18/02/2026
Turkiga ayaa u muuqda inuu sii xoojinayo kaalintiisa milatari ee Soomaaliya, iyadoo todobaadkan ay magaalada Muqdisho soo gaareen maraakiib sida qalab iyo hub milatari.
Tallaabadan ayaa qeyb ka ah iskaashiga dhinaca amniga ee u dhaxeeya dowladaha Turkey iyo Somalia.
Sidoo kale, wararka ayaa sheegaya in cutub gaar ah oo ka tirsan ciidanka Turkiga la dejiyay deegaanka Qoriloow ee gobolka Shabeellada Dhexe, halkaas oo ay ka wadaan howlo la xiriira tababar iyo taageero amni.
Arrintan ayaa muujinaysa kororka joogitaanka iyo taageerada milatari ee Turkigu ku leeyahay gudaha dalka.
Dhanka kale, maraakiib dagaal oo hordhac u ah kuwa shidaalka ayaa iyaguna soo gaaray dekedda Muqdisho, iyagoo sugaya ammaanka maraakiibtaasi.
Dhaqdhaqaaqyadan ayaa kusoo aadaya xilli dowladda Soomaaliya ay dadaal ugu jirto xoojinta awoodda ciidamadeeda iyo sugidda amniga guud ee dalka.
Sidee u aragtaa?