AWDAL MEDIA GROUP

AWDAL MEDIA GROUP Warbaahin Madaxbanaan iyo Warar Sugan Awdal Media Group waa muraayada Bulshada Soomaaliyeed

15/12/2025

Dadweynaha Boorama oo ka Quustay labada Wasiir Macdanta iyo Biyaha.

15/12/2025

Reer Boorama, Wali Xor ma aha oo Hadalkooga Hargeysa uga Amar qaataan, Wasaarada Caafimaadka Awdal oo Ceebo dul hoganayaan.

Midowga Jaamacadaha Soomaaliyeed ayaa soo saaray qoraal ay cabasho uga yihiin Wasaaradda Waxbarashada iyo Guddiga Dooras...
15/12/2025

Midowga Jaamacadaha Soomaaliyeed ayaa soo saaray qoraal ay cabasho uga yihiin
Wasaaradda Waxbarashada iyo Guddiga Doorashooyinka oo ay sheegeen inay ku Qasbayaan Jaamacadaha iyo Xarumaha Waxbarashada inay ku qabtaan Doorashooyinka.

Tolaaw Labadan Nin Xilka wasiirnimo Ma Waxay Ku Heleen Lottery Waayo Maaha Rag Le Hogaamin Iyo Xilkasnimo Lagu Hanan Kar...
15/12/2025

Tolaaw Labadan Nin Xilka wasiirnimo Ma Waxay Ku Heleen Lottery Waayo Maaha Rag Le Hogaamin Iyo Xilkasnimo Lagu Hanan Karo Xilka wasiirnimo.

Sido kale Waxa Iyadna Jirta In Ay Xilka Ku Heleen, Xulasha Xumada Iyo arragti Gaabnanta gudoomiyaha jabhada Gacan Libaax Oo Ay Ka Mid Ahayen Huudhaydhki uu Ino Furey Sanad Ka Hor, Laakin Maanta Oo Hal Sano Laga Joogo Maalinti Uu Ino Furey Buundada Huudhaydhka Ah Ee Bila Tayada Ah wala Arkaya Natiijada Ka dhalatay Oo Maanta Deeganka Ay Matalayeen Caruur Iyo Cirroole Cidna Gacanta Kuma Hayan waxayna Noqdeen Mataladi Ugu Liidatay Ee Soo Marta Dadka Kaso Jeeda Bada Cas Iyo Buuralayda Gobolka Awdal Iyo Salal.

Madaxwayne Adigay Ku Taala Haddi Aad Haysanaysid Huudhaydhkaga Inti U Liidatay Iyo Haddii Aad Badalaysidba Nimankan Aan Haysan Kalsoonida Dadki Ay Kaso Jeeden.
Wa Billahi Tawfiiq

Waxa qoray Abdiaziiz Xidiga

15/12/2025

Warsaxaafadeed laga soo saaray Khasaaraha ka dhasha, Kacdoonkii ka dhacay guud gobolka Awdal.

1995 markii ciidamadii Gadabuursi Somaliland gadhxajiska ka difaacayeen waa tii dhaawacooda iyo maydkooda loogu heesayay...
15/12/2025

1995 markii ciidamadii Gadabuursi Somaliland gadhxajiska ka difaacayeen waa tii dhaawacooda iyo maydkooda loogu heesayay (looma ooyaankii looma aaraankii awdal laga keenii afka ma goostay). Isla kuwii ay dawlada u difaacayeena waa kuwii intay dhabarka ka toogteen qoriga lahaa waa malyan degta saaran. Laascaanood waxa ku dhintay 82 ayay ahaayeen, 194 na way ku dhaacmeen, 78 na xabsiga laascaanood ayay ku jiraan.

Ilmaderayaal 6 kun oo ciidamo gadabuursi ah Somaliland jooga, oo janano, cornel, saraakiil iyo xooga dablaha ah iskugu jira. Qoryaha ay sitaana waa kuwii reerahooda ay kala tagteen waar caqli miyaydaan lahau? Waar hadaad mishaharka uun meesha u joogtaan iskaga kaalay shacabkiinaa misharka idin siin.

