Borama Daily Media

Borama Daily Media Borama Dailly is local informant where inhabitants, visitors and concerned parties get daily events. Connect and contribute...

10/03/2026

Suuqa Ramadaanta Borama iyo Hoolka Haldoor Hotel, ka mid noqo ganacsatada iyo macaamiisha shidi doona kulankan ganacsi.

04/03/2026

Borama Ramadan Suuq waxa uu si rasmi ah u furmayaa Maalinta SABTI, March 07, 2026 oo waafaqsan Ramadaan 18.

23/01/2026

HAL SANO, HAL-ABUUR LA'AAN IYO JIHAYN LA'AAN DHALINYARO. (SANDUUQA HORUMARINTA DHALINYARADA S/LAND).

Tan iyo markii la hal-abuuray sanduuqa horumarinta dhalinyarada Somaliland waxaa dhalintu dhawraysay abuurinta barnaamijyo horumarineed oo wax ka badala hab nololeedka, hab fikirka, hal-abuurka iyo hogaaminta dhalinyarada Somaliland guud ahaan. Waxaana bilaabmay kadib curashada sanduuqan rajo iyo yididiilo in dhalintu heli doonaan waji iyo goob loo asteeyey horumarintooda iyo gacanqabashadooda.

Muddo dhawr sano ah oo mashruuca sanduuqani dhinac u dhaqaaqi waayay oo jiho iyo midho dhal yeelan waayay, waxa rajadii dib u cugay oo soo nooleeyey dareenkii dhalinyarada kadib doorashadii aqlabiyada lahayd ee lagu doortay Madaxweyne Abdirahman Cirro oo mar labaad sanduuqa ku daray hurutebinihiisa marlabaadna umagacaabay wiil dhalinyaro oo hogaamiya horumarinta iyo taabagelinta sanduuqan muhiimka ah, taasiyo marlabaad rajo iyo raynrayn dib ugaliyay hamiga iyo hiigsiyada dhalinyarada kala duwan ee dhalinta Somaliland, si gaar ah gobolada ku dihin dhalin aqoon iyo xirfado ku qalabaysan laakiin kaliya taakulo, hogaamin iyo jihayn uun Ubaahan, tusaale Awdal iyo Maroodijeex.

Dhaqaajinta iyo hogaaminta toolmoon ee sanduuqani waxa uu qayb wayn ka noqon karayaa jihaynta, xirfad dhiska, abaabul ka saarka iyo taakulayn dhalinyarada dalka, taasoo gobolada dalka dhalintiisa dhaxalsiin karta in ay ku tartamaan hal-abuur iyo waxsoosaar kala duwan taasoo mashquul togan, daljaceel iyo wadaniyad dheeri ah u horseedi kara wacyiga dhalinta. Waxa kale oo dhaqaajinta sanduuqani wax wayn ka tari lahaa xasilinta iyo xilkasnimada dhalinta ee heer walba. Baahida loo qabbo jihaynta dhalinyarada tiro beelka ah, wax bartay sidoo kalena baahi uqabba jihayn waxay noqonaysaa in sanadkii aan soo dhaafnay iyo kan aan bilownayba noqonayaan goortii loogu baahi badnaa.

Agaasimaha sanduuqa waxa uu muujiyay gaabin, hal-abuur xadidnaan iyo faham yari baahsan mudadii uu hayay sanduuqa oo noqonaysa wakhti dhalinta dalku si isdaba joog ah saamayn ugu yeesheen xasiloonida iyo deganaanta noloshada degmooyinka qaar. Marna ma dhicin in hogaaminta sanduuqu keento talo, xal, guubaabo ama jihayn dawo unoqon karayay dhacdooyin badan oo sanadkii tagay dhalinta camal la,aanta ah ama la jihayn ay sobobeen. Gaabiska iyo hal-abuur la'aanta hogaanka samduuqu wuxuu muujiyay fadhiidnimo soo kordhin kari wayday ugu yaraan barnaamij wacyi dhis iyo jihayn ah taasoo ah shaqada ugu fudud ama halwyar ee sanduuqani fulin karayay haday xataa jiraan duruufo dhaqaale iyo dib udhis.

