Bareeda News

Bareeda News Bareeda News Waa Warbaahin Madax Banan oo Soo Gudbisa Warar Sugan iyo Bilicda Deegaanka.

09/08/2026

Fadlan Ka Qayb Qaado Dhismaha Xarunta Hooyada iyo Dhallaanka (MCH) ee Deegaanka Sayn-wayn, Tog-barwaaqo.

Cid kasta oo awoodda u leh waxaa laga codsanayaa inay gacan ka geystaan dhismaha xaruntan muhiimka u ah hooyada iyo dhallaanka, si bulshada loogu helo adeeg caafimaad oo joogto ah.

Lacag kasta oo aad bixiso waxay qayb ka tahay badbaadinta hooyo iyo Dhalaanka.

Wixii Faahfaahin ah Kala Xiriir:
+252907788181/+252907722938/+252907899300

 : Magaalada Bosaaso ayaa maanta lagu daahfuray warshada Bareeda Tuna Factory, oo ah warshad kalluun oo loogu talagalay ...
09/08/2026

: Magaalada Bosaaso ayaa maanta lagu daahfuray warshada Bareeda Tuna Factory, oo ah warshad kalluun oo loogu talagalay farsamaynta iyo soo saarista kalluun tayo leh.

Daahfurka warshaddan ayaa ah talaabo muhiim u ah horumarinta kheyraadka badda, shaqo-abuurka Dhalinyarada iyo kobcinta wax-soo-saarka gudaha, iyadoo kalluunka laga soo saaro xeebteena loo marinayo hab casri ah oo wax-soo-saar iyo suuq-geyn leh.

Bareeda Tuna Factory ayaa la filayaa inay kaalin muuqata ka qaadato horumarinta warshadaha kalluunka iyo dhaqaalaha bulshada.

09/08/2026

Gudoomivaha Deegaanka Qarxis oo si iskaa wax uqabso ah bulshadiisa ugu booriyey in ay dhisaan burburka Wadada Odol.

09/08/2026

Wali Ma Booqatay Deegaanka Xeebeedka Gabac Ee Degmada Eyl, Saka Waxanu Subax wanagsan idinka Soo Lenahay Deegaanka Gabac.

08/08/2026

Wuxu Kamid Yahay Shimbiraha Ka Dabar go'aya Dalkeena, Magaca Aad utaqaan Nala Wadaag

08/08/2026

Berbera Dooni ayaa ku gubanaysa Dekkada Berbera, Doonida Ayaa Gabi ahaanba Shuf Beeshay Kadib Markii Ay Kooxaha Damdamisku Ku Guulaysteen isku Day walba oo ay Ku Badbaadinayeen.

07/08/2026

Waxay Ku Jiraan Wakhtigoodii Ugu Fiicana Ee Caruurnimada Sido Kale Waxay Ku raxaysanayan Xeebta Quruxda Badan Ee Dalkooda.

06/08/2026

Dareewalada Gadiidka iskaga Kala Goosha Gobolka Bari iyo Raas-Casayr Ayaa Walaac Ka Muujiyay Wadoyinka Degmada Bareeda.

05/08/2026

Dadka Deegaanka Sayn-wayn Tog-barwaaqo Waa Bulsho uheelan iskutashi iyo Wax Wada Qabsi

04/08/2026

Garoonka Ceellaas Waxaa Si Rasmi Ah Looga Furay Koobka Isdhexgalka Xaafadaha Magaalada Ceellaas.

Maanta waxaa si rasmi ah uga billowday Garoonka Ceellaas Koobka Isdhexgalka Xaafadaha Magaalada Ceellaas, oo ah tartan loogu talagalay xoojinta midnimada, isdhexgalka bulshada, iyo horumarinta hibada dhallinyarada.

Koobkan waxaa ka qayb galaya 5 naadi, kuwaas oo ku tartami doona jawi ciyaareed ku dhisan is-xushmayn, tartan hufan, iyo walaaltinimo.

Address

Bosaso

Telephone

+252657348168

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Bareeda News posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share