Borama Daily Media

Borama Daily Media Borama Dailly is local informant where inhabitants, visitors and concerned parties get daily events. Connect and contribute...

27/11/2025

Miisaaniyada Dawlada JSL ee 2026. #4,584,959,018,356 shilling.

Kadib ansixinta maanta miisaaniyada 2026 ee Golaha wasiirada waxay ugudbi doontaa guddida dhaqaalaha Baarlamaanka oo horgayn doona Golaha, karibna waxkabadal iyo gorfayn badan ka dib golaha wakiiladu ansixin doono kuna celin doono MW si loo dhaqan galiyo.

Hadda waa wakhtigii la go'aamin lahaa qoondada odorosyada kharash garaynta miisaaniyada 2026, oo ay muhiim tahay in lagu xisaabtamo qoondooyinka iyo qorshaynta waxii horumar ah iyo fursad abuur ah. Gobol walbana iyo deegaan walba oon intii la diyaarinayay dhinaca qabsan sidoo kalena baahiyihiisa si qorshaysan oo damac dheeri ah ku raadin, tixgalin badan kuma yeelanayo maadaama qorshayaasha laga dheegto iyo qaabka loo qaybiyaana aanay lahayn nidaam iyo qaab wadar ogol ah sidoo kalena lagu wada qabacsanyahay.

Iyadoo Gobolka Awdal uu ku jiro xaalad kacsanaan iyo foojignaan arinta Saylac ay taasoo u muuqata inay ka warqabi waayaan wakhtiga ay haboontahay eenay dhaqan galin, waxaan soo jeedin lahaa in lagu baraarugo oo la raadiyo buuga miisaaniyada iyo sida loo qorsheeyey, laguna daro arimaha muhiimka ah ee dhalinyarada, dhaqanka, xildhibaanada iyo xubnaha gobolka fulinta ugu jiraa si isu dhafan oo isla xisaabtan leh loo waajaho.

Shaqaalaynta ku jirta, maalgashiga, mashaariicda iyo waxwalba oo xukuumadu qorshaysay ay noqoto arin wakhtigeeda la fahmo, lagu xisaabtamo cidwalbana doorkeeda qaadato, oo ayna noqon in lagu baraarugo goor ay xeedho iyo fandhaal kala dhaceen.

Qoraalkan ayaa bulshada lala wadaagay kadib ansixintii golaha wasiirada ee maanta:

""Odoroska Miisaaniyadda Dawladda dhexe ee 2026ka ayaa ah ๐Ÿ,๐Ÿ–๐Ÿ”๐Ÿ”,๐Ÿ๐Ÿ–๐Ÿ‘,๐Ÿ“๐Ÿ”๐Ÿ–,๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ— ๐’๐ก๐’๐‹

Halka ay Miisaaniyadda 2025 ka ahayd: ๐Ÿ,๐Ÿ“๐Ÿ—๐Ÿ‘,๐Ÿ’๐Ÿ‘๐Ÿ,๐Ÿ๐Ÿ“๐Ÿ,๐Ÿ–๐Ÿ–๐Ÿ• ๐’๐ก๐’๐‹;
Faraqa u dhexeeya waa ๐Ÿ๐Ÿ•๐Ÿ,๐Ÿ•๐Ÿ“๐Ÿ,๐Ÿ‘๐Ÿ๐Ÿ”,๐Ÿ๐Ÿ๐Ÿ ๐’๐ก๐’๐‹. Marka loo bedelo boqollay Miisaaniyadda 2026-ka waxa ka badan tahay tii 2025-ka ๐Ÿ๐Ÿ%)

Qaybaha ay ka kooban tahay Miisaaniyadda 2026-ka ee Qaranka Somaliland, ayaa kala ah:

1. Miisaaniyadda Dawladda Dhexe (63%);
2. Miisaaniyadda Dawladaha Hoose: (12%);
3. Mashaariicda Baanka Adduunka iyo Baanka H.Africa: (17%);
4. Miisaaniyadda Hayโ€™adaha Macaashka sameeya: (8%)

ISU GEYNTA GUUD EE MIISAANIYADDA QARANKA JSL SANNADKA 2026-KA:- ๐Ÿ’,๐Ÿ“๐Ÿ–๐Ÿ’,๐Ÿ—๐Ÿ“๐Ÿ—,๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ–,๐Ÿ‘๐Ÿ“๐Ÿ” ๐’๐‡๐’๐‹""

Qaabka mashaariic ahaan loo qorsheyey loona qoondeeyey waxay ku faahfaahsanyihiin buugaga miisaaniyada oo ay muhiimtahay in la helo oo lagu xisaabtamo, wakhtigeedana la waajaho, laguna dhex waddo arimaha masiiriga ah ee taagan, iyadoo gobolka Awdal iyo Salal na yihiin meelaha ugu waawayn ee dalka miisaaniyadiisu ku diirsantahay.