Haduu damiirkiinu in uun nool yahay waad aragtaan kuwii dhalinyaradiina xasuuqay maxaa gacmahayaga dhiiga looga qabtay u gadoodayee siday yeeleen waa tusaalee kaalaya safka ayaynu wada galaynaaye maanta hadaad khibradiina iyo hubkaad haysaani waa kaagiiye taariikhdeena iyo dhulkeena ayaynu ku difaacan. Inagaa ku filan Bad iyo Barri iyo cirkaba. Madaarka boramana waynu furaynaa oo gurmadka degdega ah ee Saanad iyo Dawaba leh waa in loo gogol xaadho.

Kala quusanaye aynu kala qoomamo la'aano

WA BILLAAHI TAWFIIQ

Siyaasi mowliid daahir alaale

AAR KA DAAYA.SIDDAY SARRIIRAHA UGU LADAYAAN KUWAYAGA DHAAWACA AHI MARKAY ARKAAN IDINKOO LA IDIIN KALLA ABTIRINAYO?HOOYAD...
15/12/2025

AAR KA DAAYA.

SIDDAY SARRIIRAHA UGU LADAYAAN KUWAYAGA DHAAWACA AHI MARKAY ARKAAN IDINKOO LA IDIIN KALLA ABTIRINAYO?
HOOYADA CURRADKEEDII IYO CURRADEEDII WAYDAYNA U SABRAYSAA?

(وَلَا تَنَٰزَعُواْ فَتَفْشَلُواْ وَتَذْهَبَ رِيحُكُمْ ۖ وَٱصْبِرُوٓاْ ۚ إِنَّ ٱللَّهَ مَعَ ٱلصَّٰبِرِينَ)
(Ha Mormina Waydun fashilmaysaan,Kadibna waxaa Taggi Xoogiina e)
waa Goorma goortaad Is Khillaafaysaan,ee la idiin kalla sheekaynayo La idin kalla shirinayo,Lana idiin kalla qoqobayo.

waa goorma goortaad kalla bax baxaysaan eed kalla sheeganaysaan eed is hiifaysaani.
waa goorma goortaad iskalla saaraysaan eed iskalla jufa jugaynaysaan,ee la rabbo in cadow idinka faa,iidaysto.
kuwiinii la xassuuqay ee la laayay ee dhintay iyo kuwayaga dhaawaca ahi ma danno noo gaar ah ayaa lanoo beegsaday oo lanoo laayay?
Tolkayow maanta maaha maalintii kalla irdhowga iyo kalla qoqobida.
Maanta maaha maalintii Siyaasi iyo Dad danno gaar ah wataayi ay idiin kalla waramayeen.
Maanta maaha Maalintii Cid walba oo midnimadiina iyo is jacaylkiina diidan aad dhagaysanayseen e,
waa maalintaad gacmaha is qabsanayseen,eed mid wadda ahaanayseen.
waa Maalintii aad dhulkiina Loo soo Bu,anayo aad Meel uga soo wada jeesan lahaydeen eed wadda difaacanahaydeen.
waa maalintaad Xaqiijin lahaydeen kuwayaga dhaawaca ah iyo Kuwiinii dhintay waxay U dhinteen oo Qadiyadeena ahayd.
siday Sariiraha ugu ladayaan kuwayaga dhaawaca ahi markay Arkaan idinkoo la idiin kalla Abtirinayo,Idinkoo la idiin kalla waraabaynayo oo la isku kiin dirayo.
Sidday u illaawaysaa Hooyadii Curadkeeda iyo Curadeeda iyo gabadhii iyo wiilkii ay dhashay godka lagu hubsaday ee waliba lahayd qadiyada dadkaaga ayay u dhinteen,Markay Aragto idinka oo la idiin kalla Abtirinayo?😰
Tolkayow yaannu idinku duulin siyaasi Callooshii u shaqayste ah iyo mid danno gaar ah wata iyo War xumo tashiil la idinku soo dhex tuurray e,
illaashada is jacaylkiina isku duubnidiina,is ahaanshuhiina,Alle Ayaa idinka Abuuray oday kali ah e, ha kalla irdhoobina e,Midnimaan idinku ogahay.
Hablaha iyo Haweenkuna waa kuwii idiin hagar baxay ee dhaawaceena qaadayay ee Maydkeena xambaarayay ee biyaha iyo Cuntada idin dabba waday ee S***n aan idinka seexan iyakoo Curradadoodii iyo Cawo badanooyinkoodii waayay e,
u dhago nuglaada oo Hadday wax ka khaldamaan Si farxad iyo tudhaalle leh ugu saxa( Gacmo geel jirre hoos baa loo dhaqaa e).
waligeed Lama sheegin dagaal uu Haween ka maqanyahay oo guullaysta,Sooyaalka islaamka iyo ka Gaallada mudna kuma taallo e,
tolkayow Halka Intayada dhaawaca Ahi aanu ka dhiman waynay waa haweenka iyo dhalinyradaas isku duubnayd e,Aar ka daaya hadimada oo aynu isku dhaanno sidan.

