04/04/2023
U oggolaan maayo in ninna cagihiisa wasakhaysan uu maskaxdayda la dhex maro.
Xoriyaddu waxay ka bilaabataa marka aad ku faanto qofka aad tahay. Inta aan cid kale kugu guubaabin ama aan laguu muujin qofka aad tahay ama aqoonsigaga . Waligaa xor ma ahaan doontid, meel kasta oo aad joogto ama wax kasta oo aad samayso. Maanta ma haybtayda ayaa la iisheegayaa, ama tabliiq la iigusoo baxayaa oday yar iyo laba dumara. Alla ILLAAHOW haybteena mugdi hagelin.
Waxan ku abtirsanaa mid guun ah oo xadaarad lahayd, boqortooyooyin lahayd, dawlado waawayn lahayd, dhul lahayd, isir lahayd, abtirsiin lahayd farac lahayd, qadiyad lahayd, taariikh lahayd, ma mida Iidoor kolba meel ula cararayaan oo marna Carab ula aadayaan marna Irir Samaale. Aniga xanuunka noocaasi ima hayo, waanan aqaanaa cida aan ahay ee Reer Awdalow waan idiinka mahad celinayaa inta caafimaad qabtay ee arinkaas ka foorarsadoow. Waar intiina kalaay miyaan la noolaan doonin adigoon u nacamlayn nimaan ku quudhin. Alle waa jiraa waana jiri doonaa. Iyaga waxa afka qalaad lagu yidhaa 'Identity crisis' ayaa cudurkeegu ku dhacay, ee adigu caafimaadkaaga faaiidadiisa dareen u lahaw.
Inaan maanta anigu kuu taliyaana way taagantahay, tol nimaana iikaa damqaysa, waanan kuu talin, wiilasheena iyo gabdhaheena dhag xumada ka dhiidhiyayana ayagaan u samaynaynaa wax ay ayagu leeyihiin oo ay bari ugu faanaan qayrkood. Wali yagu waa noolyihiin oo damiir wax aan ku haboonayn diidi kara ayay leeyihiin.
Dhalinta Haybta Reer Awdal Guul ayaan idiin rajaynayaa.