GOLOL intelectual inc

GOLOL intelectual inc WAA WARBAAHIN KA HADASHA XAQIIQADA KA JIRTA GEESKA AFRICA

Xikmadaha laga diiwaan geliyay Sheekh Mustafe Xaaji Ismaaciil qaar ka mid ah.1- " Aqoonyahanku wuxuu aqoonyahan yahay ma...
01/10/2022

Xikmadaha laga diiwaan geliyay Sheekh Mustafe Xaaji Ismaaciil qaar ka mid ah.

1- " Aqoonyahanku wuxuu aqoonyahan yahay markuu Rabbigiina yaqaano , Aakhirana yaqano addunkana uu isbedel ka samayn karo".

2- " Dhalasho wacan markaan leenahay taas macnaheedu waa sanad baan xabaasha u dhawaaday taasi ma wax lagu farxa".

3- " Inaad noqoto qof hami leh, han leh, hiigsi leh, oo hiraal u muuqdo waa lagama marmaan".

4- " Dad baa dibadda ka qurux badan, guriga markay soo galaana bahal ah , qofka aad nolosha isku darsateen iyo caruurtaad dhashay inaad ku xumaato, dibadana nin fiican oo laga yaqano hebel la yiraahdo noqotid wax fiican ma aha".

5- " Dunida dadka isdila iyaga ugu badan reer galbeedku, meeday barwaaqaada ay sheegaayaan " ?

6- " Aqoonyahanku haduu noqdo qof la iibsan karo suldanadu iiibsan karto, dawladuhuna laaluushi karaan, kaasi aqoonyahan ma aha ".

7- " Gool baa la dhaliyeey maxay noloshaada ku soo kordhisay. "

8- " In Hooyo la noqdaa waxay ka Qurux badan tahay inaad noqoto injineerad ".

9- " Nin walba qabiilkiisa inta la dulmiyay buu ogyahay, laakiin se ma oga intay dulmiyeen ee aay Aakhiro u direen ".

10- " Quraanka haddii aad akhrido, qof Rabigii u waramaayo ayaad tahay bal qiyaas Rabigaa oo kula hadlaaya oo ku waramaaya ".

11- " Luuqada soomaaliyeed waa af Muslim, waa af diin iyo dadnimo ba xambaarsan ".

12- " Meesha Qiimaha leh ee u baahan inaan u shaqaysano waa Aakhiro ".

13- " Haddaad rabto dadka in caqligoodu ku aqbalo, waxa ka h**eeya qalbigooda inaad furto qofkaad qalbigiisa furi kari weydana caqligiisana ma furi karaysid, qalbigana waxaa lagu furaa jacayl, naxariis iyo hadal wanagsan ".

14- " Waxa laga yaaba inad saacado badan ku bixiso iskuulka, intaad is leedahay yaad saaqidin ee waxbaro, oo ka warran maalinta qiyaame haddaad saaqido maalinta aan saaqidnimo ka weyni jirin ".

15- " Dadka kuwa ugu hantida badan
Aya ah kuwa ugu hurdada yar ".

16- " Hadday jannadu tahay meesha qofka loogu nimceenayo, caddabtuna ay tahay meesha qofka lagu ciqaabayo, Addunyaduna waxay tahay meesha qura ee laysku imtixaamayo ".

17- " Ilmaha inaad Guri uga tagto waxa ka qiimo badan inaad Diin uga tagto, inaad dhaqaalo u samayso waxa uga qiimo badan inaad isaga qof ka dhigto jira oo nool oo Muslim ah. Haddii uu qof Muslim ah noqdo oo Naftiisa ku kalsoon meel uu seexdo iyo wax uu cuno isagaa raadsanaayo ".

18- " Jaamacad baan ka baxay, shahaadaan qaatay, shaqo fiican baan helay war waad tagaysaaye waxaas oo dhan waa maalmo, maalin ama maalin badhkeed ayay nolosha oo dhan kula noqon marka qiyamaha lagu weeydiyo, oo nolosha ma maalin badhkeed bad dooratay marka ".

19- "In xaafad kasta laga dhiso toddoba Masaajid oo aan qaar-kood cidi ku tukan waxaa dhaanta adoo dhisa wado dadku maro, oo ka gaadhiga wata aanu gaadhigu kaga jabin ka maskiinka ah ee lugaynaayana aanu ku dhibtoon ".

20- "Islaamnimada wax mucaarad la yidhaahdaa kuma jirto, Islaamnimada waxa ku jira xaq iyo baadil, wixii xaq ah in aad taageertaa waa waajib wixii baadil ahna in aad ka soo horjeesataa waa waajib

27/12/2021
27/12/2021

Ra’iisul Wasaare Rooble “Ujeeddada Farmaajo waa in carqaladeeyo doorashada dalka ka socota si uu xafiiska ugu sii joogo si sharci darro ah “.

