Warbaahinta udhiibo

Warbaahinta udhiibo Waxaan idinku soo gudbiyaa warar xiiso xambaarsan muuqaalo iyo dhacdooyinka dunida ee markaas taagan soo dhawaad saaxiibyaal

MUCAARADKA SAMATABIXINTA OO SHIR KU YEESHAY HOTEL JAZIIRAMucaaradka Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa shalay galab...
28/11/2025

MUCAARADKA SAMATABIXINTA OO SHIR KU YEESHAY HOTEL JAZIIRA

Mucaaradka Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa shalay galab waxay kulan ku yeesheen Magaaladda Muqdisho waxaana shir gudoominayay Madaxwaynihii h**e Shariif Shiikh Axmed iyadoo ay goob joog ahaayeen siyaasiyiinta Madasha uu ka mid yahay Xassan Cai Kheyre.

Sida uu sheegay Shariif Shiikh Axmed waxay shirkooda diirrada ku saareen jahawareerka siyaasadeed ee ka taagan dalka sida uu warka u dhigay.

Shariif Shiikh Axmed wuxuu intaasi ku daray inay sidoo kale isla soo qaadeen tacadiyadii ugu dambeeyay ee ka dhacay Magaaladda Muqdisho.

Lama oga sida uu xaalku noqon doono hadii Madaxweyne Xassan uu waqtigiisa ku qaban waayo doorasho madaama siyaasiyiinta mucaaradka ay mar kasta sheegeen inay Dowlada ka hor iman doonaan hadii muda kororsi ay sameysto

XIGASHO DAYNIILE.COM

31/07/2025

Udhiibo Medua waxaan Ku soo Gudbinaa Dhacdooyinka Xiisa leh

29/07/2025

Udhiibo Medua waxaan Ku soo Gudbinaa Dhacdooyinka Xiisa leh

26/07/2025

Udhiibo Medua waxaan Ku soo Gudbinaa Dhacdooyinka Xiisa leh

Nolosha Xoogsatada Boosaaso – Dhib, Dulqaad, iyo Rajada Maalinta walba BerriMagaalada Boosaaso, waa albaabka ganacsiga e...
25/07/2025

Nolosha Xoogsatada Boosaaso – Dhib, Dulqaad, iyo Rajada Maalinta walba Berri

Magaalada Boosaaso, waa albaabka ganacsiga ee Puntland, waana meel ku camiran deked, suuqyo, dhismayaal cusub, iyo mashquul joogto ah. Laakiin marka indhaha laga saaro ganacsatada waaweyn iyo gaadiidka culus, waxaad arkeysaa wejiyo kale – wejiyada xoog-maalayaasha magaalada.

Waa raggii iyo dumar kii oo waaberi toosa si ay shaqo u helaan, qaar u safra dekedda, qaar dhismaha u gala, qaarna suuqyada mara si ay culeys u qaadaan ama bacaha dadka ugu raraan. Waa dad aan lahayn damaanad maalin kale, balse maanta u taagan rajo.

Celcelis ahaan, xoogsatada Boosaaso waxay helaan $5 ilaa $10 USD. Qaar darawal ah ayaa maalintii ka hela $5 – $8 kadib marka uu shidaalka iyo kirada bixiyo.

Inta badan, lacagtaas yar waxaa looga bixiyaa kirada guri, raashinka carruurta, biyaha ceelka , iyo waxbarashada yar ee laga bixiyo dugsi hoose ama madaraso. Haddii uu jirro dhacdo, ama shaqo la’aan timaaddo, qofkaasi waxa uu halis ugu jiraa in qoyskiisa jiif iyo cunto midna aysan helin.

Haddana, waxaad arkaysaa iyaga oo faraxsan, salaad ku tukada suuqyada geesahooda, midba midka kale wax ku dhiira geliyaa, in uu u dulqaato kulaylka iyo cadceedda Boosaaso si uu u helo nolosha ubadkiisa .

Waana dadka nolosha u heellan, laakiin aysan helin fursado ay ku horumariyaan xirfadahooda ama noloshooda. Waa xoogga dadweynaha – laf-dhabarta dhaqaalaha suuqyada iyo dekedda Boosaaso.

Su’aashu waa: yaa dareemaya jiritaankooda?

Yaa u sameeya tababar si ay shaqo rasmi ah u helaan?

Yaa hubiya in carruurtooda ay helaan nolol ka wanaagsan tan ay maanta haystaan?

Waa waajib in la maqlo codkooda.

Waa waajib in la garab istaago
Waa waajib in mustaqbalkooda laga dhigo mid wanaagsan.

Boosaaso waa magaalo fursado leh — laakiin in ay ka faa’iideystaan xoogsatadu waxay u baahan tahay garab iyo garasho.

Hadaba comment nagula wadaag sida loo garab istaagi karo xoogsatada magaalada Boosaaso

15/06/2025
15/06/2025
13/06/2025

Baabuur Duug ah iyo Dadweyne Dhibban: Xaaladda Basaska Caasiga ee Boosaaso

17/04/2025

Udhiibo Medua waxaan Ku soo Gudbinaa Dhacdooyinka Xiisa leh

17/04/2025

Udhiibo Medua waxaan Ku soo Gudbinaa Dhacdooyinka Xiisa leh

Address

Barxada
Bosaso
N/A

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Warbaahinta udhiibo posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Category