05/08/2025
๐ฆ๐ฎ๐ฎ๐บ๐ถ-๐ค๐ฎ๐๐ฏ๐๐ถ ๐๐ฎ๐ฑ๐ฑ๐ฎ๐ฎ๐น๐ฎ๐ฑ ๐ฎ๐ต: ๐ช๐ฎ๐ฎ ๐ฆ๐ต๐ฎ๐ฐ๐ฎ๐ฏ๐ธ๐ฎ ๐ผ๐ผ ๐๐ผ๐ผ๐ฟ๐๐ฎ ๐ช๐ฎ๐ธ๐ถ๐ถ๐น๐ฎ๐ฑ๐ผ๐ผ๐ฑ๐ฎ ๐ช๐ฎ๐ฎ ๐๐๐ฎ๐ฎ๐๐ธ๐ฎ ๐๐ผ๐๐น๐ฎ๐ฑ๐ป๐ถ๐บ๐ผ ๐ช๐ฎ๐ฎ๐ฟ๐๐ฎ.
Haddii la doonayo in Soomaaliya guud ahaan iyo maamul-goboleedyadu ay yeeshaan dowladnimo sal adag, waa in hannaanka siyaasadeed iyo awood qaybsiga lagu saleeyaa saami-qaybsi miisaaman, oo dhab ahaan uga tarjumaya xaqiiqda nolosha ummadda, baahiyahooda, iyo hab-dhiskooda bulsheed.
Ma jiro nidaam dowladeed oo waara oo ku tiirsan musuqmaasuq siyaasadeed ama b**b metelaad. Dowladnimo la isku halayn karo waxay ka bilaabataa in shacabka ay doortaan cidda u matasha, lana ilaaliyo xuquuqdooda siyaasadeed ee salka ku haysa kalsoonida dadweynaha.
Ku-Tagrifalka Awoodda iyo Boobka Metelaadda
Waxaa nasiib-darro ah in maanta masโuuliyiin badan oo ka tirsan hayโadaha federaalka iyo maamul-goboleedyada sida Puntland ay si joogto ah ugu kacaan ku-tagrifal awoodeed, iyagoo magacaabis iyo xulasho ku fushanaya xildhibaanno iyo masuuliyiin aan matalin rabitaanka shacabka, balse lagu keenay saaxiibtinimo, dano gaar ah, ama cadaadis siyaasadeed.
Marka kursi lagu keeno magac beel lana soo b**bay, iyadoo aan laga soo wakiilan beesha ama bulshada deegaanka, matalaaddu waa been waa maqaar-saar siyaasadeed, mana aha codka dhabta ah ee dadka deegaankaas.
Metelaad Dhab ah: Maxay Tahay, Yaa Leh?
Metelaaddu waa mid ka dhaxaysa shacabka iyo dowladdooda. Beel ama deegaan waxa uu sheegan karaa inuu leeyahay wakiil marka qofkaasi uu si toos ah ama dadban ugu yimaado rabitaankooda. Taasoo ah in loo doortay ama loo soo xushay si daah-furan, kana yimid talo iyo tanaasul beeleed.
Haddii taas laga boodo, cid kasta oo lagu keenay si aan sharciga iyo kalsoonida shacabka waafaqsanayn, ma aha wakiil rasmi ah. Wuxuu noqonayaa in magaca beesha la dhacay qofkaas iyaga ka dhashay lagu difaacayo dano gaar ah, halkaas oo dadkii xaqa lahaa laga siibay fursaddii ay kaga heli lahayeen xuquuqdooda maamulka, go'aan ka gaarista arrimaha guud, iyo helitaanka adeegyo iyo kheyraad si cadaalad ah.
Cawaaqibka Boobka Metelaadda
Boobka metelaadda wuxuu si toos ah uga qaadayaa beeshii laga b**bay xildhibaan koodii:
Hannaanka dawladnimo ee ku dhisan wadaag iyo kalsooni;
Wadaagga awoodda iyo kheyraadka;
Fursadda shacabka ay ku helaan matalaad dhab ah iyo helitaanka adeegyada;
Cabashooyinka shacabka iyo ilaalinta xuquuqdooda.
Markii beel ama deegaan laga b**bay wakiilnimadoodii, waxay ka maqnaadaan madal kasta oo goโaan lagaga gaarayo aayahooda. Waxayna hoos u dhac ku timaaddaa kalsoonida ay ku qabaan nidaamka dowladeed taasoo abuureysa firaaq siyaasadeed, cabashooyin isbiirsada, iyo xasillooni darro bulsheed.
Ku Waano Qaado Xaqa
Qof lagu keenay magaca beel, iyadoo beeshaasi aanay soo xulin ama wakiilan, ma lahan sharciyad wakiilnimo. Wuxuu u egyahay magac beeleed oo la hor dhigto nidaamka, si loogu difaaco dano gaar ah, loona aamusiyo beelihii xaqa lahaa.
Haddaba, si loo helo dowladnimo waarta oo daah-furan:
Waa in la su'gaa saami-qaybsi caddaalad ah;
Waa in wakiilnimada loo daayaa bulshada xaqa u leh, ee aan lagu b**bin magac iyo maslaxado gaar ah.
Waa in laga hortago b**bka matalaadda, loona hoggaansamo rabitaanka shacabka iyo rabitaan kooda.
Dowladnimada dhabta ah waa mid ka dhalata codka shacabka, looguna taliyo si caddaalad ah, oo aan lagu sar-goโin shakhsiyaad iyo kooxo dano gaar ah leh. Taas baa ah waddada kaliya ee Soomaaliya iyo maamul-goboleedyadeedu kaga bixi karaan jahawareerka siyaasadeed ee sii daba dheeraaday.