Sanduuqu wali ma awoodin xataa inuu u kuurgalo una safro gobolada si loo darso ama degmooyinka loogu tago dhalinta, lana ogaado baahiyada, duruufaha iyo kala duwanaanshaha duruufaha dhalinta eebdegmooyinka dalka. Hogaanka sanduuqu wuxuu ka doorbiday ka qaybgalka shirar iyo kulamo ka dhacayay gobolka geeska iyo Africa oo aanay cadayn ujeedooyinka wakhtiga loogu bixiyay ama lagasoo faaiiday oo ka sal-balaadhnayn muujinta sal yaraanta waaya-aragnimada agaasimaha sanduuqa. Sanduuqu ma sidaan ayuu sii ahaan doonaa oo aanu gaadhi doonin degmooyinka iyo baahiyaha kordhaya ee dhalinyarada mise wuxuu noqon doonaa kusheen lagu karkariyo xasiloonida fahamka iyo xal salbalaadhan uhelida dhalinyarada dalka, taasoo wax wayn ka tari lahayd deganaanshaha, nabada iyo rajada bulshada guud ahaan.

Waxaan u arkaa sanduuqan inuu hayay dhakhtarkii lagu dawayn lahaa rajada dhaaqacantay iyo qabjabka ku dhacay dhalinyarada dalka, kaasoo soo noolayn kari lahaa jididiilooyin iyo hal-abuur tamar badan wata oo wax wayn ka badala habfikirka, wax soo saarka iyo daljacaylka dhalinyada dalka, xukuumada waxa uu unoqon karaa dab-demis hor dhac ah oo ku filaada fahamka filashada iyo ka falcelinta dareenka dhalinyarada. Fahamka doorkan iyo dhaqaajinta aragtidan horumarinta hal-abuurka dhalinyaradu waxaa muuqanaysa in uu ubaahanyahay karti iyo kasmo ka xoog badan qaabka loo hago ee loo hilaadiyo joogtada hada iyo timaatada ka baahida badanba.

Waxaan kusoo koobayaa in:

1. Sanduuqa sii ahaan fadhiid in kabadan sanadkaa aan ka soo gudubnay.
2. Sanduuqu gaadho degmooyinka, dhagaysto talada iyo hamiga dhalinta iyo baahiyaha kala duwan.
3. Sanduuqu qaato doorka jihayn dalinyarada dalka, wadaniyada iyo rajo abuur joogto ah.
4. Sanduuqu u maskax iyo aragti furnaado dhacdooyinka, cabashooyinka iyo duruufaha dhalinta dalka kagana jawaabo hal-abuuro qalbi qaboojin iyo dal jacayl ku reeba dhalinta.
5. Sanduuqu noqdo meel dhalinta u furan oo ay kulasoo hagaagaan dhiirigelinta hal-abuurkooda
6. Mashaariicda dalka lagu ladho barnaamijyo dhalinta dhiiriya ama wax la qabta
7. Sanduuqu horseedo siyaasado dhaqaale abuur, marin maalgalin fududayn iyo ka faaiidaynta ganaciyada gaar loo leeyahay.
8. Hogaanka sanduuqu noqdo qof gacan ka hor, codkiisu rajo iyo dhiirigelin abuuro.
9. Sanduuqu abuuri jawi muhiimada dhalinyada ka horutebiyada waxyaabo badan oo ay ka muhiimsanyihiin codkoogana kor uqaada.
10. Sanduuqu abuuro jawi cadaaladeed, wadar lahaanyo dhalinta degmooyinka dalka iyo goboladuba taasoo dhiirin doonta dadaal dhalinyaro oo gees ka gees ah.