Istaw, Istaw, Salaad walba goorteedaa la tukadaa.

Allaa Mahadleh

Qore: Ilyas Abdirahman Hussein

21/11/2025

Nagula Dalxiis Xeebta iyo Magaalada .

.

10/11/2025

Ninkii han siyasadeed lahaw tolkaa wax ula hadh

Borama City core obligatory services included but not limited:The core services of municipalities generally include func...
08/11/2025

Borama City core obligatory services included but not limited:

The core services of municipalities generally include functions that directly support urban management, local development, and public welfare. These services can be grouped into key categories as follows:

๐Ÿ—๏ธ 1. Urban Planning and Infrastructure Development

Preparation and enforcement of town plans and zoning regulations.
Construction and maintenance of roads, bridges, and drainage systems.
Management of public buildings, markets, and bus stations.
Street lighting and signage installation.

๐Ÿงน 2. Sanitation and Environmental Management

Solid waste collection and disposal.
Cleaning of streets and public spaces.
Management of landfills and waste recycling initiatives.
Control of environmental pollution.
Public hygiene campaigns and awareness.

๐Ÿšฐ 3. Water and Public Utilities

Provision or coordination of urban water supply systems (in partnership with water agencies).
Maintenance of wells, water points, and drainage channels.
Support for local electrification or renewable energy initiatives in partnership with Public or privateElectricity Agencies.

๐Ÿ’ผ 4. Local Economic Development

Licensing and regulation of small businesses, shops, and markets.
Facilitation of job creation and investment opportunities.
Support to local entrepreneurship and cooperatives.
Collection of local taxes, fees, and revenues to fund services.

๐Ÿ  5. Land Administration and Property Management:

Registration and allocation of land and plots.
Issuance of building permits and construction approvals.
Resolution of local land disputes (in coordination with courts and elders).

๐ŸŒณ 6. Public Parks, Beautification and Community Facilities

Development and maintenance of recreational spaces (parks, playgrounds, sports fields).
Construction and upkeep of community centers and cemeteries.
Greening streets, hills and suitable spaces of the city.
Lighting streets, bridges and night out reserved spaces.

๐Ÿฅ 7. Public Health and Safety

Inspection of food markets, restaurants, and abattoirs.
Control of communicable diseases and vector management.
Support to public health campaigns (in collaboration with the Ministry of Health.
Firefighting and disaster preparedness (in partnership with civil defense).

๐Ÿ‘ฎ 8. Local Governance and Citizen Services

Civil registration (birth, death, marriage and divorce certificates).
Citizen participation and community consultations
Conflict resolution and local order enforcement through municipal police.
Implementation of by-laws and local regulations.

๐Ÿง‘โ€๐ŸŽ“ 9. Social and Educational Support

Support for local primary schools, literacy programs, and youth centers.
Assistance to vulnerable groups (women, elderly, disabled, IDPs).
Provide free legal services and help understand accesses to justice for vulnerable people.

Duco Ugaas iyo Danayn Waalid.
23/10/2025

Duco Ugaas iyo Danayn Waalid.

22/10/2025

Sugnaanshaha Xogta.

Xog waa macluumaad dhamaystiran oo ku sahabsan hawl ama arin gaar ah, kaas oo bixinaysa tilmaan, tusmo, tiro ama talo. Xogtu waa waxa macnaha usameeya fariinta la gudbinyo ama la rabo in ay samayso fasiraada ay sido. Si kooban, xogtu waa sahlaha go'aamada dhinacwalba oo macluumaadkeedu khuseeyo, tayadeeduna waxay ku xidhantahay hufnaanteeda.

Xog kasta oo la gudbiyaa wakhtigaan casriga ahna waxay u baahantahay taxadar dheeri ah oo ubaahan masuuliyad iyo taxadar maadaama aanad maamuli karin maxsuulkeeda markay farahaaga ka baxdo, oo hadii ka dabatag ama sixid kusamee tidhaahdana ay gacan kale maamulkeeda ugashay iyadoo ay sahlayso baraha bulshada ee dabada ka furan ee isu furan.

