Al Xayaaat Midical College

Al Xayaaat Midical College Hon Abdirisak Mohamed

CASHIRKII 4-AAD EE BARASHA SHEEYBAARKA■ Microscopical examination of urineHabkaan waa habkii 3-aad ee loobaaro kaadida w...
13/10/2022

CASHIRKII 4-AAD EE BARASHA SHEEYBAARKA

■ Microscopical examination of urine

Habkaan waa habkii 3-aad ee loobaaro kaadida waxaana la adeegsadaa aaladda MICROSCOPE.

Waxyaabaha laga baaro kaadida ayada oo la adeegsanaayo MICROSCOPE waa:

¤ Organisms
¤ Cells
¤ Casts
¤ Crystals

□ Organisms

Organisms macnaheedu waa noole.

Waxyaabaha noolaha ah ee kaadida laga baaro waxaa ka mid ah:
▪ Sperma
▪ Parasite
▪ Fungi
▪ Bacteria

○ Sperma

Sperma ama shahwada waxa eey leedahay shakliga hoos kamuuqda oo qaabka maska leh.

Sperma waxaa lagu arkaa inta badan kaadida dadka lamaanaha ah.

□ Parasite

Parasite ama dariskunoole.

Gooryaanka ugu caansan ee kaadida lagu arko waa schistosoma hematobium.
Dadka kunool meelaha wabiyada leh ayuu gooryaankaan ku badanyahay waxa uuna qofka kasoogalaa oogada waxa uuna raacaa qulqulka dhiiga isaga oo usii gudba kaadi heeysta.

Sida sawirka hoose kaaga muuqata gooryaankaan waxa uu leeyahay mudac waxa uuna dhaawac u geeystaa kaadiheesta waxaana uu sababaa kaadi dhiig (Bilharziasis).

◇ Fungi

Fungi waa noole cudurro kusababa dadka sida cambaarta.
Nuuuca ugu caansan ee lagu arko kaadida dadka waa nuuca CANDIDA.

Dadka qaba sonkorta aadka ah iyo dadka uu difaacoodu hooseeyo waxaa kaadidooda lagu arkaa CANDIDA.

♤ Bacteria

Dadka qaba caabuqa kaadi mareenka ku dhaca ee (urinary tract infection) waxaa kaadidooda lagu arkaa BACTERIA.

◇ CELLS

Cells ama unugyo waxaa jira kaadida laga baaro si caafimaadka qofka loohubiyo.

Unugyada (cells) kaadida laga baaro waxaa ugu caansan:
¤ WBCs
¤ RBCs
¤ Epithelial cells

♡ WBCs

WBCs (white blood cells) ama leukocyte waxaa kale oo looyaqaan markii kaadida lagu dhex arko PUS CELLS.

WBCs markii aad kaadida ka baartid adiga oo adeegsanaya MICROSCOPE waxaa kuusoo baxaaya:

• Normal (2 - 5/ HPF)
• Few (40/HPF
HPF = high power field

WBCs aad u badan oo kaadida lagu arko waxa eey cadeeyneeyaan caabuq kaadi mareenka ah.

♡ RBCs

RBCs (red blood cells) markii aad kaadida ka baartid adiga oo adeegsanaaya MICROSCOPE waxaa kuusoo baxaaya:

• Normal > dhammaad

10/10/2022

CASHAKII 3-AAD EE BARASHADA SHEEYBAARKA.

Waxa aan ku baran doonnaa casharkaan sida loo tabiyo waxyaabaha kuusoo baxo marka aad ku guda jirtid CHEMICAL EXAMINATION OF URINE.
Waxa aan soo qaadaneynaa 5 waxyaabood sida loo tabiyo waxa kaaga soobaxay:

• Leukocyte
• Blood
• Ph
• Protein
• Nitrite

◇ Leukocyte

Strip ka markii aad kaadida galisid oo lagaaro xilliga natiijada Leukocyte waxa kaaga soobaxa 5 taan midkood
• Negative
• Trace
• + (weak)
• ++ (moderate)
• +++ (strong)

◇ Blood

Markii aad kaadida ka baareeysid dhiig natiijada waxa eey noqon kartaa sidaan:
• Negative
• Trace
• + (weak)
• ++ (moderate)
• +++ (strong)

◇ PH

PH waxaa lagu muujiyaa tiro markii latarjamaayo waxa uuna noqonayaa waxaana laqoraayaa tirada hoose tii soo baxda
5.0, 6.0, 6.5, 7.0, 7.5, 8.0, 8.5.

