26/05/2026
𝐌𝐀𝐗𝐀𝐀𝐃 𝐊𝐀 𝐓𝐀𝐐𝐀𝐀𝐍𝐍𝐀𝐀 𝐌𝐀𝐀𝐋𝐈𝐍𝐓𝐀 𝐂𝐀𝐑𝐀𝐅𝐎?
1. Haddii Laylatul Qadriga la qariyey oo ay tahay habeenada ugu fadliga badan, maalinta Carafo waa la shaaciyey, waana Maanta.
2. Haddii habeenka Laylatul Qadriga ay soo dagaan malaa’igta, maalinta Carafo Ilaahay ayaa soo dega soo degid Ilaah u qalanta oo aan la mid ahayn tan makhluuqa.
3. Soonka maalinta Carafo waxaa lagu dhaafaa dambiyada laba sano: sannadkii tagay iyo sannadka soo socda.
《 صيام يوم عرفة أحتسب على الله أن يكفر السنة التي قبله، والسنة التي بعده 》
4. Ducada la ducaysto maalinta Carafo waa ducada ugu khayrka badan.
5. Maalinta Carafo waa maalinta ugu badan ee Ilaahay addoomadiisa naar ka xoreeyo.
《 ما من يومٍ أكثرَ من أن يُعتِقَ اللهُ فيهِ عبدًا من النارِ، من يومِ عرفةَ. 》
6. Maalinta Carafo waa maalintii diinta Islaamka la dhamaystiray.
7. Waa maalinta ay xujaydu taagan yihiin banka Carafo, Ilaahayna malaa’igta ugu faano addoomadiisa, dambigoodana dhaafo.
8. Maalinta Carafo waa maalin duco, gaar ahaan waqtiga salaadda Casar ilaa qoraxdu ka dhacdo.
《 خيرُ الدُّعاءِ دعاءُ يومِ عرفةَ، وخيرُ ما قلتُ أَنا والنَّبيُّونَ من قبلي: لا إلَهَ إلَّا اللَّهُ وحدَهُ لا شريكَ لَهُ، لَهُ الملكُ ولَهُ الحمدُ وَهوَ على كلِّ شَيءٍ قديرٌ 》
𝐀𝐀𝐃𝐀𝐀𝐁𝐓𝐀 𝐃𝐔𝐂𝐀𝐃𝐀 𝐋𝐎𝐎𝐌𝐀𝐑𝐎 𝐒𝐈 𝐃𝐔𝐂𝐀𝐃𝐀𝐀𝐃𝐀 𝐋𝐎𝐎 𝐀𝐐𝐁𝐀𝐋𝐎 𝐖𝐀𝐗𝐀𝐀 𝐊𝐀 𝐌𝐈𝐃 𝐀𝐇:
1. Qofku inuu soo waysaysto.
2. Inuu qiblada u jeesto.
3. Inuu gacmaha kor u taago.
4. Inuu Ilaahay ku mahadiyo, ammaantiisana badiyo, kadibna Nabiga ﷺ ku salliyo.
5. Inuu ducaysto isagoo qalbiga soo xaadirinaya, kuna yaqiin qaba inuu Ilaahay ka aqbalayo ducadiisa.
6. Inuusan ku ducaysan waxyaabo xadgudub ah sida: “Ilaahow nafta ha iga qaadin oo adduunka ii daa,” ama “Ilaahow adduunka aan kugu arko,” iyo waxyaabo kale oo la mid ah.
7. Inuusan ku degdegin jawaabta ducadiisa.
Maxaa yeelay ducadu saddex mid ayay noqotaa:
1. Inuu Ilaahay ku siiyo ducadaada.
2. Inuu Ilaahay balaayo soo socota kaaga xijaabo.
3. In Aakhiro laguu kaydiyo.
Aan ka faa’iidaysanno fursadda uu Ilaahay nasiiyey ee maalinta Carafo. Waxaa laga yaabaa in fursad sidan oo kale ah aan dib loo helin.
Aan ducada badinno, Ilaahayna waydiisanno dhammaan baahiyaha adduun iyo Aakhiro, iyo culays kasta oo ina haya inuu naga qaado.
𝐗𝐮𝐪𝐮𝐮𝐪𝐝𝐚 𝐐𝐨𝐫𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚: 𝐌𝐚𝐬𝐣𝐢𝐝 𝐀𝐥 𝐑𝐚𝐰𝐝𝐚 𝐁𝐨𝐨𝐬𝐚𝐚𝐬𝐨