History magazine

History magazine Historical society

30/05/2025

Qaran jabkii soomalia qofkii baa lajabay.

Muuqaal cinwaankiisu yahay
"Qaran jabkii soomalia qofkii baa lajabay"
Ayaan haddii alle idmo kubaahin doona barteena Facebook History magazine

Sawirro Xafladda xarig jarka masjidka jaamaca ah ee degma xingalolWaxaa maanta oo.ay taariikhdu tahay 29/05/2025 xariga ...
29/05/2025

Sawirro

Xafladda xarig jarka masjidka jaamaca ah ee degma xingalol

Waxaa maanta oo.ay taariikhdu tahay 29/05/2025 xariga Laga jaray masjidka jaamaca ah ee xingalol

Xarig jarkiisa waxaa kasoo qaybgalay culimo iyo wafdi kala duwan oo ka kala timi nugal,bari,karkaar,hayland iyo sanaag

29/05/2025

Ilaaheey ha u naxariisto Dhalinyaradaan dhammaantood wey geeriyoodeen. Iyagoo u tahriibaya Badda Algeria iyo Spain ayey doon kula qalibmatay. Waxaa wararka qaar sheegayaan in Dhalinyaradaan u badnaayeen Puntland, Somaliland iyo Ssc Khaatumo, Doon ay saarnaayeen ayaa waxaa ka badbaaday kaliya labo qof.

Doonni sidday muhaajiriin Soomaali ah oo ka badan labaataneeyo qof, taasi oo muddo ku jirtay Badda Mediterranean-ka ayaa...
29/05/2025

Doonni sidday muhaajiriin Soomaali ah oo ka badan labaataneeyo qof, taasi oo muddo ku jirtay Badda Mediterranean-ka ayaa la heley, iyada oo ay ka badbaadeen laba dhallinyaro ah oo keli ah, sida ay xaqiijiyeen dad ku sugan Spain & Al-geria.

Dhallinyarada qarqoomay ayaa la sheegey in ay badi ka soo jeedeen deegaannada Puntland iyo SSCkhaatumo.

Da'yarta soconaysa ayaa ka tegeysa shaqo la'aan baahsan & rejo la'aanta Soomaaliya.

Three African football legends - Samuel Eto'o, Emmanuel Adebayor and Jay-Jay Okocha - took to the pitch in Somalia for a...
29/05/2025

Three African football legends - Samuel Eto'o, Emmanuel Adebayor and Jay-Jay Okocha - took to the pitch in Somalia for an exhibition match aimed at restoring the country's image.

Innaa Lillaahi wa Innaa Ilayhi Raajicuun.Waxaan ka tacsiyadeenayaa geerida Allaaah ha u naxariistee Gen. Maxamed Siciid ...
28/05/2025

Innaa Lillaahi wa Innaa Ilayhi Raajicuun.

Waxaan ka tacsiyadeenayaa geerida Allaaah ha u naxariistee Gen. Maxamed Siciid Xirsi (Morgan) oo ku geeriyooday Nairobi, wuxuu ahaa masuul usoo shaqeeyay dalka isagoo xilal heer Wasiir iyo heer Ciidan kasoo qabtay Soomaaliya, burburkii kadibna wuxuu doorkiisa ka qaatay dhismihii Dowladda Puntland.

Wuxuu ahaa khabiir xaga amniga ah oo waxbadan kusoo kordhiyay hanaanka Amni ee Somalia iyo Puntland, waxaa u danbeeyay oo uu hadda ka shaqeynayay Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland ee ka socda Calmiskaad, isagoo ka mid ahaa khubarada military ee marwalba talada ku leh hawlgalka .

Waxaan si gaar ah tacsi ugu diraya eheladii iyo qoyskii uu ka geeriyooday, Saraakiisha Ciidanka iyo dhammaan Ciidamada, shacabka Puntland iyo guud ahaan dadweynaha Soomaaliyeed, marxuumka Allaaah janadii ha geeyo inagana dhammaan ha inaga siiyo samir iyo iimaan .

Aamiin.

Dagaal xooggan ayaa laga soo tabiyay aroornimadii h**e ee saakay degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe Dhexe...
16/04/2025

Dagaal xooggan ayaa laga soo tabiyay aroornimadii h**e ee saakay degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe Dhexe ee Soomaaliya, dagaalkan ayaana u dhexeeya ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa deegaanka oo dhinac ah iyo ururka al-Shabaab. Warar kala duwan oo aan si madax bannaan loo xaqiijin karin ayaana kasoo baxaya dagaalkan.

Ciidamada Soomaaliya ayaa magaaladan ka qabsaday ururka al-Shabaab bishii December 2022, xilligaas oo uu socday guluf balaadhan oo ka dhan ah ururka al-Shabaab waana wajigii koowaad ee howlgallada uu hoggaaminaayay madaxweynaha Soomaaliya. Qabsashadaan ayaana ahayd mid muhiim u ah dowladda Soomaaliya.

