05/07/2025
Faa’idooyinka joogteynta timirta (maalin kasta):
Timirta waxaa ku jira maaddooyin nafaqo iyo sonkor dabiici ah oo faa’idooyin badan u leh jidhka, sidaas awgeed in la joogteeyo cunisteeda waxaa laga helaa:
– Waxa ay yaraysaa u nuglaanshiyaha xanuunka xusuusta dila ee asaasaqa (Alzheimer), noocyo ka mid ah kansarka, xanuunnada Wadnaha ku dhaca, iyo xanuunka indhaha “Macular Degeneration” oo aragga dila. Waxa aanay caawisaa ka bogsashada habeenada (Aragga oo daciifa habeenkii ama marka meel iftiinkeedu yaryahay uu qofku joogo).
-Waxa ay ka hortagtaa calool istaagga,
-Waxa ay wanaajisaa xasuusta, waxa aanay xoojisaa baraarugsanaanta iyo awoodda u fiirsiga ee maskaxda.
Waxa ay la dagaalantaa dhiig la’aanta,
-Waxa ay kaalin muhiim ah ka qaadataa nidaaminta iyo wanaajinta hurdada.
-Waxa ay yaraysaa dufanka dhiigga ee dhibaatada keena (Kalastaroolka).
Waxa ay wanaajisaa shaqada muruqyada iyo neerfaha
-Waxa ay caawisa ilaalinta xididdada dhiigga, waxa aanay ka hortagtaa kicista dhiigga (Dhiigkarka)
-Waxa ay u fiicantahay korniinka carruurta, gaar ahaan Lafaha oo ay xoojiso.
-Waxa ay u fiican tahay ciyaartoyga iyo dadka jimicsiga badan sameeya oo ay ka caawiso jidhku in uu soo ceshado awoodda / tamarta.
Waxa ay yaraysaa ama dib u dhigtaa calaamadaha gabowga ee maqaarka.
-Waxa ay u fiican tahay dumarka uurka leh oo ka kaxayso daalka iyo burburka jidhka.
Dhinaca kalana Daraasad lagu tijaabiyey haween uur leh, afartii toddobaad ee ka horreysay dhalmada oo si xidhiidh ah 6 xabbo oo timir ah la siinayey maalin kasta, waxaa lagu ogaaday in timirtu ay fududayso dhalmada. Waxa aanay caawisay in boqolkiiba 96 dumarku aanay u baahan ka foolin, ee ay si dabiici ah u fooshaan.
W/D: Kamaal Marjaan