Waxyaabaha ugu muhiimsan ee xog sugi kara waxa wakhtigan casriga ka mid ah inaad marwalba xogta aad gudbinaysaa daacadnimo iyo ujeedo buunbuuneed ay ka madax banaantahay taasoo yaraynaysa dareenada foosha xun iyo taban ee ay gudbin karto fariin ama xog aad bulsho ugudbisay. Somalidu waxay tidhaahdaa "Daacadi ma hungowdo' waana hadal xaqiiq iyo badhaxtirnaanta dhiirigelinaya.

Si guud iyo si gaar ahba macluumaadada inaga baxaa waxay sobobi karaan culays, qoomamo iyo foolxumooyin aanad ka soo waaqsan xanuun ee xadadto foolxun ku noqon kara mustaqbalkaaga si gaar ah marka ay kugu jirto hogaamin umadeed iyo hiigsiyo inan rageed tartan ini dhex dhigi kara.

Isusoo duuduubo, si aad ugudbiso xog qurxoon, mustaqbalkaaga iyo falanqaynaha mustaqbalkana kugu furin furimo aanad dawo uwaayin, si dabaqsan oo daacada, dareen qurxoon oo buunbuunsanayn ugudbi, kana baaqso waxwalboo taban oo taariikhdaada madoobayn kara.

Wabilaahi Tawgiiq.
Borama Daily Media.

19/10/2025

Degmada Borama iyo wiiqanka wadar hogaaminta Bulshada.

Degmada Borama waxay waajahaysaa duruufo hogaamineed oo mano-awaal ah, mustaqbalkeedana u horseedi kara kala qoqobnaan iyo kala jiidasho bulsho oo ka maran habaabin kara horusocodka horumarineed iyo fursadaha koriin ee ay haysato in laga faaiideeyo, bulshada wax magaratada ah ee ku noolna ay waydo cid si hiigsi fog ugu fikirta una horseeda barwaaqo.

Waxaad moodaa in mudooyinkan dambe ay soo korodhay hogaamin dhalanteed ah oo bulshada si xeerdheer wax ula socon een fahamsanayn dabina si ismaasuukhinta ah loogu maleegayo bulshada, iyada oo la adeegsanayo indho-sarcaad iyo muuqaalo joogto ah lagana duubaayo mashruuciiba 10 jeer, taasoo maskaxda bulshada xariinta ah balse warmooga ah ku reebaya horumar dhalanteed ah kaasoo muddo kooban kadib marka tayo xumo uburburana ay yaab iyo anfariir ku noqonayso. Arinta cajiibka ah ee dhaqabkan ku hoos duugan ayaa ah in dhaqaalaha bulshada loogu adeegi lahaa, lagu lunsado lana dhexmarinayo mashaariicda la buunbuuniyay kuwaasoo raandhiis cimri dheer aan lahayn.

Hogaaminta wakhti xaadirka degmada Borama hogaaminaysa ayaa ah mid muuqeeda iyo maskaxdeedu kala maan yahay. Waxa aad moodaa in ay kaliya fahmi karaan cid xog dhaw haysa ama la jaanqaadi karta qaabka loo dhisay agaasinka iyo gudoonka degmooyinka iyo dadka loo xushay oo ku dhisan magacyo laakiin waxii manfaca lahaa oo dhan laga hoos xayuubiyay si gaar ahna dadyow gaar ah loogu dhiibay iyadoo si gooniya looga faaiidaysanaayo; sida mashaariicda, adeegyada dhaqaalaha lagu saaro, iyo adeegyada maalinlaha ah ee u baahan kharash kaasoo inta la buunbuuniyo sifooyin gaar ah looga faaiidaysto. Hada hadii aad magacyada waaxyaha tirsanayso, waa magac iyo mansab meel lagu reebay uune la soco. Waana dhaqan aan ufiicnayn mustaqbalka degmada iyo adeegbixinteeda, aanay jirin cid sadaalin karta halkay ku dambayn doonto.

