30/09/2023
Dr Guuleed Saalax oo daahfuray Ololaha doorashada Puntland.
Waxaa si diiran garoonka diyaaradaha caasimada Puntland ee Garoowe loogu soo dhaweeyay musharax madaxweyne dawlada Puntland Dr Guuleed Saalax Barre oo daahfuray Ololaha doorashada Puntland.
Xildhibaano, Wasiiro h**e, Aqoon-yahan iyo masuuliyiin kala duwan ayaa garoonka diyaarada kusoo dhaweeyay Dr Guuleed, waxa uuna usoo gudbay banaanka garoonka oo boqolaal qof ay ku sugayeeen.
Musharax Guuleed iyo waftigiisa ayaa dhex-qaaday taageerayaasha, intaas ka dibna waxaa loosoo galbiyay barxad wayn ee Garoowe halkaas oo ay ku sugayeen Kumanaan kale oo taageerayaal ah.
Wasiir h**e Jaamac Faarax ayaa shacabka Garoowe uga mahad-naqay soo dhawaynta ay u sameeyeen Musharax Guuleed, waxa uuna tilmaamey in xukuumada Deni 3 bilood u dhimantahay, lagana doonayo in doorashada ay waqtigeeda ku qabato.
Dr Guuleed Saalax ayaa dhankiisa sheegay in Puntland ay ku jirta marxalad adag isaga oo ka hadlayana waxa uu yiri "Madaxweyne Deni wuxuu 5tii sano oo uu talada joogay Puntland ka dhigtay sallaan uu hadba derbi uu dantiisa ka arko ku fuulo, mar uu Madaxweyne federaal ku raadiyo, mar uu raysalwasaare ku raadiyo iyo maanta oo uu ku darsi raadinayo, runtii waa hogaaminxumo iyo hungurixumo isbiirsaday. Waxay ahayd inuu maskaxda iyo maalka ummadda ee uu danaha gaarka ah gelinayo uu geliyo danaha bulshada uu hogaaminayo. Hadda waxaan leeyahay Madaxweyne iimaanso waqtigaaga yar ee kuu haray dhib intaas ka badana PL hasii gelin marna lagaa yeelimaayo maalin inaad ku darsato, khaatumo xumo yaysan kugu dhicin, sidii madaxdii kaa horraysay ka shaqee xilligaan kala guurka ah sidii doorasho ku dhici lahayd".
Dr Guuleed waxa kale oo ka hadlay arimaha SSC isagoo sheegay in loo baahan-yahay in Puntland iyo Khaatumo ay noqdaan laba maamul oo walaalo ah " Waxaan u hambalyaynayaa hoggaanka SSC dhaqan iyo siyaasiyiin iyo guud ahaan shacabka guushii ay ka gaareen xorraynta Gobolka Sool. Waxaan kula dardaarmayaa inay difaaca adkeeyaan, amniga gudaha si fiican u sugaan, adeeggii bulshada soo celiyaan, walxaha qarxa nadiifiyaan maamul dhamaysitarana yagleelaan. Waxaan aaminsanahay in SSC iyo Puntland noqdaan laba maamul oo is ah, is garabsada oo waliba PL noqoto walaalka wayn oo maskax iyo maalba ku bixiya taabbagelinta maamulka SSC.