Farhan Abdi

Farhan Abdi Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Farhan Abdi, Digital creator, .

09/08/2026

Wiil iyo adeerkiiba reer u marti-yey.

Waxa loo martiqaadey si wanaagsan. Waxa loo keeney cunto iyo cabitaanba.

Waxay bilaabeen inay cuntadii cunaan. Mar ay dhexda marayeen ayuu odeygii wiilkii ku yiri:

“Adeer, aynu cuntada reebno.”

Wiilkii wuxuu ku jawaabey:

“Waxaa la inoogu keeney, meyna ahayn inaan cuno? Waynu dhamaynaynaa.”

Odeygii oo h**ey u falxashey baa kusoo laabtay cuntadii, kulahaa:

“Ma kollaba la odhanayaa, odeygii baa ka hadhay?”

29/07/2026

U fiirso arrintan, ma kugu dhacday?

Alaab kuu muhiim ah ayaa kaga xiran qol. Kadibna waxaad doontay inaad soo saarto, balse waxaad aragtay inuu qufulan yahay. Waxaad u dhaqaaqday halkii aad furaha ku ogeyd, laakiin waad ka weyday.

Alaabtaasi aad bay muhiim kugu tahay, waxaadna rabtay inaad si degdeg ah u soo qaadato. Haddaba, waxaa hubaal ah inaad bilaabayso inaad meel kasta ka raadiso adigoo waliba xanaaqsan oo leh: "Halkee buu maray? Yaa qaaday? Dadkan reerka jooga fara dheeraa!"

Xaaladdaas haddii aad gasho, waxaa hubaal ah inaad waayeyso.

Laakiin ma u fiirsatay in haddii aad is dejiso oo aadan isku mashquulin, isla markaana aad bilowdo hawl yar oo kale, ay dhici karto inaad ka hesho jeebkaaga ama aad si kedis ah u xasuusato halkii uu yaallay?

Noloshuna waa sidaas oo kale. Waxaa laga yaabaa arrin aad aad u dooneysay, in aadan isku weyneyn, oo hadana ka gaadho heer sare oo aadan filaneyn.

Inuu qofku khaldamo ama fashilmo maxaa ceeb ka dhigay?Cabsidda khaladka ama fashilka waxa ay curyaamisay hal-abuur badan...
20/06/2026

Inuu qofku khaldamo ama fashilmo maxaa ceeb ka dhigay?

Cabsidda khaladka ama fashilka waxa ay curyaamisay hal-abuur badan. Laga yaabaa qof haya fikrad wax weyn ka beddeli lahayd noloshiisa iyo ta dadkaba inuu u hakiyo isaga oo ka baqaya inuu ku fashilmo ama shaqayn weydo.

Yaa yiri fikrad walba way guulaysataa?

Ninka maanta dunida ugu taajirsan, Elon Musk, shirkaddiisa SpaceX waxay fashilantay saddex jeer. Waxa uu ku dhowaaday inuu musalafo mashruucaas, laakiin waxa u suurtagashay markii afraad oo uu ku guulaystay. Waana shirkadda sababta u ah inuu maanta noqdo qofkii ugu horreeyay ee gaadha $1 tiriliyan.

Khaladka iyo inaad mar ama ka badan fashilanto ceeb ma aha ee waa cashar iyo khibrad uun.

Ma jirto cid dammaanad u haysata guusha.

Carruurta waxaan barnaa inay ixtiraamaan dadka waaweyn. Laakiin maad aragtay meel dadka waaweyn lagu barayo inay ixtiraa...
09/05/2026

Carruurta waxaan barnaa inay ixtiraamaan dadka waaweyn. Laakiin maad aragtay meel dadka waaweyn lagu barayo inay ixtiraamaan 'fikradaha cusub' ee dhalinyaradda.

Weligaa ma keentay fikrad fican, balse qof kaa weyn ma kugu yiri "is-aamus, weli carruur baad tahee"

Ka soo qaad iney u dhici lahayd badalkeeda, oo uu qofka weyni dhageysan lahaa firkradaada ka dibna uu ku kabi lahaa khibradiisa. Fikraddaa waxay noqon lahayd mid guuleysata.

Hadaba ixtiraamku maha kan waayeelka un la ixtiraamo, qofka waayeelkuna waa inuu ixtiraama qof dhalinyaradda fikirkiisa.
Hadii labada ixtiraam la isla helo waxa la noqonaya bulsho isla jaanqaadda, oo ka yar waxa uu keeni fikrad cusub, ka waayeelkuna wax uu ku kabi waayo-aragnimadiisa.

