24/08/2025
Daacishta soo gashay buuraha Cal Miskaad Puntland waxay ahaayeen koox si weyn uga kooban ajaanib sida Carab badan qaar badan oo Afrikaan ah, xitaa xubno ka yimid Yurub iyo Latin America.
Guulaha ciidanka Puntland ayaa muujiyay in buuraleyda Calmiskaad lagu qabtay dukumeentiyo muhiim ah oo muujinaya xubno ka socda dalal fog sida Argentina oo waddan 100% Masiixiyiin ah, taas oo Caddaynaysa in fikirka Daacish aanu ku koobnayn Bariga Dhexe oo keliya, balse uu ahaa mashruuc caalami ah oo Cal miskaad soo fariistay oo ah buuro qalafsan.
Puntland, oo ah state yar oo Soomaaliyeed, ma lahayn awoodaha dhaqaale iyo milatari ee dawladaha waaweyn sida Maraykanka ama Ciraaq oo 2015 magaalada Mosul kula diriray Daacish iyadoo la adeegsanayo diyaarado dagaal, hub casri ah iyo taageero caalami oo 33 wadan ah waliba soo diray ciidankooda dhulka gaaraya 81000 Askari.
Laakiin Puntland waxay baratay casharro muhiim ah in awood ciidan oo deegaanka ah, xog uruurin sirdoon, iyo farsamooyin cusub la adeegsan karo si argagixisada caalamiga ah looga hortago.
Kooxaha Daacish ee Puntland waxay isku dayeen inay keenaan hub casri ah oo ay ku jiraan FPV drones laga soo xaday suuqyada caalamka, qaarna loo keenay si qarsoodi ah oo lagu sameeyay reverse engineering .
Laakiin ciidanka Puntland waxay ku jawaabeen iyaga oo helay qalab cusub oo jammer ah kaas oo awood u leh inuu curyaamiyo drones-ka cadowga.
Tani waxay ahayd talaabo muhiim ah oo ay muujisay in Puntland ka gudubtay heerkii dagaal dhaqameedka (qabiilo ) oo keliya, kuna tallaabsatay dhanka tiknoolajiyada la dagaalanka argagixisada iyadoo dagaallada dambe cid kasta Puntland ku soo qaada dagaal argaxiso ama reerooyin kale cashar aysan horay u arag ay la kulmayaan.
Intii lagu guda jiray dagaallada, Puntland waxay cagta marisay Daacish ilaa 97%.
Goobaha buuraleyda ee Daacish ku dhuuman jirtay ayaa hadda noqday meel uu ciidanku ka taliyo, iyadoo inta yar ee hartay lagu wado qorshe xeeladaysan oo Aaan habeen h**e halkaan ku daabacay dagallada ceelasha maraagaale iyo Yurcin.
Waxaa sidoo kale dagaalka Daacish Puntland ahaan lagu bartay miino-baarka farsamo ciidan oo la xiriirta xeeladaha la dagaalanka maleeshiyaadka buuraha ku dhuumaaleysanaya.
Guusha ugu weyn waxay ahayd dhismaha guutooyin jug culus oo si gaar ah loogu tababara tusaalaha u wayn wiilasha loogu jecel yahay buurta ee kuwaas shaqadoodu tahay in ay wajahaan ka hor tagaan kooxaha daacish ee qaraxyada iyo dagaallada jihooyinka badan ah. Guutooyinkan waxay noqdeen laf dhabarta dagaalka waxayna soo bandhigeen in awood ciidan oo gudaha ahi ay ka adkaan karto argagixisada caalamka ugu timaadda xuduudaha caalamiga.
Marka la eego guusha Ciidanka Puntland waxay tusaale u yihiin in xitaa state yar oo aan lahayn awood dhaqaale ama siyaasadeed oo weyn uu ka guulaysan karo argagixiso ajnabi ah waayo waxaa jirta isku duubni ciidan, sirdoon iyo hal-abuurnimo technology oo Sida Mosul loogu xoreeyay dagaal culus 2015 ayaa buuraleyda Calmiskaad-na waxaa laga xoreeyay Daacish.
Balse farqiga ugu weyn ayaa ah Puntland waxay taas ku gaartay iyadoo aan lahayn taageerada dhaqaale iyo militariga quwadaha waaweyn marka laga reebo duqayn yar Maraykanka ina siiyo xoogaa taageero ah uae 🇦🇪 ka timaada.
Guushaasi waxay Puntland u furtay fursad cusub in mustaqbalka la sii horumariyo awoodaha ciidan ee deegaanka, lana yeesho qalab casri ah sida jammer-ka, farsamooyinka ka hortagga isqarxinta, iyo guutooyin ku takhasusay ka hortagga argagixisada.
Waxaana shaki ku jirin in Puntland ay muujisay in dagaalka ka dhanka ah argagixisada caalamiga ah uusan ku xirnayn kaliya dawladaha awoodda leh, balse xitaa meel yar oo dunida ka mid ah ay guul weyn ka gaari karto.
W/Q Amiin Guled