◇ Protein

Protein waxaa lootabiyaa sida tan:
• Negative
• Trace
• +
• ++
• +++
• ++++

◇ Nitrite

Nitrite oo waxa uu yahay aan ku sooqadanay casharadii h**e waxaa lootabiyaa sida tan:
• Negative
• Positive

>> dhammad

Casharka 2-aad ee barashada sheeybaarka.◇ Chemical ExaminationChemical Examination waa in kaadida loobaaro hab kiimikeed...
09/10/2022

Casharka 2-aad ee barashada sheeybaarka.

◇ Chemical Examination

Chemical Examination waa in kaadida loobaaro hab kiimikeed iyada oo la adeegsanaayo urine strip/ dipstick sida sawirada hoose ku cad.

□ Urine strip ama dipstick

Urin strip waa ul eey ku safan yihiin 10 waxyaalood oo hab kiimikeed loo sameeyay ujeedaduna waxa eey tahay in tobankaas sheey kaadida laga baaro.
10 kaas sheey mid ka mid ah hadii uu jiro waxaa dhacaaya isbadal midabka ah colour change.

Urine strip waxa uu ka sameeysanyahay 10-kaan waxyaabood:
▪ Leukocyte
▪ Nitrite
▪ Urobilinogen
▪ Protein
▪ PH
▪ Hemoglobin
▪ Specific gravity
▪ Ketone
▪ Bilirubin
▪ Glucose

● Leukocyte

Leukocyte: waa unugyada cadcad ee dhiigga waxa eeyna jirka ka difaacaan cudurada.
Kaadida oo lagu arko tiro badan oo WBC ah ama leukocyte waxa eey tilmaamayaan caabuq (infection) oo kaadi mareenka ah in uu jiro ( UTI).

● Nitrite

Maadada Nitrite oo xadi badan kaadida laga helo waxa eey muujineeysaa caabuq kaadi mareenka ah oo eey bacteria sababtay.

● Urobilinogen

Beerka marka uu burburiyo maadada Bilirubin waxaa ka dhasha urobilinogen, waxaana kaadida iyo saxarada sooraaca qiyaas yar si eey midabka jaallaha u siiyaan.
Hadaba xadi badan oo Urobilinogen ah hadii kaadida lagu arko waxaa jira dhibaato dhanka beerka ah.

● Protein

Protein badan oo kaadida lagu arko waxaa sababi kara waxyabo badan waxaana kamid ah caabuqa kudhaca kilyaha

● PH

PH (power of hydrogen) waxaa loo adeegsadaa aash*tada kaadida heerka uu la egyahay.
Aash*tada kaadida waxaa loogu talo galay 4.5 ilaa 5.5.
Hadii eey 4 ka yaraato qofka waxaa ku imaanaya kaadi baxsad iyo kaadida oo gubta waxaana badanaa sababa fuuqbaxa saaidka ah macaluusha daran sonkoroowga caabuqyada qaar iyo cuntoonyinka qaar.
PH oo kabata 6 waxaa looyaqan barax qofka kaadidiisu waa biyo saaida waxaana keeni kara dhagaxa kilyaka kudhasha (kidney stones) caabuq kaadi mareenka ah (urinary tract infection) iyo dhibaato kilyaha ka jirta (other kidneys problems).

Al Xayaaat Midical College
Plz &

Casharka 1-aad ee barashada sheeybaarka."urine Analysis"□ Urology: Waa cilmiga barashada kaadida, iyo sida looga baaro w...
08/10/2022

Casharka 1-aad ee barashada sheeybaarka.

