14/07/2025
WAR-SAXAAFADEED: Xiriirka Kubadda Cagta Puntland oo Bilaabaya Tababbarro Garsoorayaal oo ka Dhacaaya Gobollada Karkaar, Bari, Sanaag iyo Haylaan
Garoowe, 14 Luulyo 2025 โ Xiriirka Kubadda Cagta Puntland ayaa si rasmi ah u bilaabaya barnaamijyo tababbarro ah oo loogu talagalay garsoorayaal cusub, kuwaas oo si ballaaran uga dhici doona gobollada Karkaar, Bari, Sanaag, iyo Haylaan.
Barnaamijkan oo qeyb ka ah dadaallada lagu tayeynayo nidaamka garsoorka iyo horumarinta tartamada gudaha, ayaa diiradda saari doona kor u qaadidda xirfadda garsoorayaasha, fahamka qawaaniinta ciyaarta, iyo diyaarinta dhalinyarada u heelan garsooridda kubadda cagta.
Shuruudaha Ka Qaybgalka:
1. Waa inuu yahay dhalinyaro da'doodu u dhexeyso 18 ilaa 35 sano.
2. Waa inuu leeyahay xiise dhab ah oo ku aaddan garsooridda kubadda cagta.
3. Waa inuu jirkoodu yahay mid u diyaarsan ciyaaraha (physically fit).
4. Waa inuu diyaar u yahay inuu si buuxda u dhammaysto tababbarka oo maalmo isdaba joog ah socon doona.
5. Waa inuu leeyahay aqoon aasaasi ah oo akhris iyo qoraal ah.
Fiiro Gaar ah:
Diiwaangelinta rasmiga ah waxay bilaaban doontaa 15-ka July, 2025, iyadoo laga qaban doono xarumaha Isuduwayaasha Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee gobollada Karkaar, Bari, Sanaag, iyo Haylaan.
Xiriirka Kubadda Cagta Puntland wuxuu ku boorinayaa dhammaan dhalinyarada daneynaysa garsooridda inay ka faa'iideystaan fursaddan, taasoo horseedi karta mustaqbal ciyaareed iyo mid xirfadeed oo guul leh.
Wixii faahfaahin ah kala xiriir:
DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta
Xiriirka Kubadda Cagta Puntland
๐น Facebook: Xiriirka Kubadda Cagta Puntland
๐น TikTok: Tiktok.com/PuntlandFA
๐น Instagram: instagram.com/puntlandfa
๐น X (Twitter): x.com/PuntlandFA
๐น YouTube: youtube.com/
๐น Telegram: t.me/puntlandfa
๐ง Email: [email protected] / [email protected]
๐ Website: www.football.pl.so
๐ Garowe, Puntland, Somalia