Abdirahman Dooxa-joog

Abdirahman Dooxa-joog Jacfar Media Inc (JMI) provides News and Information through print and digital media, the company operates in all over Puntland, Somalia.

Puntland oo mamnuucday in musharrixiinta doorashada Soomaaliya ay ka xaystaan ilaalo.Amarkan ayaa soo baxay xilli Wasiir...
26/09/2021

Puntland oo mamnuucday in musharrixiinta doorashada Soomaaliya ay ka xaystaan ilaalo.

Amarkan ayaa soo baxay xilli Wasiirka Qorsheynta DFS lagu celiyey duleedka Garoowe.

Hambalyo Shaafici Mohamud Aw-Muuse Oo So Afmeeray Heerka kowaad ee Jaamacada Bariga Africa Bosaso Gaar ahaan kuliyada Xa...
03/05/2021

Hambalyo Shaafici Mohamud Aw-Muuse Oo So Afmeeray Heerka kowaad ee Jaamacada Bariga Africa Bosaso Gaar ahaan kuliyada Xanaanada Xoolaha.

Dowladda Puntland waxay soo dhoweysay dadaal ay waday Beesha Caalamka oo ku saabsan sidii loo xalin lahaa caqabadaha ku ...
01/04/2021

Dowladda Puntland waxay soo dhoweysay dadaal ay waday Beesha Caalamka oo ku saabsan sidii loo xalin lahaa caqabadaha ku xeeran arrimaha Doorashada, waxaana lays la gartay in Sabtida 03 April 2021, ay Madaxda DFS iyo Dowladaha Xubnaha Ka DFS isugu yimaadaan Shir hordhac u noqda Shirka wadatashiga arrimaha doorashada.

Shirkan oo ay qaban qaabisay Beesha Caalamka ayaa ujeedkiisu yahay si Madaxda Soomaaliyeed ay is afgarad uga gaaraan ajandaha Shirka iyo sida ugu habboon ee uu u qabsoomayo Shirka wadatashiga.

18/03/2021

Wasiiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa
Akhriyey WAR-MURTIYEED M
Madasha Badbaado Qaran oo looga dhawaqay magaladda Muqdisho, Madasha ayaa waxaa ku mideysan Dowladdaha Puntland iyo Jubaland, Midowga Musharixiinta Madaxweynaha Somaaliya iyo Golaha Siyasiyiinta ee Somaliland.

03/02/2021
Guddiga Puntland u saartay ka soo talabixinta qiima dhaca Shilling Soomaaliga ayaa soo saaray go 'aamadaan 1. in Bangiga...
16/01/2021

Guddiga Puntland u saartay ka soo talabixinta qiima dhaca Shilling Soomaaliga ayaa soo saaray go 'aamadaan

1. in Bangiga lagu xereeyo lacagta shillinga Soomaaliga ee ku badan suuqa dowladda ayaa bar xerayn doonta halka barka kalena ay ganacsatadu xerayn doonaan.

2. dolwadduu canshuurta dekedda Boosaaso boqolkiiba 20% ku qaaddo Shilling Soomaali.
2. In dowladdu mushahar iyo adeegyada dowladda 20% ku bixiso Shilling Soomaali.

3. Waxaa meesha laga saaray kala duwanaanshanaha sarifka lacagaha qalaad iyadoo uu jaan goyn doono bangiga dhexe ee Puntland.

4. Waxaa la joojiyey qulqulka lacagaha Shilling Soomaaliga ee u kala gooshaya gobolada Puntland.

5. In dowladdaha hoose canshuuraha ku qaadaan Shilling Soomaaliga.

6. In sariflayaashu ruqsad ka qaataan bangiga dowladda ayna raacaan xeerarka bangiga.

7. Shirkadaha isgaarsiinta waxaa loo fasaxay adeegyadii horay looga xayiray

Jacfar Media Inc

Badhan: Musharax xildhibaan Golaha wakiilada puntland Cabdulqaadir Saalax Cali (Guuleed) ayaa maantay ku dhawaaqay inuu ...
15/01/2021

Badhan: Musharax xildhibaan Golaha wakiilada puntland Cabdulqaadir Saalax Cali (Guuleed) ayaa maantay ku dhawaaqay inuu Buuxiyo Booski xildhibaan horre Dhoore, kana mid ahaa xildhibaanadii Dhowaan xilka laga xayuubiyay.

Madaxweynaha Turkiga Mudane: Recep Tayyip Erdoğan, ayaa maanta lagu billaabay tallaalka Corona Virus, dalka oo dhan dadk...
14/01/2021

Madaxweynaha Turkiga Mudane: Recep Tayyip Erdoğan, ayaa maanta lagu billaabay tallaalka Corona Virus, dalka oo dhan dadka ku sugan ayaa qaadan doona tallaalkaas si loo yareeyo tiradda dadka uusoo ridanayo.

Garoowe: 14 January 2021: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Shir-Guddoomiyay Shirka Go...
14/01/2021

Garoowe: 14 January 2021: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Shir-Guddoomiyay Shirka Golaha Wasiirada ee todobaadlaha ah.

