AWDAL MEDIA GROUP

AWDAL MEDIA GROUP Warbaahin Madaxbanaan iyo Warar Sugan Awdal Media Group waa muraayada Bulshada Soomaaliyeed

Iskuduwaha Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta ee Gobolka Salal ayaa kormeer shaqo ku tagay goobaha ay ka hawlgalaan shirkad...
13/07/2026

Iskuduwaha Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta ee Gobolka Salal ayaa kormeer shaqo ku tagay goobaha ay ka hawlgalaan shirkadaha ka shaqeeya qaadista ciidda ee gobolka.

Kormeerkan ayaa ujeeddadiisu ahayd inuu qiimeeyo habraacyada shaqo, u hoggaansanaanta shuruucda iyo xeerarka macdanta, ilaalinta deegaanka, iyo sida shirkaduhu u gudanayaan waajibaadkooda.

Iskuduwaha ayaa intii uu kormeerka ku jiray la kulmay masuuliyiinta shirkadaha, isagoo kula dardaarmay inay si buuxda u ilaaliyaan shuruucda dalka, badbaadada shaqaalaha, iyo ilaalinta deegaanka, si khayraadka dabiiciga ah looga faa’iidaysto si waarta oo mas’uuliyad leh.

Xukuumada Somaliland ayaa Mamnuucday in Mootooyinka alaabta qaada Rakaab loo Isticmaalo
12/07/2026

Xukuumada Somaliland ayaa Mamnuucday in Mootooyinka alaabta qaada Rakaab loo Isticmaalo

Xigmad somaliyeed ayaa tidhaahda"Tolnimo aan caddaalad lahayn waa eex, tol lagu raaco khaladkiisana waa colaad la qurxiy...
12/07/2026

Xigmad somaliyeed ayaa tidhaahda

"Tolnimo aan caddaalad lahayn waa eex, tol lagu raaco khaladkiisana waa colaad la qurxiyey"

Ana waxaan leeyahay Tol waa tiir, balse xaqa ha ka weynaan tolkaaga garab istaag, laakiin gardarrada ha ku garab siin.
Waxaan uga socdaa hadalkayga intaan tolkayow aynu shir tagin inagu ma is saxnaa oo waxa inaga maqan si wada jir ah wax ma uga wada doonana ragaa aan dalka wada leenahay mise inagii oo ay wax inaga maqan yihiin ayaan hadana kala soconaa ?

Xigmad English ah ayaa tidhaahda

"Unity is strength, when we stand together, no challenge is too great"

Macnaheedu tahay Midnimadu waa xoog, marka aynu isku duubnaanno, caqabad inaga adkaan kartaa ma jirto"

Ugu dambayn tolkay gadabuursina mid ayaan leeyahay oo waxan leeyahay tolkayow waxa inaga maqan jufo inaga mid ah k**a maqna ee waa mid inaga wada maqane si wada jir ah han u wada doonano.
Beesha dhexena waxaan leeyahay waar awrku adi uun kuu rarnaan maayee dalka dad kaleh ayaa kugula nool.

Ahmed Mizaan

12/07/2026

Sidee bay beesha Isaaq ama beesha Dhexe u wada qaateen xilalkii iyo mansabyadii Somaliland ugu sareeyey ? Waa Su'aal aan sodon sano iyo dheeraad aan laga jawaabi oo Wariye Madax banaan Nimco Omar Xuseen waydiisay bulshada Awdal.

Eletaria Mo Amiir.

12/07/2026

"Soomaaliya haddii aysan jirin, Jabuuti Xor ma noqoteen " Talyaha ciidanka dawlada Jabuuti.

Mareykanka ayaa ka digay in falalka loogu xadgudbayo calankiisa ee ka dhacay Muqdisho ay waxyeello u geysan karaan xidhi...
12/07/2026

Mareykanka ayaa ka digay in falalka loogu xadgudbayo calankiisa ee ka dhacay Muqdisho ay waxyeello u geysan karaan xidhiidhka kala dhexeeya Soomaalida; wuxuu se bogaadiyey in DFS ay tallaabo dhakhso ah ka qaaday dadkii ku istaagay calankiisa.

12/07/2026

“Wax dowlad la yidhaahdo k**a jirto Somaliland ee waxaa ka jira dhaqan qabiil oo waxwalba lagu saleeyo…”

Doobiile sadiiq

Sawirkan ayaa dood weyn ka dhaliyey baraha bulshada. Waxana ka muuqda kuraasta ugu saraysa Somaliland oo beel kaliya ku ...
12/07/2026

Sawirkan ayaa dood weyn ka dhaliyey baraha bulshada. Waxana ka muuqda kuraasta ugu saraysa Somaliland oo beel kaliya ku fadhido.Waxna lagu celceliyaa Somaliland la wada leeyahay !!

Fadlan Ka Fogaw Caadifadan oo qiimee muuqaalkan sawirkan waxa uu salka ku hayaa ?

12/07/2026

Gudoomiyihii golaha guurtida Somaliland oo is casilay.

Xildhibaano iyo Siyaasiin ka tirsanaa xisbiga Kaah ayaa iska casilay xisbiga ay ka tirsanayeen.
11/07/2026

Xildhibaano iyo Siyaasiin ka tirsanaa xisbiga Kaah ayaa iska casilay xisbiga ay ka tirsanayeen.

Address

Dayaxnews30@gmail. Com
Borama

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when AWDAL MEDIA GROUP posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to AWDAL MEDIA GROUP:

Shortcuts

Share