21/03/2026
: Laftagareen oo gorgortan dhaqaale kula jira dowladda soomaaliya kadibna iskaga tago magaalada Baydhabo.
Dowladda soomaaliya oo sii kordhisay qorshe ay kawado degmooyinka iyo degaanada koonfur-galbeed ayaa Laftagareen ku soo koobtay halka uu ka daganyahay magaalada Baydhabo oo ah madaxtooyada Koonfur-galbeed ayaa wajahaya culeys dhinac kasta leh isaga oo aysan jirin meel uu u dhaqaaqi karo ama nafis siyaasadeed ka raadsan karo.
Waxaa la xaqiijiyay in uu la xiriiray qaar kamid ah saaxiibada madaxweyne Xasan Sheekh iyo rag kaloo ka agdhaw waxaana uu u sheegay in la siiyo dhowr million kadibna uu si nabad ah isaga baxaayo magaalada Baydhabo haddii loo fuliyo dalabkaasi balse wali wax jawaab ah k**a imaan raggii ergo ahaan loogu dhiibay in ay fariintaasi gaarsiiyaan madaxweyne Xasan.
Arimaha shakiga geliyay dadkii la joogay Laftagareen ayaa ah in la sugaayay inuu Laftagareen ku dhawaaqo gudigii doorashada ka shaqeyn lahaa balse uu dib u dhac waqti ka dheer xiligii la filaayay ku yimid iyada oo ay hadda soo baxday warbixinta sheegaysa inuu dalabaad lacageed gudbistay Laftagareen, waxaana loo badinaayaa in isbuucaan gudihiisa lagu kala baxo magaalada baydhabo oo hadda fariisin u ah maamulka Laftagareen oo ku dhawaaqay inay xiriirkii u jareen dowladda Federaalka.
DAYAX MEDIA