26/02/2026
SAAXIIBKA WANAAGSAN
Oday waayeel ah ayaa maalin iga sheekeeyay, mar uu Dubai joogay oo uu bilaa camal ahaa in isaga iyo saaxiibkii ciyaarta turubka aad u ciyaari jireen. Maalin ayaa waxa dhacday in ay isku dhaceen iyagoo turubka ciyaraya halkaasna ay isku dagaaleen !
Markii ay kala hoydeen ayuu mid waliba dhankiisa ka murugooday madaama wax aan u qalmin saaxiibtinimadooda ay kala fogeysay oo ay keentay inay is dagaalaan, kadib aroornimadii kale ayuu Odaygii waayeelkii raadiyay saaxiibkii wuuna la heshiiyay oo madaxa ayuu ka dhunkaday turubkiina bushqada qashinka ayuu raaciyay maalintii ayaa ugu danbaysay turub uu gacanta ku qabto ama uu ciyaaraba!
Bal saaxibtinimadan waayeelkaas ku qiimee mida waqtigeena! Marka aynu isu dhacno ama masalo isu qabano, falcelin noocee ah ayaan samaynaa?
Yuunus Asadafi ayaa yidhi:
ما رأيت أعقل من الشافعي ناظرته يوماً في مسألة ثم افترقنا ولقيني فأخذ بيدي ثم قال: يا أبا موسى ألا يستقيم أن نكون إخواناً وإن لم نتفق في مسألة واحدة.
"Ma arag qof ka caqli badan Ash-shaafici: maalin ayaan kala dooday arin, markaanu kala tagnay kadib ayuu ila kulmay oo intuu gacanta i qabtay ayuu igu yidhi:
Abaa muusow, sow ma qumana in aynu walaalo ahaano, xataa hadaynaan isku waafiqin hal masalo ?”