Bosaso News

Bosaso News page-kan waxaad uga bogan kartaa wacdiyada, qusoyinka, wararka, gaar ahaan kuwa ciyaaraha caalamka iyo Dalka.

Dowladda Turkiga oo sharraxada ka bixisay heshiiska ay la gashay Soomaaliya ee dhanka iskaashiga difaaca badda iyo dhaqa...
23/02/2024

Dowladda Turkiga oo sharraxada ka bixisay heshiiska ay la gashay Soomaaliya ee dhanka iskaashiga difaaca badda iyo dhaqaalaha ayaa sheegtey in heshiiskan hadda looga gol leeyahay in sare loogu qaado iskaashiga dhanka difaaca ee Turkiga iyo Soomaaliya.

“Haddii ay naga codsato Soomaaliya, waxaan gacan ka geysan doonnaa dhanka amniga badda, waxa aan ka caawin doonnaa sidii ay u horumarin lahayd awooddeeda si ay ula dagaallanto falalka sharci-darrada ah iyo kuwa aan caadiga ahayn ee ka socda baddeeda." - Ayey yidhaahdeen mas'uuliyiin u hadlay Wasaaradda Gaashaandhigga Turkida.

20/02/2024

Maxamed Cabdi Ilig oo siro badan kashifay markii uu jeelka ka soo baxay.

20/02/2024

Guri Tacsitaal Ayuu Wariye ku Dhaxdilay Wariye kale Subxanalaah

13/06/2022

Gudoomiyaha Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Degmada Rako Raaxo iyo qaar ka mid ah waxgaradka Degmada Rako ayaa ka hadlay isku aadka Koobka Degmooyinka Gobolka Karkaar iyo Deegaanka Sheerbi oo ka socda Degmada Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in Degmada Rako ay ka baxday koobka aana lagu Been abuuran karin Ka dib markii lagu soo daray isku aadka koobka, isagoona sheegay in gudoomiyaha Gobolka Karkaar Cabdi Siciid Dheere uu isku dhac dhayinyaradda ah kawado waa sida uu hadalka u dhegay.

12/06/2022

Cali Xaraare iyo Yaasiin Ducaale maxaa kaaga baxay waraysigii uu bixiyey Agaasimihii h**e ee Haayadda nabbad sugidda iyo sirdoonka Qaranka Fahad Yaasiin?

12/06/2022

War murtiyeedkii ka soo baxay Shirkii golaha wadda tashiga qaran.

28/05/2022

Isagoo og in gabaygaan uu jiro
Adhi iyo lo' baa lagu baxshaa aana kuu timide; Aar laaga geela ah naftaa lagu ilaashaaye; Koley aabbahaa tahay nin kale looma aamino'e.

Laakiin saaka gabar haduu helo waa ka bixinayaa

19/05/2022

4 sano oo ay taalay
4 beri baa lagula vaxay
Xasan Sheekh Maxamuud

Waa Bilaabay Xasan Sheekh Maxamuud   Sida ay xaqiijinayaan warar soo baxaya Safiirka Imaaraatka Carabta ee Kusugan Muqdi...
19/05/2022

Waa Bilaabay Xasan Sheekh Maxamuud

Sida ay xaqiijinayaan warar soo baxaya Safiirka Imaaraatka Carabta ee Kusugan Muqdisho oo uu weheliyo Wasiirka Amniga Xukuumadda xilgaarsiinta Cabdulaahi Maxamed Nuur ayaa saaka tagay Bangiga Dhexe, halkaas oo ay kala soo baxeen lacag dhan $9.6malyan oo ahayd lacagtii lagu qabtay garoonka Aadan Cade sanadkii 2018-kii, taas oo ay Hay’addaha DFS isku khilaafeen bilo kahor.

Amar ka yimid Madaxweynaha cusub Xasan Sh ayaa lacagta looga saaray Bangiga dhexe, sida ay xaqiijinayaan ilo wareedyo muhiim ah.

Sida ay xogtu cadeynayso talaabada ayaa ahayd mid soo bilaabatay maalmo ka dib doorashadii Soomaaliya, marka ay dhamaatay, iyadoo h**ey RW Rooble u amray in lafasaxo, balse uu diiday Madaxweyne Farmaajo.

Safiirka iyo Wasiirka Amniga ayaa watay warqad amar ah oo lagu fasaxayo lacagtan, taas oo la aaminsan yahay in ay ogolaansho kahaysato madaxda la doortay.

 Xiddiga Muslimka ah ee u ciyaara kooxda PSG Idrissa Gueye ayaa diiday inuu u ciyaaro kulan  kooxdiisa sabtidii la lahay...
18/05/2022



Xiddiga Muslimka ah ee u ciyaara kooxda PSG Idrissa Gueye ayaa diiday inuu u ciyaaro kulan kooxdiisa sabtidii la lahayd kooxda Montpellier .
Sababta uu u diiday in uu ciyaaro kulankaas ayaa lagu sheegay in maaliyadda kooxda ay ku sawirantahay calamadda qaanso roobaadka ee lagu taageero xuquuqda dadka isku jinsiga ah.

Guddiga anshaxa ee FA-ga Faransiiska ayaa ugu baaqay Gueye inuu bixiyo Raalligelin haddii sababta la sheegay ay tahay in uu ciyaarin kulanka, sida ay sheegtay AFP.

Idrissa Gueye waa xiddig u dhashay dalka Senegal , wuxuu qayb ka ahaa xulkii ku guulaystay Koobka AFCON 2021.

Tacab Khasaar waa Maanta iyo dabaaldega beeraleyda   ee Dalka Kenya  Xasan Sheekh Maxamuud.
18/05/2022

Tacab Khasaar waa Maanta iyo dabaaldega beeraleyda ee Dalka Kenya
Xasan Sheekh Maxamuud.

18/05/2022

Reer oo ka cabanaaya Qaadka farina u diray Xasan Sheekh Maxamuud iyo xildhibaanada Soomaaliya.

Address

Bosaso
B

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Bosaso News posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share