Tabantaabaday Laba Gacmood,Tamar ku yeeshaan e
Haday midigtu Kaligeed tahuun,Tallo Ma goyseen e
tusbaxuba intuu Tidic yahuu,Toosni leeyahay
hadduu Kalla Tarbaxo malaha,Tooko iyo Khayr e
Talladii lakalla leexsada,Taabbo Laga waaye
Dhurwaaguba ma Cunno Tulludyadii,Toosan waligood e
Ma tasawdo Taladii midnimo,Looga Taliyaaye
Ma Tanaado ummaddii midnimo,Toos U Dhaawacdiye
Tamashlana Ma yeeshaan,Dadkaan Tallo is waydiin e
Aboorkuba Wuxuu Taaggo waad,Wada taqaaniin e
kali kuma Tollee tallo midduu,Taash u galiyaaye
Markaasbuu Duntubo Taallo leeg, Tamar u yeeshaaye
haddii uu mid qudha yahuun,Baydh ma taraxeen e
qundhaanjadu Tubmidabay,Dhamaan isku Timaantaaye
hadday kalla Tagaan way luntaa,Wayna Tacabtaaye
shinniduna Waxay Tamar lahayd,Goortay tu ka yeeshay
wataas Malab tayo leh dhitayn,toosna loo cuniye
Duulkii Tawaawaca bartaa,Tiriig ma yeeshaan e
dhalintii Tagtee leeday gabi iyo Kuwaas Taahi
Gabigood Tu kaliyay wadeen,Tallo midaatuun e
Midna Tabasho gaar ahi ma dhigin,toogta uu Maray e
Tolkayow midnimaddaan ku nahay,Tamar Aduunyaad e
Haddaan kalla Tawaawacnona waa,Tallo xumaanteen e
ka Tagaay Tafaraaruq waa,Fashil Tubtiisiiye.

Ust: Mohamed Abdullahi Ali(Mahdi)

Madaxtooyada, ma reerbaa leh?Waxa igu maqaalo ah in la yidhi Khadar Mohamed Adan, Khadar Shaarub ma soo gali karo madaxt...
15/12/2025

Madaxtooyada, ma reerbaa leh?

Waxa igu maqaalo ah in la yidhi
Khadar Mohamed Adan, Khadar Shaarub ma soo gali karo madaxtooyada.

Ninka SNM ta ahi wuxu aaminsanyahay in uu Isaaq ka xoreeyey Siyaad Barre(ahun) sidaasi darteedna wixii ummada ka dhexeeyey ee dowladdnimada ahayd lagu abaalmariyo.

Hadaba Khadar Shaarub wuxu ka dhiidhiyey xasuuqii dadkiisa la xasuuqayey, waana geesi qiimowayn nagu taagan.

Sida Wasiirka madaxtooyadu uu xaq ugu leeyahay in uu ahaado Wasiir Madaxtooyo ayuu Khadar Shaarubna xaq ugu leeyahay in uu ahaado Baratakoolka M/wayne ku xigeenka.

Haday dhiciwaydo taasi, ninwalbaaba Madaxtooyadiisa ayuu ka shaqayn.

Haday nagu adkaato in aan si xora ugu noolaano dhulkayaga,cid kalena si nabada ugu noolaanmayso dhulkayaga iyo dhulkoodaba.

There is no going back,

Waxan idinla qaadanay waxaad doonaysaan.

Pro ruush

" Waxa aan shacbiga JSL ugu bushaaraynayaa in 2027-ka la bilaabayo qodistii shidaalka..."Madaxwayne Cirro
15/12/2025

" Waxa aan shacbiga JSL ugu bushaaraynayaa in 2027-ka la bilaabayo qodistii shidaalka..."

