Magaalonews Buuxiyaha

Magaalonews Buuxiyaha Buuxiyaha Baahidaada Wareed Magaalonews Ku Xidhnaw

Baaxada Khaasare Ee Suuqii Ganacsiga Wajaale Ee Xalay Gubtay.....
17/09/2023

Baaxada Khaasare Ee Suuqii Ganacsiga Wajaale Ee Xalay Gubtay.....

Wefti Balaadhan Oo Uu Hogaminayo Gudoomiye Ku Xigeenka Labaad Ee Golaha Wakiilada JSL  Md.Cali Xaamud Jibriil,Wasiirka W...
10/09/2023

Wefti Balaadhan Oo Uu Hogaminayo Gudoomiye Ku Xigeenka Labaad Ee Golaha Wakiilada JSL Md.Cali Xaamud Jibriil,Wasiirka Wasaaradda Maalgashiga Soomaliland Cabdi Cismaan Dhagawayne Maayarka Magaalada Borama Maxamed Axmed Warsame, Badhasaabka Gobolka Awadal Xasan Daahir Xaddi Iyo Masuuliyiin Kale Ayaa Maanta Gaadhay Ciidamada Qaranka JSL ee ku Sugan degmada kuna wareejiyey 6 Gaadhi oo waaweyn oo Raashin ah Iyo Xoolo Nool......

Saraakiisha cusub ee Soomaaliya usoo baxaysa oo lagu tababarayo Dalka QATAR ayaa waxa booqday Ra’iisul Wasaare Xamsa Cab...
09/09/2023

Saraakiisha cusub ee Soomaaliya usoo baxaysa oo lagu tababarayo Dalka QATAR ayaa waxa booqday Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.

Waxana u la wadaagay rajada shacabka Soomaaliyeed ay ka qabaan ee ah in ay hormuud u noqodaan howlgallada socda ee xoreynta dalka.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa Dowladda Qatar uga mahad-celiyey taageerada kala duwan ee ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan soo saaridda saraakiil tayo sare leh oo kamid noqda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed......

MORROCCO oo Dhul-Gariir Wayn ku Dhuftay, 296 Qof ayaa Geeriyooday.😢Dhul-gariir cabirkiisa lagu qiyaasay 6.8 ayaa ku dhuf...
09/09/2023

MORROCCO oo Dhul-Gariir Wayn ku Dhuftay, 296 Qof ayaa Geeriyooday.😢

Dhul-gariir cabirkiisa lagu qiyaasay 6.8 ayaa ku dhuftay dalka Morocco, sida ay sheegtay hay’adda sahanka dhulka ee Maraykanka (USGS).

Ugu yaraan 296 ayaa ku dhintay 153 kalena waa ay ku dhaawacmeen, sida lagu sheegay warbixin hor dhac ah oo ka soo baxday Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dalkaasii Morocco.......

Badhasabkii h**e ee Ee a Gobolka Awdal Cabdow Axmed aayar ayaa iska casilay Xisbigii Kulmiye ee uu muda dheer ka tirsan ...
21/08/2023

Badhasabkii h**e ee Ee a Gobolka Awdal Cabdow Axmed aayar ayaa iska casilay Xisbigii Kulmiye ee uu muda dheer ka tirsan waxaanu u waramay qaybo ka midaa warbaahinta Burco.....

Hanbalyo- Hambalyo,Waa kuma Musharaxa Madaxweyne ku Xigeenka Xisbiga Kulmiye ee  maanta loo doortey Jagadaasi Mudane Max...
21/08/2023

Hanbalyo- Hambalyo,

Waa kuma Musharaxa Madaxweyne ku Xigeenka Xisbiga Kulmiye ee maanta loo doortey Jagadaasi Mudane Maxamuud Xasan Sacad “Saajin”

wuxuu ku dhashay Magaalada Jigjiga sannadku markuu ahaa 1949 kii waxa uu dugsiga hoose, Dhexe iyo sare ku qaatay Dugsiyadda Quljeed, Sheekh iyo Camuud ee imika loo yaqaan Jamaacadda Camuud.

