraasad muhiim ah oo la xidhiidha dhimista qiimaha shidaalka iyo korontada dalka Somaliland.

Daraasaddan ayaa lagu falanqeeyay sida loo yarayn karo kharashka shidaalka iyo tamarta korontada iyadoo la eegayo fursadaha maalgashi, siyaasadaha dowladda, iyo tignoolajiyada casriga ah ee lagu bixin karo tamar jaban oo waxtar leh.

14/09/2025

Carwo Halgan iyo Bushaarooyin Tiro badan.

Dastuurka dalka oo ah xeerka u sareeya wadanka oo fulintiisa iyo ku dhaqankiisu tahay waajib cid kaste saaran ayaa qeexa...
14/09/2025

Dastuurka dalka oo ah xeerka u sareeya wadanka oo fulintiisa iyo ku dhaqankiisu tahay waajib cid kaste saaran ayaa qeexaya hannaanka kale duwan ee masuulkaste oo la magacaabay xilka ula wareegi karo, dhaartiisa iyo ansixinta .
dastuurka wuu kala h**eysiiyey
Ansixinta , dhaarta iyo xil wareejinta.

Ansixinta Xubnaha Cusub

Qof kaste oo xil loo magaacabey waxa ku waajib ah in la ansixiyo ka hor intaanu la wareegin xilka cusub, balse taasi ma dhacdo badan oo masuul kaste markiiba xilka ayuu la wareega. Soddon (30) maalmood gudahood marka golaha Wakiiladu ansixiyaan magacaabidda Wasiir ama wasiir ku xigeen, waxa xilka u dhaarinaya guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyada oo uu goob joog yahay Madaxweynaha ama ku xigeenkiisa. qodobka 94 Farqadiisa 3 ee dastuurku jsl.

Sido kalena madaxda hay’adaha madax bannaan ee dastuuriga ah magacabistood ka dibna waxaana oggolaanaya golaha
Wakiilada ka hor intaan xilka loo dhaarin. qodobka 114 ee dastuurku jsl.

Dhaarta Dastuuriga ah

Marka la ansixiyo dhamman xubnaha cusub ee la magacabo waa in ay isku diyaariyan dhaarta dastuuriga ah ka hor intaaney la wareegin xilka, guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo isla markaana ah guddoomiyaha Maxkamadda Dastuuriga ah ayaa dhaarinaya cid kasta oo Dastuurku ku waajibiyey dhaartan Dastuuriga ah, ka hor inta aanu xilkiisa bilaabin ,qodobka 129 ee dastuurku jsl.
dhaarta dastuuriga ah ee ku waajibtey dhamman madaxda dawladda iyo kuwa madax bannaan badan waa la dhalaysada , waxad arkaysa masuul ka dib markii la ansixiyey ama ka hor la wareegey xilka wasaaradda ama hay'adda ka dibna dhaarta dastuuriga ah dambeysiinaya.
Xubin kaste oo la magaacabo waajib kuma ah marka laga reebo kuwa dastuuriga ah mooyane. maalinta la dhaariyo ayey u bilaabmeysa muddo xiloodka rasmiga ah.

Xil Wareejinta

Xil wareejintu waxay xalal noqota marka marxaladaha kale duwan la soo maro ee la ansixiyo lana dhaariyo xubnaha wasiirada iyo hay'adda madaxda bannaan . wixii ka h**eeya ee masuulkaste xilka kula wareego waa mid baal marsan sharciga dalka.

Haddaba waxa dhacda in hannaanka noocasi ah ee dastuurku jideeyey la iska indha-tiro ama wax weyn aan loo arag.
Mudane kaste oo qaabkaas xilka kula wareegin maaha kii uu aqoonsana dastuurku ee xilka loo igmaday, bulshadan u adeegayey.
qodobka kaste oo dastuurku tilmaamay waa in sida uu yahay loo fuliya sababta oo ah waa heshiis bulsho maaha wax cid gaar ah iska leedahay ama ay isticmaaleyso xilligey u baahato.

Waxan qoray Garyaqaan maxamed cali maxamed ( Beegsi )

14/09/2025

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo maanta hortiisa lagu dhaariyey Masuuliyiinta Hay’adaha Madaxa Bannaan ee dhawaan loo magacaabay Xilalka Qaranka

Jaamacadda Gollis faraceeda Berbera ayaa si rasmi ah u furay campus-keedii labaad ee ay ku yeelanayso magaalada Berbera....
14/09/2025

Jaamacadda Gollis faraceeda Berbera ayaa si rasmi ah u furay campus-keedii labaad ee ay ku yeelanayso magaalada Berbera. Qaybtan cusub ayaa noqon doonta mid gaar u ah waxbarashada heerka labaad ee Master-ta iyo tababarada, halka campus-kii h**e uu ahaan doono xarunta waxbarashada heerka Degree-ga.
Munaasabadda xadhig-ka-jarista ayaa lagu qabtay magaalada Berbera, waxaana ka qayb galay Guddoomiye ku xigeenka Gobolka, Isuduwaha Wasaaradda Dib-u-dejinta ee Gobolka, iyo marti-sharaf kale oo badan.
Masuuliyiinta iyo martida ka qayb gashay ayaa hambalyo u diray Jaamacadda Gollis, iyagoo ku bogaadiyey horumarka ay ku tallaabsatay, gaar ahaan ballaarinta qaybteeda waxbarashada ee magaalada Berbera.

Address

Number 1 Road
Berbera
252

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Xoogsade Media Tv posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Xoogsade Media Tv:

Share