Madaxwayne Cirro

"Dhalinta maanta dhawacooda dhakhtarka ku bookhatay Madaxwayne waa kuwaad tidhi isku dhiga xabada waanad ka dhabaysay.Wa...
14/12/2025

"Dhalinta maanta dhawacooda dhakhtarka ku bookhatay Madaxwayne waa kuwaad tidhi isku dhiga xabada waanad ka dhabaysay.
Waana lagaala xisaabtamayaa.

"Ha tilmaamin aakhiro waxaad tacabtay ayaa yaala"
Dhalinyaraddeena ku dhawacan tahay dhagartaa alle ha u boogo dhayo".

Dr Nimcaan.
Xoghayaha Garabka Dhalinyaradda Heer Qaran Ee Xisbiga Kaah.

Wasiirka Caafimaadka oo hor istaagay in la sii daayo liiska dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay mudaharaadkii Bora...
14/12/2025

Wasiirka Caafimaadka oo hor istaagay in la sii daayo liiska dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay mudaharaadkii Borama

Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ayaa lagu eedeeyay inuu hor istaagay in si rasmi ah loo sii daayo liiska magacyada dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay Kacdoonkii dhawaan ka dhacay magaalada Borama.

Ilo-wareedyo ka tirsan xarumaha caafimaadka ee Borama ayaa sheegaya in shaqaalaha isbitaallada lagu wargeliyay in aanay bixin karin wax xog ah oo ku saabsan tirada iyo magacyada dhaawacyada iyo dhimashada la xiriirta mudaharaadkaas, iyada oo amarkaasi si toos ah uga yimid Wasaaradda Caafimaadka.

Dadka kacdoonka iyo ehellada dhibbanayaasha ayaa muujiyay walaac iyo caro la xiriirta xog la’aanta jirta, iyaga oo sheegay in ay xaq u leeyihiin in ay ogaadaan xaaladda dhabta ah ee dadkooda. Sidoo kale, qaar ka mid ah ururrada bulshada rayidka ah ayaa ku baaqay in si degdeg ah loo shaaciyo xogta, si loo helo hufnaan iyo isla xisaabtan.

Dhanka kale, Wasaarada Caafimaadka weli k**a aanu hadlin eedaha loo jeedinayo, mana jiro war rasmi ah oo wasaaraddu ka soo saartay arrintan ilaa hadda.

Kacdoon Borama ayaa dhaliyay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, inkasta oo aan weli si rasmi ah loo caddeyn tirada saxda ah, taas oo sii kordhisay hadal-haynta iyo shakiyaadka bulshada dhexdeeda.

Xuquuqda Abdi
Abdirissaq Madar

Ciidan Millatary oo Caawa Gadooday !! Maxay Tahay Sobobtu ? Askar ka tirsan ciidanka Millataryga ee xerada Goroyo-cawl a...
14/12/2025

Ciidan Millatary oo Caawa Gadooday !! Maxay Tahay Sobobtu ?

Askar ka tirsan ciidanka Millataryga ee xerada Goroyo-cawl ayaa caawa iskaga baxay xaruntaasi kuwaasi oo sitay hubkooda.

Gaadiid police ayaa ciidankan ka qaaday jidka laamiga ah badhtankiisa kuwaasi oo la sheegay in ay ka kooban-yihiin ilaa afartameeyo askari oo isku hayb ah (Habar-jeclo).

Lama garanaayo sobobta rasmiga ah ee keentay gadoodka ciidankani sidoo kale waxa aanu ku daba-jirnaa in aan soo xaqiijino asbaabaha ay noo sheegeen dad kala duwan oo aanu xidhiidh la samaynay si aanu u helno xog suggan iyo war lagu kalsoonaan-karo.

Ciidankani oo ka mid ahaa jabhadihii bariga ee sanadkan ay Somaliland qaramaysay ayaa ah kuwo aan tobobaro fiican helin sidoo kalena aan si fiican ula jaan-qaadi karin awaamirta ciidanka.

Waxa xusid mudan in askartii ciidanka Somaliland ee ku geeriyootay mudaharaadyadii Boorama intooda ugu badan ay ahaayeen beesha H.J

Xigasho Awdal History.

Address

Ciiltire4455gmail. Com
Borama

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when AWDAL MEDIA GROUP posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to AWDAL MEDIA GROUP:

Share

AWDAL MEDIA GROUP

Awdal Media Group Wehelka Bulshada Mar Kasta Iyo Meel Kasta Kala Soco Warar Iyo Barnaamijyo Tayo Leh