"urine Analysis"

□ Urology:
Waa cilmiga barashada kaadida, iyo sida looga baaro walxo muujinaya cudur.
Kaadida waxaa loo baaraa sadex nuuc oo kala ah:
▪physical examination
▪ Chemical examination
▪microscopical examination

1. Physical examination:
Waa baarista kaadida iyadoo la adeegsanaayo indhaha. Waxaana loo qeeybiyaa 4 qeeybood oo kala ah:

• volume
• colour
• clarity
• odor

◇ Volume

Caadiyan qofka waxa uu kadin karaa maali kii 800 ilaa 2000ml ama 2 liter malinkii.
Qofka haduu kadiyo maalinki in ka yar 500ml waxa uu qabaa kaadi yari.
Ilmaha 24-ka saac kaadiya wax kayar 1Liter waxa eey qabaan kaadi yari.

◇ colour
Midabka saxda ah ee kaadida qofka fiyoow waa pale yellow ama jaalle qafiif ah.
Haddii uu xanuun kajiro beerka ama kaadi mareenka waxaa isbadala kaadida.
Cuntoonyinka iyo daawooyinka qaar waxa eey kaadida ka badalaan midabka saxda ah.
◇ clarity
Waa in aad si fiican kaadida u eegta hadii eey nadiif tahay ama mid calow ah amaba eey leedahay saldag.
◇ odor
Kaadida qofka fayoow waxa eey leedahay kar ama ur la wada yaqaan. Hubi in uu jiro ur ka duwan kaas waayo sunta qaar waxa eey badali kartaa urka kaadida.
>>> dhammaad

08/10/2022

Waxaa inoo bilaamaya Casharo ku saabdan Barashada Sheybaarka
✔Urine analysis
✔Hematology
✔Parasitology
✔Serology
ayeey ku qaadaneynaaa i.a

08/02/2020

Ninka aniga ika maarmi kara uma muraad yesho
"Said Qamaan"

05/02/2020

Siyaasiga soomaliga ee maanta garasho maleh ee garaacasho buu leyahay

DURUUSAHA NOLOSHAmarar badan waxaa dhacda in aadan ku qanacsanayn noloshadad  halka dad badan oo dunida ku nooli ku riyo...
05/02/2020

DURUUSAHA NOLOSHA
marar badan waxaa dhacda in aadan ku qanacsanayn noloshadad halka dad badan oo dunida ku nooli ku riyoonayaan noloshan oo kale inay helaan
wiilka beerta jooga wuxuu argaa diyaarad dushiisa maraysa wuxuuna ku riyooda inuu duuliye noqto lakiin pilot ka diyaarada wada wuxuu arkaa beerta quruxda badan wuxuuna ku haminayaa in uu guriga ku soo noqto si nabad ah
Hadii taajir nimadu dahay sirda farxada kuwo badan oo taajiriin ah ayaa ku nolaan lahaa nolol macaan oo aan stress iyo buuq lahayn
lakin kuwa saboolka ah waxa ay guryaha dhisaan ama alaab xamalaan iyaga oo heesaya oo faraxsan
hadii xukunka iyo awoodu xaqiijiyaan amni madax ayaa lugayn lahaa iyaga oo aan ilaalo wadan
lakiin kuwo u nool sida fuduud ayaa casariye iyo cawaays ku qaata maqaayadaha hawada furan iyaga oo kaligood ah
hadii qurux magac keenan xiriir waara
kuwa caanka ah ee heesa ama filimaanda jila ayaa yelan lahaa guurka ugu wanaagsan lakin hada waxay haystaan diwaanka furitaanka ugu badan

hadaba farxada iyo qanacsanaanta nolosha kuma xirna xoolo badan derejo xil muqaal iyo magac ee waxay ku xiran tahay qofku siduu ugu qanacsan yahay halka uu jogo iyo waxa uu ku haysto

05/08/2018

Jiilka soo kacaya

16/07/2017

Address

Bosaso

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Al Xayaaat Midical College posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share