11/07/2023
NUXURKA: Doorasho Qof iyo Cod wax aan aheyn Xal maaha, Oday dhaqan Maya! Laakiin Is faham hala helo.
1- Nidaamka hala dhawro : Dawladdu uunbaa sharciyada leh, dalkana Dawlad ka ah, cid kale sharciyad maleh, iyadaa masuuliyada saaran tahay.
2- Dagaalka Sool: ha laga qeybgalo hana loo hiiliyo shacabka SSC ee dagaal ku kujira, Deni ayay kow waajib ku tahay.
3- Barnaamijka Dimuquraadiyadu; waa in labadbaadiyo hadeer lama laaban karro, hana la raaco Dimuquraadiyadda, Oday dhaqan ma rabno looma laaban karro, iyaga ayaanaba is haysta, 66-dii MAYA.
4- Ha laga maarmo Furida: maaha waa in lajoojiyaa (Lacala waa laga maarmi karaa Heshiis banaanka ah hala raadiyo)
5- Lifaaqa Shanaad aan ka heshiino: inagu si doorashada qof iyo codka ah ku dhacayso (Kursi kasta imisa lagu dooranayaa, imisa waqti ah lagu hirgalinayaa, Yaa codeynaya dib u diwaangalin mise Intii h**e)
6- 8 Jan ha dhacdo Doorasho: Dawladdu nooc doorasho hala timaado, mucaarad ma keeno Roadmap waxaa keena dawladda ayaa laga rabaa in ay miiska keento nooca doorasho iyo doodeeda.
7- Guddiga Doorashooyinka 2024-ka qabanaya ha laga heshiiyo, si ay xiligeeda ugu qabtaan (Haddii Dimuquraadda la aado guddiga qabanaya ee PEC waa in laga heshiiyaa kuwa ay noqonayaan).
8- Waa qasab in 3 degmo Nugaal, laga qabto qof iyo cod ah, sida ugu dhaqsaha badan (Dawladda leh qabashada, lagama baajin karro doorashadii loo diwaangaliyey.
9- 9 Urur siyaasadeed waa in ay 5 sano jiraan (dastuur furid dad-ban oo raali laga yahay iyo in Ururo dhan lajamciyo).
10- Doorasho qof iyo cod ah oo qof kasta musharax noqon karro, dhammaana loo wada tartamayo oo aan aheyn mid xiran (Dastuurka in qodobadaas la tirtiro).
11- Kuraasta SSC: waa in nidaamkooda doorashada cad yahay oo ay u madax banaan yihiin Isimada SSC, xaalad gaar ah ha laga dhigo yaan qof iyo cod lagalin iyaga.