Dad badan waxay rabaan inay si degdeg ah u gaaraan level sare, laakiin waxay ka boodaan basics-ka—taasina waa meesha ay ...
05/04/2026

Dad badan waxay rabaan inay si degdeg ah u gaaraan level sare, laakiin waxay ka boodaan basics-ka—taasina waa meesha ay dhibaatadu ka bilaabato. Haddii aad rabto inaad si sax ah u dhisto xirfaddaada, ka bilow aasaaska, hana degdegin.

👉 https://javascript.info/ waa meel aad u fiican oo aad ka bilaabi karto. Waxay ku baraysaa JavaScript si qoto dheer, laga bilaabo basics ilaa concepts advanced ah, si aad u fahamto sida wax u shaqeeyaan.

System Design-ka uga fakar sida adigoo guri dhisaya. Ma iska soo qaadanaysaa leben oo ma iska dul-saaraysaa meel banaan?...
04/04/2026

System Design-ka uga fakar sida adigoo guri dhisaya. Ma iska soo qaadanaysaa leben oo ma iska dul-saaraysaa meel banaan? Maya! Ugu horrayn, waxaad u baahan tahay injineer kuu sameeya khariidada (blueprint) sheegaysa meesha tuubooyinka biyaha iyo fiilooyinka korontadu marayaan.

System Design waa khariidada software-ka. Waa habka aad u qorshaynayso sida qaybaha kala duwan ee nidaamku u wada shaqaynayaan si ay dhibaato u xalliyaan kahor inta aadan koodhka qorin.

3-da Qaybood ee ugu Muhiimsan Nidaamka
Ka soo qaad in aad dhisayso App dadka ka caawinaya xakamaynta kharashaadka. Beddelkii aad hal file oo weyn koodh kaga buuxin lahayd, App-ka waxa loo kala jebinayaa qaybo wada xiriiraya:

1️⃣Macaamiilka (Front-End): Waa qaybta uu isticmaaluhu arko ama taabto (sida badhamada iyo foomamka). Marka uu qofku geliyo inuu $5 doolar kafee ku cabbay, qaybtani xogtaas ayay ururisaa oo dirtaa.

2️⃣Server-ka (Back-End): Waa "Maskaxda" daaha gadaashiisa ka shaqaynaysa. Waxay soo dhawaysaa xogtii $5-ta doolar ahayd, waxay hubisaa qofka (security), kadibna waxay xisaabisaa hadhaaga lacagta.

3️⃣Xog-kaydiyaha (Database): Waa "Xusuusta". Server-ku wuxuu xogtii la hubiyay u diraa halkan si loo kaydiyo. Sidaas darteed, markuu qofku berrito App-ka furo, xogtiisu wali way u kaydsan tahay.

Maxay System Design muhiim u tahay?
Haddii aad App u dhisayso naftaada, naqshadiisu way fududaan kartaa. Balse marka uu App-ku weynaado oo dad badan isticmaalaan, naqshad adag ayaa loo baahan yahay sababahan dartood:

1. Koriinka (Scalability): Haddii App-kaaga ay hal mar soo galaan 100,000 oo qof, naqshad fiican waxay kuu ogolaanaysaa inaad ku darto server-yo badan si ay culeyska u qaybsadaan iyadoon App-ku dhicin (crash).

2. Isku-hallaynta (Reliability): Haddii hal server uu xumaado ama uu dansamo, nidaam si fiican loo naqshadeeyay wuxuu leeyahay kayd (backups) heegan ah si uusan App-ka oo dhami u istaagin.

3. Dayactirka (Maintainability): Marka aad kala saarto Front-end-ka, Back-end-ka, iyo Database-ka, waxay aad ugu fududaanaysaa horumariyayaasha (developers) inay ciladaha helaan ama wax cusub ku daraan iyagoon kharribin koodhkii h**e.

Dad badan marka ay maqlaan "Software Development", waxaa indhahooda kusoo dhaca qof habeen madow fadhiya shaashad madow ...
03/04/2026

Dad badan marka ay maqlaan "Software Development", waxaa indhahooda kusoo dhaca qof habeen madow fadhiya shaashad madow oo koodh (code) cagaar ah ku qoraya. Waxay u haystaan inay tahay wax aad u adag oo xisaab iyo xarfo badan uun ku kooban.

Balse runta halkan ka baro: Code-ku waa qayb yar oo ka mid ah xirfadda Software Development-ka!

Haddii aad rabto inaad noqoto horumariye (Developer) guulaysta, waa inaad fahamtaa saddexdan marxaladood ee ka muhiimsan koodhka:

1️⃣ Fahamka dhibaatada (The Problem):
Ka hor inta aadan hal xaraf oo koodh ah qorin, waa inaad garanaysaa WAXA aad dhisayso iyo SABABTA aad u dhisayso. Haddii aadan dhibaatada fahamsanayn, koodhkaagu wax qiimo ah ma laha.

