
21/04/2023
Guud ahaan muslimiinta calaamka, gaar ahaan ummadda Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan, waxaan ugu hambalyaynayaa munaasabadda Ciidul Fidriga, aniga oo Alle inooga baryaya inuu inaga aqbalo soonkii iyo cibaadadii wanaagsanayd ee aynu gudannay intii lagu jiray bishii Barakaysnayd ee Ramadaan.
Waxaan ku boorrinayaa dhammaan dadka Soomaaliyeed in ay sii joogteeyaan acmaasha wanaagsan ee aynu mudnaanta siineynay muddadii Bishii Ramadaan, kuwaas oo ay ugu horreyso kaalmeynta iyo garab istaagga dadkeenna danyarta ah.
Ugu dambayn, waxaan Eebbe Weyne ka baryayaa inuu ciiddan ciiddeeda kale inagu gaarsiiyo caafimaad qab, amni iyo barwaaqo. Farxad iyo nabad ku ciida dhammaantiin.
Ciid Mubaarak