Waxa uu Jamaacadda ka baxay Jamacadii Muqdisho ee la odhan jiray SIDAM 1974-1977. Wuxuu dalka uga baxay dibedda 1978 isagoo qaatay Master in Financial analysis London Business School. Wuxuu shaqo ka bilaabay Shirkadda Shidaalka ee ZADCO “Zakum Development Oil Company” ee dalka UAE qaybta xisaabaadka “Senior Accountant” Muddo dhan 38 sanno oo waayo aragnimo ah.

Sidoo kale wuxuu ka soo qayb qaatay hirgalinta nidaamka xisbiyadda ee Soomaaliland Iyo aas-aaskii dawladnimada JSL. Mudadii h**e wuxuu ahaa khusuusiga uu xusbigu la tashado Iyo xubin ka tirsan xisbiga talada dalka haya ee KULMIYE tan iyo 2012-kii.

Markii xisbigu talada dalka ku guulaystay xisbiga Kulmiye mar labaad sannadkii 2017, waxaa loo magacaabay Ila sanadkaasi. Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Iyo Dalxiiska oo ilaa haatan uu yahay.

Guul ayaan u rajeynayaa,
WQ- Abdisalan Hassan Mataan

Daawo Sawirada Shirwaynaha 8 aad Ee Xisbiga Talada Haya ee Kulmiye Oo Maanta Si Rasmiya Uga Furmay Magaalada Burco.....
20/08/2023

Daawo Sawirada Shirwaynaha 8 aad Ee Xisbiga Talada Haya ee Kulmiye Oo Maanta Si Rasmiya Uga Furmay Magaalada Burco.....

War Deg Deg ah Madaxweynaha S/Land Muuse Biixi Cabdi Ayaa Ku Dhawaaqay Waqtiga Rasmigaa Ee Doorasha Ururada la Galayo......
07/08/2023

War Deg Deg ah Madaxweynaha S/Land Muuse Biixi Cabdi Ayaa Ku Dhawaaqay Waqtiga Rasmigaa Ee Doorasha Ururada la Galayo......
Wareegto Madaxweyne-07-08-2023.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo tix-raacaya Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha, Xeer Lr. 91/2020, oo la xidhiidha Qoraalka Summaddiisu tahay Tix: KDG/XK/K-6/56/2023, kuna taariikhaysan 05/08/2023, waxa uu wareegto Madaxweyne ku cayimay Muddada Qabsoomidda Doorashooyinka Xisbiyada Qaranka iyo Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Xeer Madaxweyne Lr. 22/082023

Cayimaadda Muddada Qabsoomidda Doorashooyinka Xisbiyada Qaranka iyo Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka.

Markaan Arkay; Qodobka 16aad Farqaddiisa 1aad ee Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha, Xeer Lr. 91/2020, oo dhigaya in Komishanka Doorashooyinku awood u leeyahay inuu cayimo wakhtiga doorashooyinka la qabanayo, iyagoo Madaxweynaha u gudbinaya si uu Degreeto ugu soo saaro;.

Markaan Arkay; Qodobka 6aad Farqaddiisa 1aad ee Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha, Xeer Lr. 91/2020, oo dhigaya in Komishanku uu cayimayo taariikhaha la qabanayo Doorashooyinka si waafaqsan Dastuurka iyo Xeerka, iyaga oo ku salaynaya bil ka hor muddo-xileedka Madaxweynaha, Madaxweyne ku xigeenka iyo Golaha Wakiillada, waxaana si rasmi ah loogu cayimayaa Degreeto Madaxweyne;.

Markaan Helay; Qoraalka Summaddiisu tahay Tix: KDG/XK/K-6/56/2023, kuna taariikhaysan 05/08/2023, qoraalkaasi oo uu komishanku ku soo gudbiyay Go’aanka Sumaddiisu tahay Tix; KDG/XK/K-6/54/2023, kuna taariikhaysan 17/07/2023, kaasi oo Komishanku ku Go’aamiyay Qodobbadan;

1. In doorashada Xisbiyada Qaranka la qaban doono taariikhdu markay tahay 28 December 2023, si loo helo Saddex Xisbi Qaran oo ansaxsan, lana siiyo Shahaadada Xisbinimo ee tobanka (10) sanno ah, si waafaqsan Qodobka 5aad Farqaddiisa 3aad xarafka (j) ee Xeerka Nidaamka Ururrada iyo Axsaabta Siyaasadda Xeer Lr. 14/2011;.

