30/10/2025
Shirkii Carta ee Jabuuti (2000) ma wuxuu ahaa mid soomali lagu mideeyey mise mid lagu kala qeybiyey ?
Kadib markii ay Soomaaliya gashay xilli adag oo dagaal sokeeye ah sannadkii 1991, dalka wuxuu galay burbur siyaasadeed, dhaqaale, iyo mid bulsho. Dowladdii dhexe ee Maxamed Siyaad Barre way dhacday, waxaana bilowday dagaallo u dhexeeyay kooxo hubeysan oo beeleedyo ku saleysan. Muddo toban sano ah, Soomaaliya waxay ahayd dal aan lahayn dowlad dhexe, iyadoo magaalooyin badan ay gacanta u galeen hoggaamiyeyaal dagaal oo kala madaxbannaan.
Xaaladdaas adag ayaa keentay in waddamo deris ah iyo beesha caalamka ay isku dayaan in Soomaaliya lagu soo celiyo dowladnimo. Dalka Jabuuti, oo daris dhow la ah Soomaaliya, ayaa qaaday tallaabo geesinimo leh oo uu ku martiqaaday dhinacyada Soomaaliyeed si ay u yeeshaan shir dib u heshiisiin ah.
Shirkan oo lagu qabtay magaalada Carta ee dalka Jabuuti ayaa furmay May 2000, waxaana ka soo qayb galay in ka badan 2000 ergo oo ka kala socday beelaha Soomaaliyeed, ururada bulshada, iyo siyaasiyiinta. Wuxuu socday dhowr bilood, waxaana ugu dambayn lagu dhisay Dowladdii Ku-meel-gaarka ahayd ee Soomaaliya (TNG), taas oo madax loogu doortay C/qaasim Salaad Xasan.
Shirkii Carta wuxuu ahaa mid taariikhi ah oo lagu sheegay inuu yahay fursaddii ugu weynayd ee dib loogu soo celin karo dowladnimo iyo midnimo Soomaaliyeed. Si kastaba ha ahaatee, sida shir kasta oo la xiriira arrimaha qaran, wuxuu lahaa dhankiisa horumarka iyo dhankiisa dhibaatada
Horumarka
Shirkii Carta wuxuu ahaa guul taariikhi ah oo Soomaaliya dib ugu soo celisay rajadii dowladnimo. Markii la isugu yimid Jabuuti, kumannaan ergo ah oo ka kala socday beelaha Soomaaliyeed, ururada bulshada iyo siyaasiyiinta ayaa markii ugu horreysay muddo toban sano ah fadhi wada qaatay. Waxaa lagu guulaystay in si nabdoon loo dhiso dowlad ku-meel-gaar ah, taas oo ahayd tallaabo muhiim u ah nabadda iyo dowladnimada.
Marka laga eego dhinaca siyaasadda, shirkaas wuxuu daahfuray waji cusub oo ah wada hadal iyo aqoonsi caalami ah. Beelihii is hayey ee ku jiray dagaallada sokeeye ayaa ugu yaraan aqbalay inay miiska wada fadhiistaan oo ay ka doodaan mustaqbalka dalka. Taasi waxay ahayd horumar weyn, maadaama aysan jirin dowlad rasmi ah tan iyo 1991.
Waxaa kale oo Carta lagu soo celiyey fikraddii midnimada Soomaaliya — dadkii oo dhan waxaa lagu xasuusiyey in dalku hal calan leeyahay iyo in xal lagu gaari karo wada hadal, halkii dagaal iyo kala fogaansho laga doorbidi lahaa.
Dhibaatada
Inkasta oo shirku horseeday dowladnimo cusub, haddana wuxuu ka tagay dhaawacyo aan la bogsiin, gaar ahaan marka la eego dhinacyada xasaasiga ah ee taabanaya kalsoonida bulshada.
Marka h**e, Soomaalidu k**a aysan heshiin xasuuqii ay isu geysatay. Shirkii Carta ma aysan jirin hannaan dhab ah oo loo maray nabad-dhisid iyo cafis guud, sida ay dalal badan oo dagaal sokeeye ka soo kabtay u sameeyeen. Qabiil walba wuu garanayay cidda uu dagaal kula jiray, balse laguma gaarin heshiis dhab ah oo ku saleysan run iyo cadaalad. Sidaas darteed, dhaawicii kalsoonida bulshada wuu sii jiray xitaa kadib Carta ilaa iyo maantay.
Marka labaad, arrinta hantidii la kala dhacay ma aysan helin xal. Qof iyo qabiil walba wuxuu sii haystay wixii uu xoog ku helay intii lagu jiray burburka. Shirka ma aysan jirin hab lagu magdhabayo ama lagu soo celinayo hantida shacabka ee la dhacay. Taas waxay ka dhigtay in cadaaladdii dhaqaalaha iyo hantida aysan soo noqon, taasoo sii xoojisay kalsooni darro iyo eedeymo beeleed.
Marka saddexaad, nidaamka 4.5 wuxuu noqday mid lagu dhisayo dowladdii Carta, laakiin isla markaas wuxuu abuuray dhibaato weyn. Inkasta oo la sheegay inuu yahay xal ku-meel-gaar ah, haddana wuxuu xoojiyey kala sooc qabyaaladeed oo cusub. Qabiil walba wuxuu bilaabay inuu awood ku raadiyo magaca beel, halkii lagu raadin lahaa aqoon, karti, ama hal-abuur. Tani waxay hoos u dhigtay dareenka qaranimo, waxayna dhalisay nidaam siyaasadeed oo ku salaysan “qabiilkee lehaa kursigaan ama xilkan” halkii uu ahaan lahaa “yaa shaqadan qaban kara oo leh kartideeda iyo aqoon teeda "
Marka la soo koobo, Shirkii Carta wuxuu ahaa bilow nabad iyo dowladnimo, laakiin ma ahayn xal buuxa oo dhibaatooyinkii Soomaaliya ka dhigay kuwo la xalliyey. Wuxuu keenay horumar muuqda oo dhinaca siyaasadda ah, balse dhinacyada cadaaladda, hantida iyo kalsooni dhiska bulshada weli waxay ahaayeen meel bannaan ilaa iyo hada.
Nidaamka 4.5 wuxuu u muuqday xal waqti gaaban ah, laakiin wuxuu noqday mid dhaawacay mabda’ii sinnaan iyo qaranimo. Sidaas darteed, Carta waa la oran karaa wuxuu ahaa horumar siyaasadeed, laakiin bulsho ahaan iyo cadaalad ahaan weli wuxuu ahaa qayb ka mid ah dhibaatada Soomaaliya ay la daalaa-dhacayso illaa maanta.
Caraale media 📝