Warsame News

Warsame News Warbaahin, dhex-dhexaad ah. Isla markana, ka shaqeysaa soo gudbinta wararka geyiga soomaalidu degto, iyo caalamkaba. Fadlan fallow dheh.

08/02/2023

Pagekan Cusub Kala socda xogta Lasconod

DEG-DEGWaxaa si rasmi ah saaka u biloowday, Dagaalka u dhaxeeya Ruushka iyo UkraineWarsame News
24/02/2022

DEG-DEG

Waxaa si rasmi ah saaka u biloowday, Dagaalka u dhaxeeya Ruushka iyo Ukraine

Warsame News

Horjoogihii Al-shabaab iyo 60 kale, ayaa lagu diley weeraar ay fuliyeen Cidamada JFS ee Danab sida ay Ku warantay warbaa...
22/02/2022

Horjoogihii Al-shabaab iyo 60 kale, ayaa lagu diley weeraar ay fuliyeen Cidamada JFS ee Danab sida ay Ku warantay warbaahinta Dowladda

Weerarka ayaa ka dhacay deegaanno ka tirsan Gobolka Hiiran ee bartamaha Soomaaliya.

Warsame News

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo xildhibaannimo helay Hogaamiyaha xisbiga Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ku...
14/02/2022

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo xildhibaannimo helay

Hogaamiyaha xisbiga Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ku soo baxay kursiga tirsigiisu yahay 138 ee ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Cabdiraxmaan oo la sii saadaaliyay inuu ku soo bixi doono kursigan ayaa waxaa kula qornayd gabar lagu magacaabo Naciimo Xuseen Cali oo aan saaxadda siyaasadda laga aqoon, markii dambe na u tanaasushay.

Waxaa tartanka ka haray oo Cabdiraxmaan u tanaasulay siyaasiyiin la filayay inay loolan adag kula geli doonaan kursigan, uuna kamid yahay ninka kursiga ku fadhiyay baarlamaanka muddo xileedkiisu dhammaaday ee Siciid Nuur Giriish

Cabdiraxmaan waxa uu horay xildhibaan uga soo noqday baarlamaankii Jabuuti lagu soo dhisay 2009 ee ay ku midoobeen dowladdii uu hogaaminayay Cabdullahi Yuusuf iyo isbahaysigii fadhigiisu ahaa Asmara ee uu hogaaminayay Sharif Sheekh Axmed.

Warsame News

05/02/2022

Warsame News

Baarlamaanka Turkiga oo go’aan ka gaaray mooshin laga keenay ciidamada Turkey ee ku sugan SoomaaliyaBaarlamaanka dalka T...
04/02/2022

Baarlamaanka Turkiga oo go’aan ka gaaray mooshin laga keenay ciidamada Turkey ee ku sugan Soomaaliya

Baarlamaanka dalka Turkiga ayaa ansixiyay mooshin ogolaanaya in ciidamada Turkiga ee ku sugan Soomaaliya loo kordhiyo waqtiga ay sii joogayaan Soomaaliya.

Baarlamaanka dalkaas ayaa ansixiyey mooshinkaas oo lagu dalbanayey in ciidamada Turkiga ka joogo Soomaaliya loo ogolaado inay halkaas sii joogaan illaa 10-ka Feberaayo 2023.

Mooshinkaan ayaa waxaa baarlamaanka hor geysay madaxtooyada Turkiga oo codsatay in mudada loo kordhiyo ciidamada Turkiga ee ku sugan Gacanka Cadmeed, badda iyo xeebaha Soomaaliya.
Waqtiga ay ciidamada Turkiga joogayaan dalka Soomaaliya ayaa waxay ku ekeyd 10-ka Bishan February ee sanadkaan, waxaana hadda loogu daray muddo 1 sano ah.

Waa markii 14-aad ee Ankara ay kordhiso joogitaanka guud ahaan ciidamadeeda gacanka cadmeed tan iyo markii ugu horeysay ee uu meelmariyay baarlamaanka sannadkii 2008-dii.

Warsame News

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maan...
04/02/2022

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u amba-baxay magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya oo uu kaga qayb galayo meertada 35-aad ee Shirweynaha Ururka Midowga Afrika.

Shirweynahan oo ay ka qayb galayaan Hoggaamiyeyaasha Dalalka Afrika iyo madax kale, ayaa looga arrinsanayaa dib-u-habaynta Ururka Midowga Afrika, hirgelinta hiigsiga Ururka ee sannadda 2063 iyo wax ka qabashada caqabaha kala duwan ee ay Qaaraddu wajahayso oo ay ugu horreeyaan rabshadaha, saboolnimada, cunno yarida iyo cudurka COVID-19.

