Qardho Media

Call Directions Contact the business

Qardho Media News Program

04/10/2026

Qardho Xarunta Baydan Herbal ayaa xarun ka furatay Wadada Xertan iyo Najax meesha ay iskaga yimadaan waxay gadaa dawo herbal ah nooc walba.

Kala xirira
0907721683
6229212

Lingiga tiktoogeda
https://www.tiktok.com/?_r=1&_t=ZS-9AGsjApJfvB

Boqor Burhaan Boqor Muuse oo hambalyo u diray Madaxweyne Mustafe Cagjar.Hambalyo Madaxweyne Mustafe Muxumed Cumar (Cagja...
03/10/2026

Boqor Burhaan Boqor Muuse oo hambalyo u diray Madaxweyne Mustafe Cagjar.

Hambalyo Madaxweyne Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar)!

Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Madaxweyne Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar), oo mar kale loo doortay Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida.

Alle ha ku garab galo masuuliyadda laguu igmaday, hana kuu fududeeyo hoggaaminta iyo u adeegidda shacabka, kuna asturo horumar, nabad, midnimo iyo barwaaqo.

Hambalyo Madaxweyne! Guul iyo gobannimo!

β€ŽQARDHO:  Guddoomiyaha Degmada Qardho, Cabdi Siciid Qaal, iyo Taliyaha Taraafikada Puntland,  G/Sare Cabdifataax Siciid ...
03/10/2026

β€ŽQARDHO: Guddoomiyaha Degmada Qardho, Cabdi Siciid Qaal, iyo Taliyaha Taraafikada Puntland, G/Sare Cabdifataax Siciid Suleymaan, ayaa ka wada hadlay sidii magaalada Qardho loogu sameyn lahaa boosteejo ama goob gaar ah oo loogu talagalay gaadiidka u kala goosha gobollada iyo degmooyinka ku dhow magaalada Qardho.
β€Ž
β€ŽKulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo heli lahaa Ciidan Taraafik ah oo si joogto ah uga howlgala magaalada si loo xoojiyo nidaamka iyo maamulka isku socodka gaadiidka. xalna loogu helo ciriiriga wadooyinka, gadiidka ciladaysan ee shaqaynaaya iyo gadiidka indhaha solarka ah leh, dhammaan arimahaan oo badqabka Bulshada waxyeelaynaaya.
β€Ž
β€ŽWaxaa sidoo kale laga wada hadlay sidii mooto Bajaajta magaalada loogu sameyn lahaa calaamad ama midab gaar ah, si loo helo nidaam lagu kala aqoonsan karo Bajaajta ka howlgasha magaalada.
β€Ž
β€Ž
β€ŽMas’uuliyiinta ayaa sidoo kale isla eegay qaabka loo wada shaqeyn lahaa, iyadoo la xoojinayo iskaashiga u dhexeeya maamulka degmada, ciidamada Taraafikada iyo bulshada, si magaalada Qardho looga hirgeliyo nidaam gaadiid oo hagaagsan, ammaan ah, isla markaana waafaqsan baahida bulshada.
β€Ž
β€Ž
β€ŽKulanka waxaan ka Soo qaybgalay taliyaha hogaanka xiriirka Bulshada iyo booliska G/sare Xuseen Cali Maxamud, Gudoomiye Ku xigeenka Degmada Maxamed Cabdullaahi Siciid, Taliyaha Taraafikga Gobolka karkaar iyo Qaarka mid ah Agaasimayaasha dowladda hoose Degmada Qardho.

Gudoomiye kuxigeenka Golaha Shacabka BFS Marwo Sacdiyo Yaasiin Samatar ayaa hambalyeysan Doorashada ka dhacday Dowlad De...
03/10/2026

Gudoomiye kuxigeenka Golaha Shacabka BFS Marwo Sacdiyo Yaasiin Samatar ayaa hambalyeysan Doorashada ka dhacday Dowlad Deegaanka Soomaalida.

π‡π€πŒππ€π‹π˜πŽ πŒπ€πƒπ€π—π–π„π˜ππ€π‡π€ πƒπ„π„π†π€ππŠπ€

Waxaan hambalyo u dirayaa Madaxweynaha Dowladda Deegaanka Soomaalida, Mudane Mustafe Muxumed Cumar, oo mar kale loo doortay hoggaanka deegaanka Soomaalida.

Waxaan sidoo kale hambalyo u dirayaa Xildhibaannada, madaxda Xukumadda ee la doortay iyo shacabka Deegaanka Soomaalida.

Waxaan Alle uga baryayaa Madaxweynaha iyo hoggaanka cusub inuu ku asturo xilka, kuna garabgalo go’aanno horseeda midnimo, wadajir, nabad iyo horumar waara.

