SBC Somali TV

Directions Website Contact the business

SBC Somali TV SBC is a leading media group in Somalia, operating FM radio, TV, and digital platforms. Established in 2001.

📡 Warbaahinta SBC
SBC waa warbaahin madax-bannaan oo ka kooban Raadiye, Telefishin, Website, iyo Baraha Bulshada, waxaana si joogto ah loo baahiyaa wararka iyo macluumaadka gudaha & dibadda.

🌍 Xarumo ku leh guud ahaan Soomaaliya iyo daafaha caalamka.
📞 Xafiisyada gudaha: +252-907799628

🔗 Ku xidhnow wararkayaga & barnaamijyadayada!

📡 SBC Media
SBC is an independent media network consisting of Radio, Television, Website, and Social Media, delivering news and information from Somalia and around the world.

🌍 We have offices across Somalia and internationally.
📞 Local Offices: +252-907799628

🔗 Stay connected with our latest news & programs!

14/09/2026
14/09/2026

Sheekada wiilkii soo afjaray tuugada u dhacda Jiingadaha & dabaqyada, Qalab ka hortaga dalka Keenay.

Guddoomiye Ku-xigeenka Golaha Sare ee Siyaasadda Beesha Xawaadle, Mudane Maxamed Xasan Ibraahim (Qoono), ayaa hambalyo i...
13/09/2026

Guddoomiye Ku-xigeenka Golaha Sare ee Siyaasadda Beesha Xawaadle, Mudane Maxamed Xasan Ibraahim (Qoono), ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe), kaddib markii uu mar kale ku guuleystay in loo doorto musharraxa JSP ee hoggaaminta Maamulka Hirshabeelle muddo shan sano ah.

Qoono ayaa sheegay in guusha Madaxweyne Guudlaawe ay tahay tallaabo muhiim ah oo la xiriirta sii wadidda hoggaanka iyo horumarka Hirshabeelle. Waxa uu si gaar ah ugu mahadceliyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, taageerada iyo kalsoonida uu u muujiyey Madaxweyne Guudlaawe.

Sidoo kale, Guddoomiye Ku-xigeenka Golaha Sare ee Siyaasadda Beesha Xawaadle ayaa Madaxweyne Guudlaawe ugu duceeyey inuu si hufan u guto xilka culus ee loo igmaday, isla markaana uu horseedo nabad, midnimo iyo horumar waara oo ka hanaqaada Hirshabeelle.

13/09/2026

"Hebal ayaa Madaxweynaha ama Ra'iisulwasaaraha saaxiib la ah waa dhamaatay, albaabkaa wuu soo xirmay"

Madaxweyne Xasan Shiikh.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qaybgalay bandhigga xiritaanka la-xisaab...
13/09/2026

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qaybgalay bandhigga xiritaanka la-xisaabtanka sannadlaha ah ee Wasaaradaha Xukuumadda, oo lagu soo bandhigay natiijooyinka waxqabadka iyo heerka ay ka gaareen fulinta qorsheyaashii loo dejiyay, gaarista bartilmaameedyadii loo asteeyay iyo gudashada waajibaadkooda sannadka 2026.

Madaxweynaha ayaa billado guddoonsiiyay Wasaaradaha Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda, kuwaasi oo kaalmaha ugu sarreeya ka galay qiimeyntii la sameeyay sanadkan, isaga oo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ku abaalmariyay hirgelinta hannaanka danabaysan ee la socodka waxqabadka Wasaaradaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku bogaadiyay Xukuumadda dadaalka ay ku bixisay hirgelinta qorsheyaasha dowladda iyo horumarinta adeegyada bulshada, isaga oo adkeeyay muhiimadda ay leedahay la-xisaabtanka hay’adaha iyo howl-wadeennada dowladda, hufnaanta shaqada iyo in si joogto ah loo qiimeeyo natiijooyinka waxqabadka.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha ayaa ku booriyay Wasiirrada iyo hay’adaha dowladda in natiijooyinka la gaaray ay noqdaan saldhigga lagu sii xoojinayo waxqabadka, laguna saxayo gaabisyada u baahan dardar galinta, si loo xaqiijiyo in qorshayaasha dowladda ay si muuqata uga tarjumaan baahiyaha iyo danta shacabka Soomaaliyeed.

13/09/2026

"Aniga furin cadow baan ka soo qaday qoriga lacag aan leeyahayna waan ku hagaajiyay" Askar loo haysto qori dowladu leedahay oo Maxkamada ka soo muuqday

13/09/2026

Qoyska Wariye Baylood oo dalbaday in la sii daayo wiilkoodda.

13/09/2026

Putin oo ku baaqay in Afrika xubin joogto ah laga siiyo Golaha Ammaanka

Abdirzack Mohamed

13/09/2026

"Wiilkeyga 23-jir ayuu ahaa tooreey ayaa lagu dhuftay, Jaamacada ayuu mar dhaw ka qalin jabin rabay"

Wariye Baakaay oo wiil uu dhalay Xalay lagu dilay Muqdisho.

13/09/2026

Xuutiyiinta Yemen oo Sheegay in Gantaallo iyo Diyaarado Drone ah ay ku Beegsadeen Saldhig Milatari oo ku Yaalla Koonfurta Sacuudiga.

Address

SBC Radio & TV, Jidka Airport-ka U Dhow Jabir Plaza
Bosaso

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when SBC Somali TV posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to SBC Somali TV:

Shortcuts

Share