Waxaa xusid mudan in sanadkii 2016 bishii April 16-keedii ciidamada Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa AMISOM gaar ahaan ciidamada Itoobiya ay magaalada qabsadeen balse muddo kadib ayay ururka al-Shabaab dib u qabsadeen degmada Aadan Yabaal.

Ururka al-Shabaab ayaa degmadaan gacanta ku hayay muddo dheer ka hor intayna kala wareegin Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya dabayaaqadii sanadkii 2022

Xorreynta degmadaan oo ahayd mid muhiim u ah gulufkii uu madaxweynaha Soomaaliya ku dhawaaqay kadib markii dib loogu doortay xilka madaxtinnimo sanadkii 2022 ayaa waxaa qeyb weyn ka qaatay ciidamada deegaanka ee "Macawiisleey" kuwaas oo ka barbar dagaallamay ciidamada dowladda Soomaaliya.

Dib u qabsashadan ayaana ahayd mid dowladda Soomaaliya iyo ciidamada deegaanku si weyn ugu taamayeen iyada oo degmadani ururka al-Shabaab ahayd degmo muhiim u ah halka ay dhacdo owgeed. Waxay degmadani dhanka bari ka dhacdaa caasimadda Muqdisho meel u jirta 220km, waxayna ku taallaa xadka ay wadaagaan gobolka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Maanta ayay degmadu markale ku waaberiisatay weerar la sheegayo in ay soo qaadeen ururka al-Shabaab – waxaa la werinayaa oo aan si madax bannaan loo xaqiijin karin in taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya Odowaa Yuusuf Raage uu ku sugnaa degmada Aadan Yabaal waxaa sidoo kale la sheegay in guddoomiyaha Maxkmaadda Derajada Koowaad ee ciidamada G/Sare Xasan Cali Nuur Shuute uu isna ku sugnaa isla magaaladaan.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa booqday isla degmadan Aadan Yabaal 18-kii bishii Maarso ee sanadkaan, intuusan ka bixin magaalada Muqdisho Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka badbaaday qaraxa kaas oo dhacay xilli madaxweynuhu kasii baxayay magaalada kuna sii jeeday ciidamada dagaalka kula jira al-Shabaab ee ku sugan gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa labaduba sanadkan dhexdiisa booqday kadib markii ururka al-Shabaab laga qabsaday degmaadan.

Illaa hadda ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkan dhacay, dowladda Soomaaliyana wax war ah kamasoo saarin dhacdadaan. Qoraal la sheegay in uu kasoo baxay ururka al-Shabaab balse ayna BBC-du xaqiijin karin ayaase muujinaya ururka oo sheeganaya in ay qabsadeen magaalada.

Muuqaallo ayaa sidoo kale baraha bulshada lagu baahiyay kuwaasoo muujinaya gaadiid dagaal oo ay leeyihiin ururka al-Shabaab oo dhex socda meel lagu sheegay in ay tahay magaalada, walow iyaguna ayna ahayn kuwo si madax bannaan loo xaqiijin karo.

Mid kamid ah sababaha illaa hadda aan loo xaqiijin karin xaaladda saxda ah ee magaalada ayaa ah in isgaadhsiinta degmada Aadan-Yabaal ay go'antahay oo khadka caadiga ah ee wicitaanka taleefanku uusan shaqaynaynin.

12/04/2025

Madaxwaynaha jamhuuriyadda soomalia mudane xasan shiikh maxamuud oo la waydiiyay safarka raysal wasaaraha somalia xamse cabdi barre uu ku tagay magaalada laascaanood ee maamulka khaatumo ayaa sidan kaga jawaabay.

"Sababta ugu wayn "main reason" uu doonaayo raysal wasaaruhu waa inuu raadinayo xal u helka local conflict" sikale hadaan udhoho khilaafaadka jira.

Laascaanood April -12-2024 Raysal wasaaraha soomalia mudane xamse cabdi barre oo safarkiisa lasugaayay ayaa gaaray magaa...
12/04/2025

Laascaanood

April -12-2024
Raysal wasaaraha soomalia mudane xamse cabdi barre oo safarkiisa lasugaayay ayaa gaaray magaala madaxda SSC khaatumo, halkaasoo si diiran loogusoo dhaweeyay raysal wasaaraha

Laascaanood maanta waxay u tahay maali taariikhiya,

History magazine

10/04/2025

Dhammaadka qofka aad hammi badan siiso
😥❤️

Xornimadii Soomaaliya: Lix dhacdo iyo 60 kii sanno ee la soo dhaafay Waxaan qodob qodob udul istaagi doona lixdaa qodob ...
10/04/2025

Xornimadii Soomaaliya: Lix dhacdo iyo 60 kii sanno ee la soo dhaafay


Waxaan qodob qodob udul istaagi doona lixdaa qodob hab muuqaala insha allah kala soco

History magazine follow page

Address

Bosasso

Telephone

+252907876891

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when History magazine posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to History magazine:

Share