Bosaso Online

Bosaso Online Ugu imow warar Xaqiiq ah iyo dhacdooyinka caalmka Bosaso Online.

25/10/2023

“Puntland waxay aragti cad ka leedahay Tubta loo marayo dhamaystirka hananka federalka dalka.” Deni.

25/10/2023

: Hal qof oo shacab ayaa ku geeryooday iyo dhaawac hal askari oo boolis ah kadib israsaasayn ku dhex martay Bartamaha magaalada Ciidamo ka tirsan PSF iyo kuwa Boooliska.

23/10/2023

: Madaxweynihii h**e ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole ayaa ka hadlay xaalada Puntland soona dhowayayna Shirka Qaar kamid ah isimada Puntland uga socda Garoowe.

 : Dhamaan Isimadan ayaa ka maqan Shirka isimada ee ka socda Garoowe.Side u aragtaa in Isimada oo dhan ay ka maqnaadaan ...
23/10/2023

: Dhamaan Isimadan ayaa ka maqan Shirka isimada ee ka socda Garoowe.

Side u aragtaa in Isimada oo dhan ay ka maqnaadaan Shirkaas, Ma noqonaya Shir ay u dhan yihiin isimada Puntland.?

 : Wasiirka Qorshaynta Puntland Maxamed Siciid Faroole ayaa weerer ku qaaday isimada ku shirsan Garoowe ayaa yidhi:” Isl...
23/10/2023

: Wasiirka Qorshaynta Puntland Maxamed Siciid Faroole ayaa weerer ku qaaday isimada ku shirsan Garoowe ayaa yidhi:” Islaan Ciise Ninkii aan u baahnayn isna uma baahna Nugaalna uma baahna.”

14/02/2023

Garaad Cabdikariin Cali Nuur ayaa ka hadlay xaalada laascaanood:" Inta ciidamada soomaaliland joogaan Goojacade adhicadeeye ama guumays suurtagal maahan in xabadi istaagto."

13/02/2023

: Muuqal argagax leh oo laga duubay guri uu madfac ku dhacay kaas oo ay ciidamada soomaaliland adeegsanayaan.

13/02/2023

Laascaanood ayaa caawa dagaal xoogan uu ka socda iyada oo ciidamada soomaaliland ay BMka iyo Hobiyaasha ku garaacayaan magaalada oo ay tahay habeen xili danbe.

Askari ka tirsan Ciidamada Badda Puntland ee PMPF laguna magacaabo Cabduwali cali siciid ayaa sheegay in uu Muddo la dhi...
01/02/2023

Askari ka tirsan Ciidamada Badda Puntland ee PMPF laguna magacaabo Cabduwali cali siciid ayaa sheegay in uu Muddo la dhibtoonaayay dhaawac ku soo gaaray Deegaanka Balikhadar ee Gobolka Bari oo ah goob ay ciidamada Badda Puntland degan yihiin halkaas oo difaac loogaga jiro Al shabaab iyo Daacish.

Cabdiwali ayaa sheegay in uu waayay dhamaan Xuquuqdii uu lahaa taas oo keentay in uu noqdo naafo ciidamadii uu katirsanaa uu ka waayay wax xuquuq ah iyo in caafimaadkiisa si dhamaystiran wax looga qabto hadii ay ahaan lahayd dalka gudihiisa iyo dibadaba.

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay in si cad loogu sheegay in uu u dhaawacmay reerkiisa oo uusan u dhawacmin difaaca Dowlada Puntland.

Sido kale wuxuu sheegay in uu dhamaan la hadlay Saaraakiisha kala duwan ee ciidamada PMPF iyaga oo si iskuwada af ah ugu sheegay in agaasimaha uu dhamaan kansalay.
Sido kale wuxuu isku dayay in uu lakulmo agaasimaha balse uu Xoghayaashasii u sheegay in aan wax ciidan ah loo soo dayn karin taasin ay ii diiday in aan la kulmo agaasimaha Dhibka aan qabona aan u sheego.

Askariga oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in ay dhacdadan aysan kaligii ku dhicin ay haysato dhamaan ciidamada PMPF isaga sheegay in ciidamada Marka ay soo dhaawacmaan aysan helin daryeelkii xiliga ay u baahan yihiin gargaar caafimaad ayaa lagu xujeeyaa in ay reerkooda wacdaan taasina ay keento in uu u geeryooday dhaawicii soo gaaray.

Cabdiwali ayaa sheegay in ay Agaasimayaashii h**e ee PMPF ay soo booqan jireen furimaha dagaalka iyo dhamaan xaaladaha ciidamada iyo sido kale in ay tabashadooda ka qaadi jireen si ay wax loogu qabto, Balse agaasimaha hadda jooga uu san wax war ahba u qabin ciidamda qarkayagana aysan dadka ka aqoon agaasimaha.

Aragtidaada.

25/01/2023

: Wadoyin halbowla u ah ayaa dowladu saaka waabarkii ay xidhatay iyada oo wali ay qaarkood xiran yihiin dadka shacabka ahna ay dhib ku qabaan.

Wadooyinka Qaarkood Dadka looma ogola xita in ay lugeeyaan si ay u aadan Goobahoodii shaqada iyaga oo ciidamadu ay taagan yihiin Guryaha iridkooda loona sheegay in ay xaroodaan ayna soo bixin.

Sido kale dadkii Masaakiinta ahaa ee kalihi jiray si ay u soo helaan Qutul yoomkooda oo isugu jiray Naafi iyo Muruq maal ayaa maanta meel ku ogayn wixii ay cuni lahaayeen Dowladuna ay ku tacadiday Dadkaas.

Mayarkii h**e ee Degmada Bosaso Cabdisalaan Bashiir ayaa ku biiray Urur siyaasadeedka Sincad iyada oo uu ku soo dhoweeya...
14/01/2023

Mayarkii h**e ee Degmada Bosaso Cabdisalaan Bashiir ayaa ku biiray Urur siyaasadeedka Sincad iyada oo uu ku soo dhoweeyay Guddomiyaha Ururka.

Cabdisalaan Bashiir ayaa horay uga tirsanaa Golaha Dhexe ee ururka Kaah.

11/12/2022

Waalidinta ay ka maqan yihiin ciidamada eretariya ku sugan oo sheegay in madaxaweyna xasan shiikh uu horay u dhihi jiray waa la iibsaday dhalinyaradaas balse hadda yaa iibsaday...

Address

Jidka Sodonka
Bosasso

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Bosaso Online posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share