23/08/2024
Borama waa magaalo koriin baaxad leh samaynaysa. Maalin iyo habeena baahiya bulshooyinka ku cusub, kuwa dalxiiska usoo aada iyo kuwa daganaansho kumeel gaadh ah iyo tu wakhti koobana uyimaadaaba ay mudan yihiin inay helaan xogteeda dhinacyo badan sida:
1. Adeegyada bulshada; waxbarashada, caafimaad ka kala duwan, biyaha, laydhka, telefoonka, internet ka, maqaaxiyaha, suuqyada, ascaarta, goobaha caruuraha lagu ciyaarsiiyo, goobaha lagu nasto, goobaha loo dalxiis tago, goobaha jimicsiga, iyo goob walba oo qof magaalada ku cusub iyo ku socod badnaynba u baahanyahay.
2. Adeegyada dhismaha, guri kireynta, gaadiidka safarka, gaadiidka kirada ah, nootaayooyinka, dilaalka kala duwan, iyo xogaha baahiyaha kala duwanoo dhan.
2. Xogta Xafiisyada Dawlada; Dawlada hoose, xarumaha amaanka, wasaaradaha, iyo goobaha gurmadka bixiya.
3. Xogta degmooyinka magaalada, xaafadaha, dariiqyada iyo tilmaamaha hagayaasha noqonkara.
4. Xogta fursadaha maalgashi ee degmada, talooyinka ganacsi, iyo caqabadaha maalgashi ee degmada ka jira.
5. Xogta Ganacsiyada iyo hal-abuurka degmada ku cusub
6. Xogta dhacdooyinka iyo barnaamijyada ka dhaca degmada oo sugan iyo dhacdooyinka qorshaysan oo fursad ahaan iyo ogaal ahaanba usoo hormarino.
Waxa goobtani noqon doonta barkulan aynu ku wadaagno dhamaan xogaha aan soo sheegnay iyo kuwo muhiima oo dheeri ah.
Ku xidhnow Borama Daily Lab oo la socoto xogta Borama da xawaaraha ku koreysa oo kuu mihiim iyo fursadba u ah naftaada iyo asxaabtaadaba, share na dheh xogwalba muhiima oon halkan ku wadaagno.