Talo Tv

Talo Tv War Sugan Kala Soco Talo Tv Barnaamijyo xiiso Leh ayaan idin soo gudbin doonaa

Madaxwaynaha Puntland Sicid Deni ayaa dhagax dhigaya wado Jey ah oo isku xiraysa magaalada Boosaaso iyo deegaanka dhaada...
09/08/2025

Madaxwaynaha Puntland Sicid Deni ayaa dhagax dhigaya wado Jey ah oo isku xiraysa magaalada Boosaaso iyo deegaanka dhaadaar oo ah deegaanada ee buuraha Calmiskaad lagana xoreeyay aragagixisada DCSH

Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland H.E Ilyas Osman Lugatoor ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilo ka socday Hay’add...
06/08/2025

Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland H.E Ilyas Osman Lugatoor ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilo ka socday Hay’addaha Caalamiga ah oo ay ka mid yihiin UNOCHA, UNICEF, WFP, IRC, UNFPA iyo Hay’addo kale.

Kulanka ayaa looga hadlay xaalada Abaaraha Puntland, arrimaha Bini’aadantinimada iyo xoojinta xidhiidhka wadashaqayneed ee dowladda iyo Hay’addaha Caalamiga ah.

Dowlada Jubbaland oo Dowlada Federalka  ku eedeysey dagaallo ka dhacay Doolow & Beled-xaawo ee Gobolka Gedo: "Weerarrada...
28/07/2025

Dowlada Jubbaland oo Dowlada Federalka ku eedeysey dagaallo ka dhacay Doolow & Beled-xaawo ee Gobolka Gedo: "Weerarrada Xasan Shiikh nagu soo waaday waxay wiiqayaan dagaalkii ka dhanka ahaa AS... waxaan si weyn uga xunahay la wareegidda degmada Maxaas."

Xuutiyiinta Yemen oo Hanjabaad Culus u diray Dunida ~ WAR-SAXAAFADEED"Ciidamada Qalabka Sida ee Yemen, iyagoo kaashanaya...
28/07/2025

Xuutiyiinta Yemen oo Hanjabaad Culus u diray Dunida ~ WAR-SAXAAFADEED

"Ciidamada Qalabka Sida ee Yemen, iyagoo kaashanaya Allaah Subxaanahu Wa Tacaalaa, waxa ay go’aan ku gaadheen in ay kordhiyaan howlgallada millatari ee ay ku taageerayaan shacabka Falastiin, isla markaana aan ay billaabaan wajigii afraad ee go’doominta badda ee ka dhanka ah cadowga Israa’iil, waxaana ka mid ah in la beegsado dhammaan maraakiibta ay leedahay shirkad kasta oo la macaamilaysa dekedaha Israa'iil, iyadoon loo eegayn waddanka iska leh shirkadda ama meesha uu joogo markabku oo ah meel kasta oo ay ciidamada Yemen ka gaadhi karaan.

Ciidamada qalabka sida ee Yemen waxa ay uga baaqayaan dhammaan shirkadaha in ay si deg deg ah u joojiyaan la macaamilka dekedaha Israa’iil laga bilaabo marka uu go'aankani soo baxay, haddii kale maraakiibtooda waa la bartilmaameedsan doonaa, meel kasta oo ay gaadhi karaan gantaalada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee ciidamada Yemen.

Ciidamada qalabka sida ee Yemen waxay ugu baaqayaan dhammaan dalalka: Haddii aad rabtaan inaad naga badbaaddo, waa inaad cadaadis ku saartaan cadowga Israa'iil inay joojiyaan gardarada iyo go'doominta ay ku hayaan shacabka Qasa.

Ma jiro qof xor ah oo dunida guudkeeda ku nool oo aqbali kara waxa ka socda Qasa." Sidaas ayaa lagu yidhi warka ka soo baxay Xuutiyiinta Yemen.

Talo Tv

Alle ha u naxariistee waxaa deegaanka Kala-baydh ee gobolka Bari ku geeryooday; Dr.Cabdiraxmaan Siciid Dhegaweyne oo aha...
28/07/2025

Alle ha u naxariistee waxaa deegaanka Kala-baydh ee gobolka Bari ku geeryooday; Dr.Cabdiraxmaan Siciid Dhegaweyne oo ahaa siyaasi weyn & dhakhtar kamid ahaa asaasayaasha Dowladda Puntland.

