
24/09/2025
Codsi: Dowladda Soomaaliya Maydka Aasa
Anagoo ah qoyska Walaal Mahad Faarax Axmed oo dalka Liibiya ku geeryooday maalintii Axada, waxaa ka codsanaynaa Dowladda Soomaaliya inay u ogaalato waraaqaha kaga xidhan Safaaradda Soomaaliya ee Liibiya.
Mahad waa Geeryooday, Eebbe ha u raxmado. Waxaase geeri kale ah inaan weli la aasin, sababtana waa in Danjiraha Soomaaliya iyo safaaradaba ay diideen inay cusbitaalka u qoraan waraaqaha kaga xidhan dhankooda.
Qoys ahaan waa dedaalnay, waqtina waa gelinay la hadalka safiirka, waxaase adkaatay inuu shaqada aaska wax nagala qabtaan safaarad ahaan.
Waqtiga aan qoraalka qorayno, waxaa uu Mahad yaalay sariirtii uu ku mayday, waana in kabadan 36saac, xattaa lama gelin qaboojiye. Waa xanuun, marka qofkaagii oo dhintay aan la aasin..
Dadka mas’uuliyadda u qaaday dadka Soomaaliyeed waxaa laga rabaa inaan shaqadaas Eebbe weyne uga cabsadaan oo meydka aasaan.
Waxaa maqalnay in Meydkale oo Soomaaliyeed uu yaal safaarada horteeda oo safiirku diiday in la aasi, waa uur kutaalle kale.
Awaare Media Inc