Waxaan rajaynayaa in sanduuqa loo arag haayad abuurantay oo cidii la doono loo dhiibo, siday doonto udhex joogto, cidii la doonana badhisaarta, balse Madaxweynaha iyo bulshadaba kaga filnaata badhisaarka hal-abuurka iyo jihaanta maalin maanta dhaanta ee dhalinyarada Somaliland. Sido kale ka gaabinta rajada dhalinta ee hogaaminta sanduuquna waajahdo la xisaabtan iyo kor joogtayn faham dheer oo ka midho dhalisa sanduuq dhalintu ku badhaadho oo isu xidha dunida xawaaraha kusocotana ku xidha ugana faaiideeya.

Wabilaahi Tawfiiq.

Ilyas A. Hussein
Borama, Somaliland.

15/01/2026

MAXAA MASUUL BULSHADU WAXQABAD KU AMAANAYSO DIFAAC IYO INUU CIDWALBA OO KA ARAGTI DUWAN UU SHAADHKA ULA XIDHANAYAA?

Waar bal anuun yaan la igu dhafrin oo la idareemine hala !!!!!!!

Shaqada Golaha deegaanka loo doortey ee Mayor iyo ku xigeen iyagna usii igmadeen waa waajib, ma ahan wax tamar intaan leeg iyo xiiq hurdada lagaga dhafro lagu lumiyo.

Tamartan aan galinay difaacista iyo jawaab celintu malaha nuclear baabay inoo samayn lahay waana mid laga badbadinaayo oo ka salbalaadhan intay ubaahnayd. Waxwalba oo si caadifadaysan op loo waajaho iyo jawaabo la soo celceliyo iyadoo aad moodo in kiniin qasab ah la isasiinayo shaqsiyan uma arko wax wanaag iyo wada jir abuuraya.

Jabaawta badan iyo ismuujinta badan waxay keentaa inay arimaha ciinka daaqsiiso, foolxumayso sidoo kalena dariiqyo foolxun ay jeexdo iyadoo isdareenka iyo fasiraadaha bulshada ay abuuri karaan kooxaysi iyo iska caabin iska soo horjeeda oo aan degmada iyo hogaaminteedaba u fiicnayn.

Si gaar ah waxaan u qawadsanahay hogaamintii iyo dadaalkii bulshada loo hayay oo ismuujin iyo iidheh badan oo aan baahi loo qabin tamar badan iyo dhaqaale badan ku baxaayo, dhafar iyo abaabul badan la galinaayo oo aadan garanayn cadawga magaalada kusoo duulay ee la jabinaayo, iyo gacmahaan cadceeda qarinaaya ee dadka qaar sheegayaan, waxaasoo dhan waa arin yaab igalisa oo waxa ku kalifaya is waydiinayo inay ku raacaystaan hogaanku iyo waxay ka dheefayaan oo shaqsiyan igala badneen in la is qoonsaddo iyo in dariiqyo ficiltan oo natiijo xun ay keento.

Hadii golaha deegaanku kukala fikir duwanaado sida degmada shaqada looga waddo iyagay utaalaa inay iska qanciyaan iyagaana sharcigu siinayaa, cidwalba oo dhex oradaana gaas iyo kantiid uunbay kusii shidaysaa, hadii hogaanka degmadu xal moodayna waa arin dariiqeedii loo diidayo, suaalna abuuraysa ah, MAXAA MASUUL BULSHADU WAXQABAD KU AMAANAYSO DIFAAC IYO INUU CIDWALBA OO KA ARAGTI DUWAN UU SHAADHKA ULA XIDHANAYAA?

Waxa kusoo gunaanadayaa, degmada, taariikhdeeda, ilbaxnimadeeda iyo sharafkeeda nidaam sidan ka quruxbadan oo abaabulkan is difaac ee mararka qaar qabyaalad cay gaadhaya haloo dhaamo, maamulka degmaduna cida iyadoo difaacaysa reero iyo shaqsiyaad masuulo ah caayaysa yaanay ku raaxaysane ha iska bari yeelaan.