2️⃣ Naqshadda Nidaamka (System Design):
Tani waa meesha maskaxdu shaqayso. Waa sida khariidada guriga (Blueprint). Sidee xogtu u soconaysaa? Sidee qaybaha kala duwan ee app-ka ay isu dhex galayaan? Qofka garanaya System Design-ka waa qofka dhisaya wax muddo dheer sii shaqaynaya.

3️⃣ Xallinta dhibaatada (Problem Solving):
Software development-ku waa "Logic". Waa inaad leedahay awood aad dhibaato weyn ugu kala jebin karto qaybo yaryar oo fudud. Koodhka (Syntax-ka) waa uun sidii aad kombiyuutarka ugu sheegi lahayd fikirkaaga.

Maxay tani kuu kordhinaysaa?
Haddii aad ka cabsanaysay koodhka, ogaaw in maanta AI (sida ChatGPT, Gemini, ama Cursor) ay ku caawin karaan qorista koodhka. Balse AI kuuma samayn karto "Fikirka iyo Naqshadda" (The Thinking & Design).

Guntii iyo gunaanadkii:
Ha baran kaliya koodhka, ee baro sida wax loo xalliyo (How to solve problems). Markaad taqaan waxaad dhisayso, qorista koodhku waa qaybta ugu fudud ee shaqada!

Su'aal: Adigu xaggee kaaga adag: Inaad fikirka keento mise inaad koodhka qorto? Noogu soo qor comment-ka! 👇

Muddo dheer waxaan isticmaalayay AI si aan wax u dhiso.Waxaan diyaarin jiray prompt fiican, kadibna natiijadu si degdeg ...
02/03/2026

Muddo dheer waxaan isticmaalayay AI si aan wax u dhiso.

Waxaan diyaarin jiray prompt fiican, kadibna natiijadu si degdeg ah ayey ii imaan jirtay. Wax walba way shaqeynayeen… balse hal su’aal ayaan is weydiiyay:

Ma fahmayaa waxa ka socda gudaha?
Run ahaantii maya.

Ma aanan fahmin sababta code-kan u shaqeynayo.
Ma aanan garaneyn logic-ga ka dambeeya.
Haddii wax khaldaan, ma aqoon meesha laga bilaabo.
Taasi waxay ahayd caqabaddii i indho furtay.

Waxaan ogaadey in isticmaalka AI uu fududeyn karo shaqada, laakiin uusan kaa dhigi karin developer haddii aadan fahmin aasaaska.

Markaas ayaan go’aansaday inaan hoos ka soo bilaabo.
Waxaan dib ugu noqday:
Fundamentals
Logic & problem solving
System design
Sida project dhab ah loo dhiso
Bilowgu ma sahlaneyn. Mararka qaar waxaan dareemayay inaan waqti lumiyay. Mararka qaarna waxaan arkayay sida ay u fududeyd in shortcut loo laabto.
Laakiin jidka saxda ah ma ahan kan ugu fudud — waa kan ku baraya inaad fahamto.

Maanta, marka aan dhisayo project:
Waan fahmaa architecture-kiisa
Waan garanayaa sababta qayb walba u jirto
Waan akhrin karaa, wax ka beddeli karaa, oo hagaajin karaa code-ka.

Farqigu waa mid weyn.

Hadda ma ihi qof kaliya “AI wax ka dalba.”
Waxaan ahay qof fahmaya waxa uu dhisayo.

Halkan waxaan idinkula wadaagi doonaa:
Caqabadaha dhabta ah ee safarkan
Casharrada aan ka bartay qaladaadkeyga
Hab-fikirka cusub ee Software Developer-ka casriga ah

Haddii aad rabto inaad dhisto wax dhab ah — ma aha oo kaliya inaad soo saarto natiijo — ku soo biir safarkan.

App kasta oo aad isticmaasho maanta wuxuu la xiriiraa apps kale si qarsoodi ah. Waxa wada shaqeyntaas suurtageliya waa A...
29/12/2025

App kasta oo aad isticmaasho maanta wuxuu la xiriiraa apps kale si qarsoodi ah. Waxa wada shaqeyntaas suurtageliya waa API. Maqaalkan wuxuu sharxayaa sida API-yada u shaqeeyaan iyo sababta ay laf-dhabar ugu yihiin internet-ka.

Akhri maqaalka oo buuxa:👇

API-yada casriga ah ayaa suurtageliya in apps-ku wada shaqeeyaan. Maqaalkani wuxuu sharxayaa waxa API yahay, sida uu u shaqeeyo, iyo doorka uu ku leeyahay tiknoolajiyada maanta.

Address


Telephone

+252634596904

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Farhan Abdi posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Farhan Abdi:

Shortcuts

  • Want your business to be the top-listed Media Company?

Share