Waxaa caawa lagu soo bandhigayaa magaalada Jigjiga ee caasimadda Dowlad Deegaanka Soomaalida buugga Sooyaalka isirka iyo...
03/10/2026

Waxaa caawa lagu soo bandhigayaa magaalada Jigjiga ee caasimadda Dowlad Deegaanka Soomaalida buugga Sooyaalka isirka iyo abtirka Soomaalida oo uu qoray Prof. Maxamed Cabdi Maxamed ( Prof. Gaandhi ) .

Daahdurka buuggan ayaa ka qabsoomi doona Hotel Duule Luxury caawa 7:00 fiidnimo, waxaana daahfuraya madaxweynaha DDS Mustafe Maxamed Cumar .

03/10/2026

Siyaasi C/Raxman Cabqari oo yiri Xasan qadiyada falastiin wuu difaacay Lakiin Siyaasiinta mucaaradka way ka amuuseen.

Maxamed Jabuutawi tabashadiisa maxay tahay?

Qardho Media

QARDHO waxaa laga daahfuray Maama Canbaro Foundation.Qardho Media
02/10/2026

QARDHO waxaa laga daahfuray Maama Canbaro Foundation.

Qardho Media

Siyaasi Cabqari muxuu Xukuumada PL ugu yahay muxuu caarad?Waxaan qoray: Siyaasi C/Raxman Cabqari Islaan eedayda ah baa i...
02/10/2026

Siyaasi Cabqari muxuu Xukuumada PL ugu yahay muxuu caarad?

Waxaan qoray:
Siyaasi C/Raxman Cabqari

Islaan eedayda ah baa ila soo xiriirtay oo dadka taageera Saciid Deni
Waxaay igu tiri Bosaaso waxaay ahaaan jirtay Sac la maalo oo aan wax lagu celin.
Saciid Deni waa Madaxweenaha kaliya oo u hagarbaxay Bosaaso
Garoonkii diyaaradaha iyo dekadii wuu dhisay.. argagaxisadii wuu ka sifiiyey. wuxuu balan qaaday inuu magaalada qurxiyo Jidad wanaagsan oo town-plan leh u dhiso inta xukunka uga hartay Mayor wanaagsan aqoon , karti , aamin ah oo ay saaxiibo yihiin ayaa howshaas la wada.
Eedoy Madaxweenaha daacayada ka jooji.

Ok... waan ka joojinayaa dacaayada shakhsiga ah

Qadiya aan ku Taageero
Dowlada Faderalka iyo Waqooyi Bari iyo PSF iyo dadka la dulmiyey marnaba ma joojinayo

Waxaan aamin sanahay Madaxweene Xasan Sheekh iyo Ra-iisal wasaare Xamze waxay difaacaan qadiyada badaha samaliya iyo MIDNIMADA Somaliya iyo Masjid Alqudus iyo waxay difaacaan Dadka falastiin xasuuq loo geestay

Nin Siyaasi ah oo arimahaas ka hadlay bal car sheeg.
Alle wuu idin xisaabinayaa dhamaantiin. Qofkii difaacay arimaha danta Somalida iyo muslimka oo dhan. Iyo kii munaafaqad qaaday iyo hunguri.

Qardho Media

01/10/2026

Shirkada Gondogoye Architects & Construction ayaa dib u dayactir iyo Qurxinta lagu sameyay hoolka Wasaradda Caafimafka ee DPL.

waxana si tayo sare leh, u qurxinaysa Shirkadda Gondogoye Architects & Construction
Dhisme si casriya loo dhiso ,Tayaduna la'ilaaliyey waa astaanta Gondogoye Architects & Construction.

πŸ“žπ…πšππ₯𝐚𝐧 𝐧𝐚𝐠𝐚π₯𝐚 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐒𝐝𝐑𝐒𝐒𝐝𝐑.
Tell and What'sapp:
πŸ“ Headquarter : +252 ⁨904 444 473⁩
πŸ“ Lascano:+252 904646666 or 0634 269 365
πŸ“ Galkacyo: +252 907753741
πŸ“ Bosaso:+252 907554829
πŸ“§ Email:[email protected]
🌐 Website:www.gondogoye.com

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarrree Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa shir-guddoomiyey kulanka  Hoggaannad...
01/10/2026

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarrree Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa shir-guddoomiyey kulanka Hoggaannada, Qeybaha, Talisyada iyo Fadhiyada Madaxa Banaan ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, kaas oo diiradda lagu saaray dabagalka, iyo qiimeynta xaaladda amniga guud ee bad iyo berri ,diyaar-garowga xilliga Deyrta iyo khataraha ka dhalan kara fatahaadaha, abaaraha iyo dabeylaha.

Qardho Media

Address

Bosaso

Telephone

+252907231611

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Qardho Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Qardho Media:

Shortcuts

Share