Wabilaahi Tawfiiq.

Qore: Ilyas Abdirahman Hussein

27/11/2025

Miisaaniyada Dawlada JSL ee 2026. #4,584,959,018,356 shilling.

Kadib ansixinta maanta miisaaniyada 2026 ee Golaha wasiirada waxay ugudbi doontaa guddida dhaqaalaha Baarlamaanka oo horgayn doona Golaha, karibna waxkabadal iyo gorfayn badan ka dib golaha wakiiladu ansixin doono kuna celin doono MW si loo dhaqan galiyo.

Hadda waa wakhtigii la go'aamin lahaa qoondada odorosyada kharash garaynta miisaaniyada 2026, oo ay muhiim tahay in lagu xisaabtamo qoondooyinka iyo qorshaynta waxii horumar ah iyo fursad abuur ah. Gobol walbana iyo deegaan walba oon intii la diyaarinayay dhinaca qabsan sidoo kalena baahiyihiisa si qorshaysan oo damac dheeri ah ku raadin, tixgalin badan kuma yeelanayo maadaama qorshayaasha laga dheegto iyo qaabka loo qaybiyaana aanay lahayn nidaam iyo qaab wadar ogol ah sidoo kalena lagu wada qabacsanyahay.

Iyadoo Gobolka Awdal uu ku jiro xaalad kacsanaan iyo foojignaan arinta Saylac ay taasoo u muuqata inay ka warqabi waayaan wakhtiga ay haboontahay eenay dhaqan galin, waxaan soo jeedin lahaa in lagu baraarugo oo la raadiyo buuga miisaaniyada iyo sida loo qorsheeyey, laguna daro arimaha muhiimka ah ee dhalinyarada, dhaqanka, xildhibaanada iyo xubnaha gobolka fulinta ugu jiraa si isu dhafan oo isla xisaabtan leh loo waajaho.

Shaqaalaynta ku jirta, maalgashiga, mashaariicda iyo waxwalba oo xukuumadu qorshaysay ay noqoto arin wakhtigeeda la fahmo, lagu xisaabtamo cidwalbana doorkeeda qaadato, oo ayna noqon in lagu baraarugo goor ay xeedho iyo fandhaal kala dhaceen.

Qoraalkan ayaa bulshada lala wadaagay kadib ansixintii golaha wasiirada ee maanta:

""Odoroska Miisaaniyadda Dawladda dhexe ee 2026ka ayaa ah ๐Ÿ,๐Ÿ–๐Ÿ”๐Ÿ”,๐Ÿ๐Ÿ–๐Ÿ‘,๐Ÿ“๐Ÿ”๐Ÿ–,๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ— ๐’๐ก๐’๐‹

Halka ay Miisaaniyadda 2025 ka ahayd: ๐Ÿ,๐Ÿ“๐Ÿ—๐Ÿ‘,๐Ÿ’๐Ÿ‘๐Ÿ,๐Ÿ๐Ÿ“๐Ÿ,๐Ÿ–๐Ÿ–๐Ÿ• ๐’๐ก๐’๐‹;
Faraqa u dhexeeya waa ๐Ÿ๐Ÿ•๐Ÿ,๐Ÿ•๐Ÿ“๐Ÿ,๐Ÿ‘๐Ÿ๐Ÿ”,๐Ÿ๐Ÿ๐Ÿ ๐’๐ก๐’๐‹. Marka loo bedelo boqollay Miisaaniyadda 2026-ka waxa ka badan tahay tii 2025-ka ๐Ÿ๐Ÿ%)

Qaybaha ay ka kooban tahay Miisaaniyadda 2026-ka ee Qaranka Somaliland, ayaa kala ah:

1. Miisaaniyadda Dawladda Dhexe (63%);
2. Miisaaniyadda Dawladaha Hoose: (12%);
3. Mashaariicda Baanka Adduunka iyo Baanka H.Africa: (17%);
4. Miisaaniyadda Hayโ€™adaha Macaashka sameeya: (8%)