Waxaa iyadna ah waxyaabaha bulshada qariibka ku noqday beegsiga shaqsiyaadka talooyinka fiican siiya gudoonka degmada, runta usheega amaba hawl fulin si qaloocan loo waddo ka hortimaada ay la kulanta aargoosi heerwalba leh oo qarsoodiya loona fuliyo sifo u eeg tudhaale degmo iyo in isbadal ama kharash dhimis la samaynaayo. Waxaa jirta dad muddo 10 naan sanno ah usoo adeegayay degmada maamulo badana ugu yimaadeen kagana tageen in qaab aan waafaqsanayn sharciga iyo waaqica looga saaray shaqaalaha dawlada hoose ee degmada, iyagoon eed, dacwad iyo wargelin la siinin marnaba. Arintanina waxay la dahsoontahay ay tahay bulshada degmada oo ah xariir ah wakhti badan oo waanwaanana galisa xalinta arimahan oo kale, xaqiiqadu waxay tahay laakiin, in si badheedh ah oo sharci ahayd dad badan loo beegsanaayo.

Borama waa degmo bulshadeedu hoos u hadasho, daaha dabadiisa laga hadlo lana isu badheedhim taasoo keentay in degmada ay dadka hogaamiyaa ku dhiiradaan talaabooyin aan haboonayn cid saxdana aanay jirin sinaba. Taas badalkeedu ay dagmadu mudneyd mid manfaceedu gaadho gobolka Awdal, deegaanka ethiopia iyo inay noqoto xudun laga hogaamiyo danaha iyo gunti giijinta bulshada balaadhan ee ay caasimada u tahay. Si kastaba ha ahaatee, waxaa lagu qasbanaan doonaa in tooshka loo qaato tabinta xaqiiqooyinka hagardaamo, fursadaha horumar, gogaaminta danlayda ah iyo xogwalba oo degmada si togan iyo si tabanba u anfacaysa.

Borama Dailly Media waxay si joogto ah usoo tabin doontaa iftiiminta xogaha dahsoon iyo kuwa mugdigu kujiro ee ku sahabsan wadar-hogaaminta iyp horusocodka degmada Borama, si loo helo madal xogwadaag oo ina wada anfacda.

Bilow wanaagsan.
Wabilaahi Tawfiiq

Maamulka Borama Dailly Media.

19/10/2025

DEGDEG : "Nin maamuli wayay hanti gaar loo leeyahay may kula tahay inuu maamulayo hanti bulshada ka dhaxaysa+ siyaasi Qayaalu diin...seemore

Xil. Mohamed Abiib, ayaa sidan yidhi, wakhti ay taagantahay dareen diidmo oo bulshada Gobolada Galbeedku  ka qabto qaab ...
27/08/2025

Xil. Mohamed Abiib, ayaa sidan yidhi, wakhti ay taagantahay dareen diidmo oo bulshada Gobolada Galbeedku ka qabto qaab dhismeedka xukuumada Madaxweyne Ciro xili ay uu dhisay 95% xukuumadiisa.
Bulshadu waxay dhawraysaa sida Madaxweynuhu dheeliga halkiisii h**e kasii durkay, ugu kabi karo fursadaha kooban ee hadhay iyo sida uu udhiirado.

Celebrating my 5th year on Facebook. Thank you for your continuing support. I could never have made it without you. ๐Ÿ™๐Ÿค—๐ŸŽ‰
28/03/2025

Celebrating my 5th year on Facebook. Thank you for your continuing support. I could never have made it without you. ๐Ÿ™๐Ÿค—๐ŸŽ‰

16/03/2025

Arinta Oxygen ta ee dhakhtarka guud ee Borama.

Eeboow degmadii oon cidina danayn bay naga noqotay.

Arintan waa arin soo noqnoqotay muddo sanaddo ah walina u muuqata in xal waara loo helin, oo wali wax wayn ka si yihiin marwalbana dhaliil iyo gaabis ay ka jirto taasoo ahayd arin mar h**e la xaliyo oo la dhameeyo, maadaama ay sobobi karayso dayacaad bini aadam.

Waxa baraha bulshadu ku xidhiidho ay kusoo bandhigeen dad ka cabanaya adeega oxygen ee dhakhtar iyo Aqoonyahan Mohamoud Warsame Ruush oo si quruxbadan oo lexejeclo leh baaq gubaabo udirey isagoo ay ka muuqatay xogogaalnimo iyo lexejeclo damiirku direy. Hadalada ka soo yeedhay loo adeega iyo aqoonyahanka waxa ka mid ahaayeen oo ugu dambeeyeen cabashooyin muddo soo taxnaa oo ka taagnaa (oxygen generator ka ) dhakhtarka wayn ama mid bulsho iibisay ha ahaado ama mid dawladu keentay ha ahaadee. Waana arin ubaahnayn in marh**eba masuuliyad adeegaa muhiimka ah joogteysa laga yeesho.

