22/02/2026
Maamulka Waqooyi Bari ayaa maanta biyo-dhaamin gaarsiiyey degmada Boocame iyo deegaannada hoos yimaada sida Hadhwanaag, Buro Wadal, Sange Jebiye iyo Boocame.
Gudiga gurmadka abaaraha ayaa deeqdan biyo-dhaanka ah ku wareejiyey gudiyada magaalooyinkaas, si bulshada loogu fududeeyo helitaanka biyo nadiif ah xilli abaaruhu saameeyeen deegaannada.
Madaxweynaha Maamulka Waqooyi Bari, abdiqaadir Axmed Aw Cali, ayaa dhawaan daah-furay qorshahan biyo-dhaaminta,
isagoo amar ku bixiyey in si degdeg ah biyo loo gaarsiiyo meel kasta oo u baahan.
Bulshada degmooyinkaasi ayaa si weyn ugu mahadceliyey Maamulka Waqooyi Bari dadaalka ay ugu jiraan samatabixinta dadka ay abaaruhu saameeyeen.
Biyo-dhaaminta ayaa socon doonta, iyadoo la qorsheeyey in la gaarsiiyo dhammaan deegaannada Waqooyi Bari
Boocame media
Mahdi Rashad Sh Ali
Sheikh Ibrahim Primary School Boocame
Farah Mohamud Secondary School