ISU GEYNTA GUUD EE MIISAANIYADDA QARANKA JSL SANNADKA 2026-KA:- ๐Ÿ’,๐Ÿ“๐Ÿ–๐Ÿ’,๐Ÿ—๐Ÿ“๐Ÿ—,๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ–,๐Ÿ‘๐Ÿ“๐Ÿ” ๐’๐‡๐’๐‹""

Qaabka mashaariic ahaan loo qorsheyey loona qoondeeyey waxay ku faahfaahsanyihiin buugaga miisaaniyada oo ay muhiimtahay in la helo oo lagu xisaabtamo, wakhtigeedana la waajaho, laguna dhex waddo arimaha masiiriga ah ee taagan, iyadoo gobolka Awdal iyo Salal na yihiin meelaha ugu waawayn ee dalka miisaaniyadiisu ku diirsantahay.

Istaw, Istaw, Salaad walba goorteedaa la tukadaa.

Allaa Mahadleh

Qore: Ilyas Abdirahman Hussein

21/11/2025

Nagula Dalxiis Xeebta iyo Magaalada .

.

10/11/2025

Ninkii han siyasadeed lahaw tolkaa wax ula hadh

Borama City core obligatory services included but not limited:The core services of municipalities generally include func...
08/11/2025

Borama City core obligatory services included but not limited:

The core services of municipalities generally include functions that directly support urban management, local development, and public welfare. These services can be grouped into key categories as follows:

๐Ÿ—๏ธ 1. Urban Planning and Infrastructure Development

Preparation and enforcement of town plans and zoning regulations.
Construction and maintenance of roads, bridges, and drainage systems.
Management of public buildings, markets, and bus stations.
Street lighting and signage installation.

๐Ÿงน 2. Sanitation and Environmental Management

Solid waste collection and disposal.
Cleaning of streets and public spaces.
Management of landfills and waste recycling initiatives.
Control of environmental pollution.
Public hygiene campaigns and awareness.

๐Ÿšฐ 3. Water and Public Utilities

Provision or coordination of urban water supply systems (in partnership with water agencies).
Maintenance of wells, water points, and drainage channels.
Support for local electrification or renewable energy initiatives in partnership with Public or privateElectricity Agencies.

๐Ÿ’ผ 4. Local Economic Development

Licensing and regulation of small businesses, shops, and markets.
Facilitation of job creation and investment opportunities.
Support to local entrepreneurship and cooperatives.
Collection of local taxes, fees, and revenues to fund services.

๐Ÿ  5. Land Administration and Property Management:

Registration and allocation of land and plots.
Issuance of building permits and construction approvals.
Resolution of local land disputes (in coordination with courts and elders).

๐ŸŒณ 6. Public Parks, Beautification and Community Facilities

Development and maintenance of recreational spaces (parks, playgrounds, sports fields).
Construction and upkeep of community centers and cemeteries.
Greening streets, hills and suitable spaces of the city.
Lighting streets, bridges and night out reserved spaces.

๐Ÿฅ 7. Public Health and Safety

Inspection of food markets, restaurants, and abattoirs.
Control of communicable diseases and vector management.
Support to public health campaigns (in collaboration with the Ministry of Health.
Firefighting and disaster preparedness (in partnership with civil defense).

๐Ÿ‘ฎ 8. Local Governance and Citizen Services

Civil registration (birth, death, marriage and divorce certificates).
Citizen participation and community consultations
Conflict resolution and local order enforcement through municipal police.
Implementation of by-laws and local regulations.

๐Ÿง‘โ€๐ŸŽ“ 9. Social and Educational Support

Support for local primary schools, literacy programs, and youth centers.
Assistance to vulnerable groups (women, elderly, disabled, IDPs).
Provide free legal services and help understand accesses to justice for vulnerable people.

Duco Ugaas iyo Danayn Waalid.
23/10/2025

Duco Ugaas iyo Danayn Waalid.