Waxa ka falceliyay oo media ha mariyay fariin u muuqatey inay ku raaceen bulshada cabashada soo gudbisay labadii masuul ee usareeyey dhakhtarka iyo caafimaadka gobolka oo ay tahay cida ay tahay inay masuuliyadeeda qaataan, waxna ka qabtaan aakhiro iyo adduuna lagala xisaabtamayo, xataa ta adduunka la xisaabtankeeda haday reer Borama ku liitaan, tii aakhiro iyo mid adduun lagaga muujiyaba waa mid eebe kala xisaabtamayo hadii hawshaa gaabiskeeda iyo masuuliyad daradeedaba qayb ka yihiin. Hadii xataa masuuliyiinta heer qaran dayacaada qayb ka yihiin oo aad ka gaabsataan idinkoo utudhaaya xilalkiina waa masuuliyad iyadna sina idiinka leexanayn aakhiro iyo adduunba.

Bulshada Borama haday waxwalba danguud ka dhigto oo caafimaadkii oo ah adeegii ugu muhiimsanaana dayac joogto ah iyadoo dul hoganayo afka la haysto, waa foolxumo iyo gunimo aan sina loo dafiri karin bulshooyinka kale iyo dadka degmada ukuurgala ee deegaanada kale ka yimidna ka anfariirayaan, sidaa awgeed caafimaadka degmadu ma haboona in marka faraha arin ka baxdo in la isla yooyootamo ee waa arin lama taabtaana oo daneeyayaasha caafimaada iyo horumarka bulshada ba ay tahay inay si joogto ag ugu kuurgalaan oo ka warqabaan adeega caafimaad ee si gaar ah dhakhtarka wayn in shaqada wasaarada caafimaadka ee gobolka, yaanu noqon adeega caafimaadku waa halbawlee, adeeg sida loo dhayalsaday sida ciyaaraga degmada ee dhawr sano maraya in aan waxba laga qaban, maadaama caafimaadku isagu si toos ah utaabanayo nolosha qof walba oo degamada ku nool ha buko ama caafimaad qabee.

Waxa nasiib daro joogto noqotay ah in dadkii la doortay iyo cidwalba masuuliyad fulineed haysaa ay adeegyada aasaasiga ciday ku halaynayaan ee ay uga aamusanyihiin ilaa hadda aan garan laayahay, ma garasho la,aan bay ka tahay, ma qushibaa mise waa doqoniimo darajooyinkii lagu yaqaanay doo darjiidhay.

Adeega caafimaadku mansab kasta hay, hayn kasta lahoow oo hawlkasta hayn maalin, difaac ama dacwee, waxaa tahay kii/tii maalin uun dhibo si gaar ah marka adiga xilka haya ama ehelkaagu ubaahdo si kadisa adeegyada dayacan ee masuuliyiintii lahaa qaylinayaan marka runta loo sheego.

Allah ramadaan cidwalba oo ka danaysanaysa si degdega ha uga qabto, aamiin.

Waxaa qorey:

Ilyas Abdirahman Hussein
Agaasimaha Arimaha Bulshada
Dawlada Hoose ee Deg. Borama

08/03/2025

Haweenka danyarta ah ee ku ganacsada sariimada Xaafada Tuurta ee Degmada Sheikh Ahmed Salaan ayaa cabasho ka muujiyay adeegyadii asaasiga ahaa ee ay xaqa u lahaayeen in maamulka dawlada Hoose ka gaabiyay oo ay waajahayaan dhibaatooyin nadaafad xumo, ilaalo la'aan iyo dayac baahdan oo dhan walba ah.

Address

Bille Road
Borama
252

Opening Hours

Monday 09:00 - 17:00
Tuesday 09:00 - 17:00
Wednesday 09:00 - 17:00
Saturday 09:00 - 17:00
Sunday 09:00 - 17:00

Telephone

+252633885588

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Borama Daily Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

EMPLOYABILITY SKILLS TRAINING

As a university graduate who is eager to get a decent job, YOFLA - Youth Future Lab provides a four or five days long employability training to master all those basic skills needed to process your own application and send to your potential employers. You shall find comfortable and confident to prepare your application in the comfort of your own home or hotel you are connected. Reach us through +252633885588.