Dr.Dhegeweynd ayaa la soo shaqeeyey xukuumadihii soo maray Puntland, isaga oo soo noqday; Wasiir Caafimaad, Wasiiru-dowle Madaxtooyo, Agaasime Guud, Agaasimihii Hey'adda PAC & hadda oo uu ahaa La-taliye Madaxweyne oo dhinaca caafimaadka ahaa.

Dowladda Shiinaha oo digniintii u cuslayd u dirtay Somaliland ka dib xidhiidhka ay la yeesheen Jasiiradda Taiwan oo Shii...
28/07/2025

Dowladda Shiinaha oo digniintii u cuslayd u dirtay Somaliland ka dib xidhiidhka ay la yeesheen Jasiiradda Taiwan oo Shiinuhu u arko qayb isaga kamid ah.

"Maamul-goboleedka Somaliland wuxuu ku xad-gudbay midnimada Shiinaha, adduunka waxa ka jira Hal Shiine, Taiwanna waa qayb aan naga go'i karin... Somaliland waa qayb kamid ah Soomaaliya, waan uga digeynaa xidhiidh ay la sameeyaan Taiwan." — War-saxaafadeed ka soo baxay Safaaradda Shiinaha ee Muqdisho.

Talo Tv

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro ayaa u amba-baxay dalka Jabuuti, halkaasi oo uu kulamo kula leeyahay Madaxwe...
21/05/2025

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro ayaa u amba-baxay dalka Jabuuti, halkaasi oo uu kulamo kula leeyahay Madaxweyne Geelle.

Cirro ayaa dhawaan sheegey in uu xoojinayo xidhiidhka Jabuuti & Somaliland oo aan muuqan tan iyo is-afgaradkii Badda ee Somaliland & Itoobiya.

"Talada dhulka SSC waxa ay ka go'daa isimadayada, halka ay ku taliyaan ayaana lagu khasban yahay ma jirto cid kale oo wa...
26/02/2023

"Talada dhulka SSC waxa ay ka go'daa isimadayada, halka ay ku taliyaan ayaana lagu khasban yahay ma jirto cid kale oo wax laga weydiinayo" - Guddoomiyaha Wakiillada Somaliland, Cabdirisaaq Khaliif oo Laascaanood kula hadlay saxaafadda.

S: Maxamed Guuleed

Saadali Ciyaarta Leicester City vs Arsenal  Ku Guulayso 50$ oo Lacag Saadasha Ciyaartuna Waxay Ku Egtahay Markay Ciyaart...
25/02/2023

Saadali Ciyaarta
Leicester City vs Arsenal Ku Guulayso 50$ oo Lacag Saadasha Ciyaartuna Waxay Ku Egtahay Markay Ciyaartu Bilaabato

Shuruudahan Buuxi hadii aad rabto inad guulesato
1: Hal Mar Sadaali Ciyaarta
2: Pogan Kulan TV Follow Soo Dheh Hadanad H**e u Dhihin
3: Like Saar Postiga Sadasha
4: Ku Shere Garee 8 Group Postiga

Hadii Aad Ka Tagto Mid Kamid Ah Sharuudaha Kuma Guuleysan Dontid Abaal Marinta insha allah

Guul baan kuu rajeenena insha allah

Xalfada Caleema Saarka Nabadoon Mohamud Mohamed Hassan [ Garaase ]Maanta waxaa  magaalada bosaso lagu caleema saaray nab...
25/02/2023

Xalfada Caleema Saarka Nabadoon Mohamud Mohamed Hassan [ Garaase ]

Maanta waxaa magaalada bosaso lagu caleema saaray nabadoonka beesha

REER SAMATER CABDIKARIIM UGAAR CUMAR CALI SALEEBAAN

06/02/2023

Ciidanka Somaliland ayaa dagaal looga qabsaday Guriga gobolka iyo Hotel Xamdi oo ay daganaayeen Wasiiradda Somaliland ka socday waxaana wali magaalada laascaanod ka socda dagaal u dhaxeeya Dadka deegaanka iyo Somaliland.

Address

Bosaso
BOSASOCITY

Opening Hours

Monday 09:00 - 23:00

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Talo Tv posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Talo Tv:

Share