22/10/2025

Sugnaanshaha Xogta.

Xog waa macluumaad dhamaystiran oo ku sahabsan hawl ama arin gaar ah, kaas oo bixinaysa tilmaan, tusmo, tiro ama talo. Xogtu waa waxa macnaha usameeya fariinta la gudbinyo ama la rabo in ay samayso fasiraada ay sido. Si kooban, xogtu waa sahlaha go'aamada dhinacwalba oo macluumaadkeedu khuseeyo, tayadeeduna waxay ku xidhantahay hufnaanteeda.

Xog kasta oo la gudbiyaa wakhtigaan casriga ahna waxay u baahantahay taxadar dheeri ah oo ubaahan masuuliyad iyo taxadar maadaama aanad maamuli karin maxsuulkeeda markay farahaaga ka baxdo, oo hadii ka dabatag ama sixid kusamee tidhaahdana ay gacan kale maamulkeeda ugashay iyadoo ay sahlayso baraha bulshada ee dabada ka furan ee isu furan.

Waxyaabaha ugu muhiimsan ee xog sugi kara waxa wakhtigan casriga ka mid ah inaad marwalba xogta aad gudbinaysaa daacadnimo iyo ujeedo buunbuuneed ay ka madax banaantahay taasoo yaraynaysa dareenada foosha xun iyo taban ee ay gudbin karto fariin ama xog aad bulsho ugudbisay. Somalidu waxay tidhaahdaa "Daacadi ma hungowdo' waana hadal xaqiiq iyo badhaxtirnaanta dhiirigelinaya.

Si guud iyo si gaar ahba macluumaadada inaga baxaa waxay sobobi karaan culays, qoomamo iyo foolxumooyin aanad ka soo waaqsan xanuun ee xadadto foolxun ku noqon kara mustaqbalkaaga si gaar ah marka ay kugu jirto hogaamin umadeed iyo hiigsiyo inan rageed tartan ini dhex dhigi kara.

Isusoo duuduubo, si aad ugudbiso xog qurxoon, mustaqbalkaaga iyo falanqaynaha mustaqbalkana kugu furin furimo aanad dawo uwaayin, si dabaqsan oo daacada, dareen qurxoon oo buunbuunsanayn ugudbi, kana baaqso waxwalboo taban oo taariikhdaada madoobayn kara.

Wabilaahi Tawgiiq.
Borama Daily Media.

19/10/2025

Degmada Borama iyo wiiqanka wadar hogaaminta Bulshada.

Degmada Borama waxay waajahaysaa duruufo hogaamineed oo mano-awaal ah, mustaqbalkeedana u horseedi kara kala qoqobnaan iyo kala jiidasho bulsho oo ka maran habaabin kara horusocodka horumarineed iyo fursadaha koriin ee ay haysato in laga faaiideeyo, bulshada wax magaratada ah ee ku noolna ay waydo cid si hiigsi fog ugu fikirta una horseeda barwaaqo.

Waxaad moodaa in mudooyinkan dambe ay soo korodhay hogaamin dhalanteed ah oo bulshada si xeerdheer wax ula socon een fahamsanayn dabina si ismaasuukhinta ah loogu maleegayo bulshada, iyada oo la adeegsanayo indho-sarcaad iyo muuqaalo joogto ah lagana duubaayo mashruuciiba 10 jeer, taasoo maskaxda bulshada xariinta ah balse warmooga ah ku reebaya horumar dhalanteed ah kaasoo muddo kooban kadib marka tayo xumo uburburana ay yaab iyo anfariir ku noqonayso. Arinta cajiibka ah ee dhaqabkan ku hoos duugan ayaa ah in dhaqaalaha bulshada loogu adeegi lahaa, lagu lunsado lana dhexmarinayo mashaariicda la buunbuuniyay kuwaasoo raandhiis cimri dheer aan lahayn.