2. In doorashada Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka Madaxawynaha la qaban doono bil ka hor dhammaadka muddada xilka Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka, sida ku xusan Qodobka 83aad Farqaddiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, kuna beegan 13 November 2024, iyada oo la raacayo go’aanka muddo kordhinta Golaha Guurtida ee tix-raaciisu yahay GG/JSL/G-03/10/2022, kuna taariikhaysan 01/10/2022;

Waxan Go’aamiyey

1. In Doorashada Xisbiyada Qaranku ka qabsoonto dalka Jamhuuriyadda Somaliland taariikhdu markay tahay 28 December 2023.

2. In Doorashada Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka dalka Jamhuuriyadda Somaliland ka qabsoonto taariikhdu markay tahay 13 November 2024.

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.

Maanta Laga bilaabo Nama matalo kalsoonidii waan kala noqonay   Golahana maanta Laga bilaabo waxa nagu matala mukhtaar X...
20/07/2023

Maanta Laga bilaabo Nama matalo kalsoonidii waan kala noqonay
Golahana maanta Laga bilaabo waxa nagu matala mukhtaar Xasan maydhane

Odayaasha ,Cuqaasha Iyo dhalinyarada Beesha uu kasoo jeedo Xildhibaan maxamed xuseen maydhane ayaa sheegay in ay kalsoonida kala noqdeen xildhibaan maydhane.......

"Xisbiga Kulmiye iyo Xukuumaddu Waxay si buuxda u Taageerayaan waqtiga ay cayimeen Guddida Doorashooyinka Qaranka, ayna ...
20/07/2023

"Xisbiga Kulmiye iyo Xukuumaddu Waxay si buuxda u Taageerayaan waqtiga ay cayimeen Guddida Doorashooyinka Qaranka, ayna u soo horaysayo Doorashadda Ururada, ta Madaxtooyaduna ku xigto"

Gudoomiye Kuxigeenka Koobaad ee Xisbiga Talada Haya ee KULMIYE, ahna Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha S/LAND
Maxamed Kaahin Axmed....

War Deg Deg ah Gudida Doorashooyinka S/Land Ayaa Shaaciyey waqtiga Rasmigaa Ee La Qabanayo Doorashada Ururada iyo Dorash...
17/07/2023

War Deg Deg ah Gudida Doorashooyinka S/Land Ayaa Shaaciyey waqtiga Rasmigaa Ee La Qabanayo Doorashada Ururada iyo Dorashada Madaxtooyada S/land.......

Borama:- Gudoomiyaha gobolka Awdal Xasan Daahir Xadi (Xasan Ciid) ayaa maanta kulan la qaatay saladiinta iyo uqaasha gob...
16/07/2023

Borama:- Gudoomiyaha gobolka Awdal Xasan Daahir Xadi (Xasan Ciid) ayaa maanta kulan la qaatay saladiinta iyo uqaasha gobolka Awdal.

Kulankani oo kadhacay xarunta maamulka gobolka Awdal ayaa ujeedkiisu ahaa isbarasho udhaxaysa gudomiyaha cusub & uqaasha gobolka, iyo sidii wadajir looga hawl-gali lahaa horumarinta iyo adkaynta nabad-galyada gobolka Awdal.

Gudoomiyaha gobolka Awdal Xasan Daahir Xadi ayaa wax-garadka uga mahad celiyay sida ay usoo ajiibeen codsigiisa waxana uu carabka ku adkeeyay inuu diyaar u yahay in wadajir looga hawl-galo kor u qaadida iyo horumarinta gobolka.....

Address

Borama
1234

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Magaalonews Buuxiyaha posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Magaalonews Buuxiyaha:

Share

Category