Kulanka oo uu ka qeybgalay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, waxaa todobaadkan looga hadlay Amniga, Xaaladda Gobollada iyo Degmooyinka iyo Xeerka Horumarinta Sanduuqa Dhallinyarada.

Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee xukuumadda Soomaaliya, mudane Maxamed C/risaaq Maxamuud, ayaa a...
13/01/2021

Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee xukuumadda Soomaaliya, mudane Maxamed C/risaaq Maxamuud, ayaa aaladda fogaan arragga kaga qeybgalay kulan ay si wadajir ah u soo qaban qaabiyeen, machadda Nabadda Mareykanka iyo safaaradda Soomaaliya ee dalkaas.

Wasiirka oo qoraal soo dhigay bartiisa Twitter ayaa sheegay in ka qeybgaliyaasha kulanka uu siiyay warbixin ku aadan dib u habeynta agendiyaasha qaran iyo dib u soo kabashada dhaqaalaha dalka

Waxaan warbixin kooban ka siiyay xaaladda siyaasadeed, tan amni iyo dib u habeynta agendiyaasha qaranka iyo dib u soo kabashada dhaqaalaha,” ayuu ku qorey Twitter-ka.

Sidoo kale, wasiirka ayaa sheegay in kulan miro dhal ah la yeeshay, Ilhaan Cumar oo ka tirsan aqalka wakiilada Mareykanka, ayagoo ka wada hadlay iskaashiga iyo taageerada Mareykanka ee Soomaaliya

Mareykanka waxaa uu kamid yahay dalalka taageera dowlad dhisidda Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha amniga oo ay ugu horeyso la dagaalanka argagaxisada hor taagan nabad dalka

Jacfar Media Inc

Deg-Deg: Raysal Wasaare Rooble oo Wasiiru-dowlaha xafiiskiisa u xil saaray Arrimaha Doorashada Dalka.
13/01/2021

Deg-Deg: Raysal Wasaare Rooble oo Wasiiru-dowlaha xafiiskiisa u xil saaray Arrimaha Doorashada Dalka.

12/01/2021

MADAXWEYMAHA OO GUDDOOMIYE IYO GUDDOOMIYE KU-XIGEEN KUMEEL-GAAR AH U MAGACAABAY DEGMADA GAALKACYO

Garoowe, 12, January, 2021: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr - 02, ku magacaabay Guddoomiye iyo Guddoomiye ku-xigeenka Degmada Gaalkacyo

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland qodobkiisa 80-aad

Markuu arkay: aqoontooda iyo waayo aragnimadooda shaqo

Markuu tixgeliyey: talo soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuquraadiyeynta Dowladda Puntland

Wuxuu xeeriyey

1. Waxaa Maxamuud Cabdinuur Aadan loo magacaabay Guddoomiye kumeel-gaar ah ee Degmada Gaalkacyo

2. Waxaa Shaafici Cabdullaahi Xaashi loo magacaabay Guddoomiye Ku-xigeen kumeel-gaarka ah ee Degmada Gaalkacyo

3. Xeerkan wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu

= DHAMMAAD =
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Guddiga KMG doorashooyinka Puntland TPEC ayaa magaaada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar tababar uga furay shaqaalaha cu...
12/01/2021

Guddiga KMG doorashooyinka Puntland TPEC ayaa magaaada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar tababar uga furay shaqaalaha cusub ee xafiisyada Gobolka Karkaar,Degmada Ufayn,Degmada Qardho,Agaasimyaasha cusub ee xarunta dhexe iyo hawlwadeeno kale oo ka tirsan qeybaha iyo xafiisyada kala duwan ee Guddiga.

Waxaa lagu qaadanaynaa tababarkaan Sooyaalka guddiga iyo khibradihii laga dhaxlay guddiyadii hore,hogaaminta iyo maamulka shaqada doorashada, xeerarka doorashooyinka lagu maamulayo iyo habraacyada anshaxa shaqaalaha doorashada.

12/01/2021

Gudoomiye Caynsane Mohamed oo ka hadlay xariga Wariye Kilwe Adan ayaa sheegay in sharciga meel looga dhacay si afduub ahna wariye kilwe guri loogu hayay.

Jacfar Media Inc

Garoowe,Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland  Gudoomiye Abdirashid Yusuf Jibril, ayaa Qado sharaf u sameeyay xubnaha ...
12/01/2021

Garoowe,Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Gudoomiye Abdirashid Yusuf Jibril, ayaa Qado sharaf u sameeyay xubnaha Guddiga Waddada Ceeldaahir- Ceerigaabo ee ku sugan Garoowe, kuwaas oo ka qeyb-galay Shirweynihii Dhaqaale Ururinta dhammeystirka Waddada.

Jacfar Media Inc

12/01/2021

Somaliland ayaa sheegtay in Maxkamad la soo taagi doono Ciyaartooda Somaliland ee ka qayb-galay tartankii maamul gobolleedyada Soomaaliya.

Xigasho.honcTv

Jacfar Media Inc

Address

Jubba Street
Bosaso
00252

Telephone

+252907671252

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Abdirahman Dooxa-joog posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Abdirahman Dooxa-joog:

Share