Pluto Media

Pluto Media ☑️Photographer 📸 ☑️Qormooyin xiiso leh
☑️Video Editing 📹 ☑️ Warbixinno 💬IWM.
☑️Vlogs ⛱️
(1)

23/07/2025

Mogadishu City ♥️🎵

23/07/2025

Welcome back

17/08/2024

Soo dhawaada mudanayaaa kusoo biir si waxyaalo badan ula socoto. thanks

https://www.facebook.com/profile.php?id=61564262287533&mibextid=ZbWKwL

This is My Official Facbook Page .

Page-kan waa page aan ugu talo galnay inaan wax ku kala faa'iidno, waxanan ku qaada-dhigaynnaa soo gudbinta marba wixii aan u arkaynno inay faa'iido u leeyihiin annaga iyo daawadayashaba. soo dhawoow Mudane oo naso raac

Alle ha u naxariistee Raysal Wasaarihii h**e ee Falastiin ahaana Hoggaaniyihii garabka siyaasadda ee ururka Xamaas Ismaa...
31/07/2024

Alle ha u naxariistee Raysal Wasaarihii h**e ee Falastiin ahaana Hoggaaniyihii garabka siyaasadda ee ururka Xamaas Ismaaciil Haniya ayaa lagu dilay magaalada Tehran ee dalka Iiraan.

Ismaaciil Haniya ayaa geeriyooday kadib markii la duqeeyay goobtii uu ka deganaa Tehraan, iyadoo la sheegay in uu halkaasi u joogey ka qayb-galka caleemo saarka madaxweynaha cusub ee Iiraan.

25/07/2024

Aabaw mar kale ♥️

SSC-Khaatumo: Waxa 33 sano kadib Saaka looga fadhiistay Imtixaanka Shahaadiga ah ee ay qaadeyso Dowladda Federaalka Soom...
22/06/2024

SSC-Khaatumo: Waxa 33 sano kadib Saaka looga fadhiistay Imtixaanka Shahaadiga ah ee ay qaadeyso Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka SSC-Khaatumo Dr Maxamed Cabdi Shiine, ayaa daahfuray Imtixaanka oo lagu tilmaamay tallaabo taariikhi ah.

In ka badan 1,154 arday oo kala socda 17 Dugsi oo ku yaala SSC-Khaatumo ayaa Imtixaanka galaya, Saraakiil ka socota Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS ayaa ku sugan Gobolka si ay isha ugu hayaan habsami u socodka Imtixaanaadka.

Pluto Media

21/06/2024

Ma haysataa kaarkaagii codbixinta Doorashada Puntland?
Pluto Media

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO WARQADAHA AQOONSIGA DANJIRENIMO KA GUDDOOMAY SAFIIRKA CUSUB EE DOWLADDA MARAYKANKA Muqdisho, ...
21/06/2024

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO WARQADAHA AQOONSIGA DANJIRENIMO KA GUDDOOMAY SAFIIRKA CUSUB EE DOWLADDA MARAYKANKA

Muqdisho, Juun 21, 2024; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay Safiirka cusub ee Dowladda Maraykanku u soo magacowday Soomaaliya Mudane Richard H. Riley.

Danjiraha cusub oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda la wadaagay dhambaal iyo salaan uu uga siday Madaxweynaha Dowladda Maraykanka Mudane Joe Biden, ayaa uga mahadceliyey soo dhoweynta diirran ee uu kala kulmay dowladda Soomaaliyeed, isaga oo soo bandhigay qorshihiisa xoojinta xiriirka diblomaasoyadeed iyo wax wada qabsiga labada dowladood.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu hambalyeeyey Danjire Richard H. Riley mas’uuliyaddiisa cusub, isaga oo la wadaagay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku garab istaagayso gudashada waajibka diblomaasiyadeed ee loo igmaday.

Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), General Michael E. Langley, ayaa kala hadlay xoojinta iskaashiga amniga, dadaallada wadajirka ah ee ka hortagga argagixisada iyo xasilloonida gobolka.

DHAMMAAD

Pluto Media

21/06/2024

XILDHIBAANNADA SOOMAALILAND OO QAADAY WADDADII AY H**E U QAADEEN XILDHIBAANNADA PUNTLAND.

Xildhibaannada ka soo jeeda Puntland iyo Soomaaliland oo door weyn ku lahaa dib u doorashada Madaxwaweyne Xasan Sheekh ayaa haatan u muuqda kuwo quus ka taagan dowladdiisa, kaddib markii ay ku guul darreysteen in ay ka furdaamiyaan gabdhaha Xildhibaannada ah ee ka soo jeeda deegaannadooda oo uu hor istaagay Madaxweyanuhu in ay magaca Soomaaliya ku matalaan fagaareyaasha Afrika iyo Caalamka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa wajahaya dhaleecayn weyn oo ku saabsan in uu ka hor istaagay haweenaydii Labaad ee Soomaaliyeed in ay tartanto xil caalami ah.

Xildhibaan Fowsiyo Xaaji Aadan iyo Xildhibaan Marwo Bashiir, oo labaduba haystay fursado waaweyn oo ay ku guuleysan kareen ayaa la kulmay caqabado siyaasadeed iyo maamul oo Madaxweynuhu uu kaga hor istaagay hankooda matalaadda Soomaaliya.

Xildhibaan Fowsiyo Xaaji Aadan, oo h**e u soo noqotay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya, ayaa doonaysay in ay u tartanto kursiga Guddoomiyaha Baarlamaanka Afrika, balse shir Jaraa’id oo ay Muqdisho ku qabatay ayey ku caddaysay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu si bareer ah u diiday in ay tartankaas gasho, isagoo u sheegay in uu Jabuuti u tanaasulay, codka Soomaaliyana la siinayo.

Sidoo kale, Xildhibaan Marwo Bashiir, oo ka soo jeedda Puntland, ayaa dhammadkii sannadkii tagay waxaa hankeedii dhabarka ka jabiyey Madaxweyne Xasan Sheekh iyo xukuumaddiisa, oo ka door biday musharax ka soo jeedda Tansaaniya.

Madaxwaynuhu in uu dalal shisheeye labo jeer ka door bido in gabdho Soomaaliyeed ay ku guuleystaan Guddoomiyaha Baarlamaanka Afrika iyo Caalamka ayaa dhaawacaysa rajada haweenka Soomaaliyeed ay ka qabeen siyaasadda iyo dowladnimada.

Pluto Media

21/06/2024
21/06/2024

#33 Sanno kaddib ayaa markii ugu horreysay laga dajiyey Magaalada Laascaanood imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 12aad.

18/06/2024

Address

Garowe

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Pluto Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share