Axmed Buudhi

Axmed Buudhi Halkan Waxaad Kala Socon Doontaa Warar Warbixino Iyo Xogo Xiiso Badan Fadlan Boggenan Ku Xidhnow Mahadasanidiin

03/08/2026

Qaban Qaabada U diyaar-galowga Shirka Todobaadka Qurbo-Joogta Somaliland oo maalmaha 3aad iyo 4aad ay martigelinayso magaalada Borama. Kaasoo maalinta berri ah ka furmi doona Hotel Safari.

03/08/2026

Deg Deg Dhaawaca Ragii Ciise Ee Saka Lagu dhaawacay Deeganka Jir-jirka Oo Hada Boorama La Keenay.

02/08/2026

4tii qof Ee dhawacii Oo Hada Jabuuti loo qaaday

DEG-DEG: Warar Hordhac ah oo laga Helayo Gobolka SalalWararka hordhaca ah ee aanu ka helayno Gobolka Salal ayaa sheegaya...
02/08/2026

DEG-DEG: Warar Hordhac ah oo laga Helayo Gobolka Salal

Wararka hordhaca ah ee aanu ka helayno Gobolka Salal ayaa sheegaya in caawa fiidkii, agagaarka Dooxa Waraboodka, jabhada Ciise ay weerar ku qaadeen gaadiid rakaab siday oo ka yimid dhinaca Lowya-caddo.

Sida xogta hordhaca ahi tilmaamayso, rasaas ay Ku fureen jabhada ciise mid ka mid ah gaadiidka, ayaa sababtay dhaawaca afar qof, iyadoo la sheegay in qaar ka mid ah dhaawacyadu ay culus yihiin.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in laba gaadhi oo kale iyo labadii darawal ee waday, inta rakaabkii ay wadeen laga dejiyay la afduubtay. Ilaa iyo haddana lama oga halka lagu hayo labada darawal iyo labada gaadhi.

Waxaa xusid mudan in wararku tilmaamayaan in gaadhiga rasaasta lagu furay iyo labada gaadhi ee la afduubtayba ay lahaayeen dad ka soo jeeda beesha Gadabuursi.

Degaanka geerisa waxa ku sugan waftigii dhex-dhexadinta ee xukumada tasi oo uu horkacayo Wasiirka arimaha gudaha oo isagu dhawr mar oo h**e ku fashilmay heshiiska Labada dhinac arintan Ayaa u saansan eeg inay la mid noqonayso sidii kuwii h**e oo kale madama sansan coaladed Cawa ka jirto deganka aasha-addo.

Wixii warar ah ee arrintan ku soo kordha dib ayaan idiinla socodsiin doonnaa.

✍🏿 Ahmed Buudhi

02/08/2026

Gabilay Oo Ay Xareedu Biyo Dhigatay

Hadaad aragto cagafyo la gaynayo Boorama waxa tagaya Madaxweyne Cirro, marka Madaxweynuhu soo noqdana waa la soo celiyaa...
02/08/2026

Hadaad aragto cagafyo la gaynayo Boorama waxa tagaya Madaxweyne Cirro, marka Madaxweynuhu soo noqdana waa la soo celiyaa.

Bal dib u daawo safaradii Madaxweynaha ee Boorama cagafyadii ku jiray Madaarka iyo Wadada Baki.

Ex Wasiir Buuni.

02/08/2026

Safarka habenkii Iyo Dhulko rooban 🌨️🌨️

02/08/2026

Mar Kale Geerisa: Gogol Nabadeed Mise Ballan Aan Hirgelayn?

Wafti ayaa u ambabaxay shir nabadeed ay xukuumaddu ku baaqday oo lagu dhex-dhexaadinayo labada beelood ee Ciise iyo Gadabuursi, kaas oo lagu wado inuu berri ka furmo Geerisa.

dad badan ayaa is weydiinaya: maxaa ka duwan shirarkan kuwii h**e? H**e ayay xukuumaddu dhowr jeer u dhex-dhexaadisay labada dhinac, waxaana la shaaciyey heshiisyo nabadeed, balse heshiisyadaas badankood waxay la kulmeen caqabado dhinaca hirgelinta ah, iyadoo xiisaduhuna marar dambe dib u soo laabteen.

Waxa kale oo hadal-hayn dhalinaya in qaar ka mid ah masuuliyiintii qaybta ka ahaa dedaalladii h**e ay markale hormuud ka yihiin gogosha cusub ee Geerisa.

Adigu sideed u aragtaa? Shirkan ma noqon doonaa mid si dhab ah u hirgala oo soo afjara colaadda, mise wuxuu raaci doonaa raadkii heshiisyadii h**e ee aan si buuxda u hirgelin?

31/07/2026

Jawi Cajiiba

30/07/2026

Dabaal-dega Sanad Guurada Maamulka Waqooyi bari Oo Ka Socda Laascanod.

Address

Aaden Isak Road
Borama
252

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Axmed Buudhi posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share