Warsame News

Hogaamiyaha TPLF "Annagaa iska deynay in aan gudaha u galno Adis sababa, mana jirin awood ciidan oo naga hor istaagtay w...
02/02/2022

Hogaamiyaha TPLF "Annagaa iska deynay in aan gudaha u galno Adis sababa, mana jirin awood ciidan oo naga hor istaagtay waxaan fursad siinay Nabada"

Warsame News

Waddan ka carooday in magaciisa lagu daray liis ay Soomaaliya ku jirto. Dowladda Colombia ayaa ka carootay in waddankaas...
01/02/2022

Waddan ka carooday in magaciisa lagu daray liis ay Soomaaliya ku jirto.

Dowladda Colombia ayaa ka carootay in waddankaas lagu daray liiska warbixinta Qaramada Midoobay ee 20 dal oo ay ka jirto “baahi daran”, sida ay tebisay Wakaaladda Wararka ee AFP.

War Isniintii kasoo xukuumadda Bogota ayaa lagu dalbaday in Colombia laga saaro liiska waddamada lagu tilmaamay inay halis ugu jiraan “raashin la’aan.”

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Colombia ayaa xafiiska hay’adda FAO ee magaalada Rome u gudbisay go’aanka ku saabsan sida ay uga soo hor jeedaan war bixintaas, sida ay ku warrameen warbaahinta dalkaas.

Warbixinta carada dhalisay waxaa isbuucii lasoo dhaafay si wadajir ah u shaaciyay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Cuntada iyo Berraha iyo hay’adda Caafimaadka Adduunka.

Waxaa lagu sheegay in “dad ay tiradoodu gaareyso 7.3 milyan oo reer Colombia ah ay heystaan dhibaatooyin cunto la’aan ah ayna u baahan yihiin in raashin lagu caawiyo 2022-ka.”

Waddamada kale ee liiska ka muuqda waxaa ka mid ah Soomaaliya, Suudaanta Koonfureed, Itoobiya, Madagascar iyo Yemen.

Warsame News

Puntland oo Qiimo dhimis kooban ku sameysay Gaasta Cunada oo koror ku yimi uu ka dhashay kacdoon Bulsho oo dhinaca Barah...
01/02/2022

Puntland oo Qiimo dhimis kooban ku sameysay Gaasta Cunada oo koror ku yimi uu ka dhashay kacdoon Bulsho oo dhinaca Baraha Bulshada ah .

Warsame News

Wasiirka Gaashaniga Somaliya, "Baladweyne waxaa jooga Ciidamo Amisom ah oo dawlado kala duwan ka socda, marka iima muuqa...
28/01/2022

Wasiirka Gaashaniga Somaliya, "Baladweyne waxaa jooga Ciidamo Amisom ah oo dawlado kala duwan ka socda, marka iima muuqato baahi ay u qabto ciidamada halkaas la geeyay, waana in laga soo celiya.

Warsame News

MADAXWEYNE KU XIGEENKA HIRSHABEELE: "Raiisul wasaaroow talaabo waaba qaadeysa waan maqlay ee walaaloow gacaliye farmaajo...
28/01/2022

MADAXWEYNE KU XIGEENKA HIRSHABEELE: "Raiisul wasaaroow talaabo waaba qaadeysa waan maqlay ee walaaloow gacaliye farmaajo Ku xumeyska naga daa"

Qarax ka dhacay magaalada bosaso xaafad lagu magacaabo Magaala-cad ayaa waxa Ku geeriyooday gudoomiyihii horre ee deegaa...
26/01/2022

Qarax ka dhacay magaalada bosaso xaafad lagu magacaabo Magaala-cad ayaa waxa Ku geeriyooday gudoomiyihii horre ee deegaanka Wardheer bari Maxamad Baxwal

“Gabar cas oo ingiriisi ku hadasha oo soomaali ah waliba reer Hargeisa ah ayaan ugu abaalgudaynaa xildhibaanka reer Uk e...
23/01/2022

“Gabar cas oo ingiriisi ku hadasha oo soomaali ah waliba reer Hargeisa ah ayaan ugu abaalgudaynaa xildhibaanka reer Uk ee ka shaqaynayay madaxbanaanida Somaliland" Xildhibaan Indho Indho ayaa sidaas yiri

Somaliland ayaa gabar qurux badan oo Af Ingiriis ku hadasha oo reer Hargeysa ah ku abaalmarineeeysa Xildhibaankii Barlamaanka Uk geeyay aqoonsiga Somaliland.

Wax ka dheh ,

Hargeysa waxaa saaka ka socda banaan-bax lagu taageeraayo xubnihiii ka tirsanaa Baarlamaanka Ingiriiska ee u ololeynaaye...
22/01/2022

Hargeysa waxaa saaka ka socda banaan-bax lagu taageeraayo xubnihiii ka tirsanaa Baarlamaanka Ingiriiska ee u ololeynaayey Madaxbanaani uu helo maamulkaasi.

Warbixinta Media

Siyaasi Ali hajji Warsame ayaa hadalkan yiri.
22/01/2022

Siyaasi Ali hajji Warsame ayaa hadalkan yiri.

Address

Boosaaso

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Warsame News posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Category