Hogaaminta wakhti xaadirka degmada Borama hogaaminaysa ayaa ah mid muuqeeda iyo maskaxdeedu kala maan yahay. Waxa aad moodaa in ay kaliya fahmi karaan cid xog dhaw haysa ama la jaanqaadi karta qaabka loo dhisay agaasinka iyo gudoonka degmooyinka iyo dadka loo xushay oo ku dhisan magacyo laakiin waxii manfaca lahaa oo dhan laga hoos xayuubiyay si gaar ahna dadyow gaar ah loogu dhiibay iyadoo si gooniya looga faaiidaysanaayo; sida mashaariicda, adeegyada dhaqaalaha lagu saaro, iyo adeegyada maalinlaha ah ee u baahan kharash kaasoo inta la buunbuuniyo sifooyin gaar ah looga faaiidaysto. Hada hadii aad magacyada waaxyaha tirsanayso, waa magac iyo mansab meel lagu reebay uune la soco. Waana dhaqan aan ufiicnayn mustaqbalka degmada iyo adeegbixinteeda, aanay jirin cid sadaalin karta halkay ku dambayn doonto.

Waxaa iyadna ah waxyaabaha bulshada qariibka ku noqday beegsiga shaqsiyaadka talooyinka fiican siiya gudoonka degmada, runta usheega amaba hawl fulin si qaloocan loo waddo ka hortimaada ay la kulanta aargoosi heerwalba leh oo qarsoodiya loona fuliyo sifo u eeg tudhaale degmo iyo in isbadal ama kharash dhimis la samaynaayo. Waxaa jirta dad muddo 10 naan sanno ah usoo adeegayay degmada maamulo badana ugu yimaadeen kagana tageen in qaab aan waafaqsanayn sharciga iyo waaqica looga saaray shaqaalaha dawlada hoose ee degmada, iyagoon eed, dacwad iyo wargelin la siinin marnaba. Arintanina waxay la dahsoontahay ay tahay bulshada degmada oo ah xariir ah wakhti badan oo waanwaanana galisa xalinta arimahan oo kale, xaqiiqadu waxay tahay laakiin, in si badheedh ah oo sharci ahayd dad badan loo beegsanaayo.

Borama waa degmo bulshadeedu hoos u hadasho, daaha dabadiisa laga hadlo lana isu badheedhim taasoo keentay in degmada ay dadka hogaamiyaa ku dhiiradaan talaabooyin aan haboonayn cid saxdana aanay jirin sinaba. Taas badalkeedu ay dagmadu mudneyd mid manfaceedu gaadho gobolka Awdal, deegaanka ethiopia iyo inay noqoto xudun laga hogaamiyo danaha iyo gunti giijinta bulshada balaadhan ee ay caasimada u tahay. Si kastaba ha ahaatee, waxaa lagu qasbanaan doonaa in tooshka loo qaato tabinta xaqiiqooyinka hagardaamo, fursadaha horumar, gogaaminta danlayda ah iyo xogwalba oo degmada si togan iyo si tabanba u anfacaysa.

Borama Dailly Media waxay si joogto ah usoo tabin doontaa iftiiminta xogaha dahsoon iyo kuwa mugdigu kujiro ee ku sahabsan wadar-hogaaminta iyp horusocodka degmada Borama, si loo helo madal xogwadaag oo ina wada anfacda.

Bilow wanaagsan.
Wabilaahi Tawfiiq

Maamulka Borama Dailly Media.

Address

Bille Road
Borama
252

Opening Hours

Monday 09:00 - 17:00
Tuesday 09:00 - 17:00
Wednesday 09:00 - 17:00
Saturday 09:00 - 17:00
Sunday 09:00 - 17:00

Telephone

+252633885588

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Borama Daily Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

EMPLOYABILITY SKILLS TRAINING

As a university graduate who is eager to get a decent job, YOFLA - Youth Future Lab provides a four or five days long employability training to master all those basic skills needed to process your own application and send to your potential employers. You shall find comfortable and confident to prepare your application in the comfort of your own home or hotel you are connected. Reach us through +252633885588.