(8)Marka laga yimaado saddexda bad-wayn ee dunida ku yaal, baddan waa dhulka ugu weyn oo ay biyo fadhiyaan. Muranka ugu ...
13/12/2021

(8)

Marka laga yimaado saddexda bad-wayn ee dunida ku yaal, baddan waa dhulka ugu weyn oo ay biyo fadhiyaan. Muranka ugu xooggan ee baddan wuxuu fadhiyaa jasiiradaha lagu magacaabo Spratly Island oo ku firirsan koonfurta bartamaha baddan. Dhulka ay ku firirsan yihiin jasiiradahan wuxuu ka badan yahay 1,4 melyan oo mile sedjibke. Macnaheedu wuxuu yahay 1,5 jeer ayay ka wayn-tahay badda Mediterranean. Waa degaan dabiicad qurxoon oo ay ku badan yihiin noocyada xamaaratada iyo shimbiro-badeedyada. Biyaha jasiiradahan waxaa ku nool noocyo kalluun ah, kuwaas oo ayniyadooda lagu sheegey 3048 jaad oo kala duwan. Tiro 2321 jaad oo kalluunkaas ah lagama helo meel aanan ahayn biyaha jasiirahan. Waa degaanada keliya oo ayan dadku si joogto ah ugu nooleyn.

Dagaalkii II-aad hortiis waxaa ku dagaalamayay xoogaggii waawaynaa ee dunida ku hardamayay (Fransiis, Ingiriis iyo Jabaan). Maanta waxaa loo aqoonsan yahay degaanada dunida kuwooda muranku ka taagan yahay (Territorial Depute). Waa ay adag tahay in lagu heshiiyo waayo waa jasiirado sida loo kla qabsadey ay isku-dhex-yaacsan yihiin. Ciidamo oo keliya ayaa dowlad walba u ilaasha inta ay sheeganayso. Khilaafka xooggaas le’eg wuxuu sababay in degaanka jasiiradahan uu lix magac yeesho. Jasiiraduhu waa kuwo tira-badan, laakiin lahaanshahoodu ay isku dhex-yaacsan yihiin. Tusaale-dhig, Flat Island oo ah jasiiradda dhanka bari u xigta ayaa waxaa milkiyaddeeda leh Filibiin. Waxaa koonfur ka xigta jasiiradda Nanshan Island oo ay Shiinuhu leeyihiin. Shan jasiiradood oo dhaca koonfur-galbeed waxaa leh Vietnaam. Waxaa xiga laba jasiirad-gacmeed oo ay leeyihiin Shiinaha. Gadaalkooda waxaa ah jasiirado ay Vietnaam leeyihiin. Jasiiradaha badan oo bartamaha dhaca waxaa kamid ah Itu-Aba Island oo ay leedahay Taiwaan. Bariga waxaa ka xiga saddex jasiiradood oo ay Vietnaam leedahy. Koonfurna waxaa ka xiga laba jasiirad-gacmeedyo oo ay Shiinuhu leeyihiin. Afar jasiiradood oo koonfurta dhaca waxaa leh Brunei. Kor iyo hoos waxaa ka xiga jasiirado ay Vietnaam leedahay. Sidaas ayay jasiiraduhu isugu qasan yihiin.

Jasiiradahan qaarkood ma dhaafsiisna buur qura oo badda ka dhex-tagan. ahmiyadda ay leeyihiin waxaa kamid ah meesha ay kaga dhacaan baddan iyo sida ay u firirsan yihiin. Sidaa darteed, ayaa jasiiradahan iyo badda ay dhacaan waxaa loo aqoonsanaa degaan carri-edegeed oo u dhexeeya aadamiga ku nool dhulka. Arinkaas waxaa diiddan damaca dowladaha ku weegaaran. Xiisadda degaanku waxay bilaabatey sanadihii 1970-meeyadii. Vietnaam ayaa markii ay midowdey oo gobolkii Koonfurta uu raacey gobolka waqooyi, dowladdu waxay qabsatey saddex jasiiradood oo soo xigey. Waxay ka hor-dheceysey in Shiinuhu uusan kaga habsan. Saddexduba waxay ahaayeen kuwo raacsanaa dalkii la oran jirey koonfurta Vietnaam. Jasiiradda Taiwaan ayaa iyada waxay baaqi ku ahaatay jasiiradda la yiraahdo Itu-Aba, taas oo uu Jabaanku ka talin jirey.

Wixii ka danmbeeyey xilligaas, lixda dal ee biyahan ku weegaarsan ayaa ciidamadooda ay kala qabsanayeen jasiiradaha. Sanadkii 1976-kii, ciidamada Filibiin ayaa waxay qabsadeen toddoba kamid ah jasiiradaha, iyaga oo garoon dayuuradeed ka dul-dhisatay jasiiradda (Pagasa Island) oo dhacda bartamaha badda. Sheegashada Flibiin ee jasiiraddan, waxaa goor-danbe ku diidey Shiinaha oo u aqoonsan in ay tahay jasiirad Shiino leeyahay. Sanadkii 1982-kii, waxaa bilowdey dhaqan-gelidda heshiiska qolfoofka badaha ee heer carri-edeg (UNCLOS III). Waddamada leh badaha furan waxay xaq u yeesheen hantida dhaqaale ee yaal xuduud-biyood gaaraya 370 km. Waa heshiiska loo yaqaan EEZ (Exclusice Economic Zone). Shiinaha oo isha ku hayay biyaha baddan, ayaa sanadkii 2014-kii, wuxuu bilaabay in uu sheegto xuduud fog ee biyaha baddan. Taasi waxay ka danbeysey markii ay biyaha badda ka dul dhisaan jasiirad-gacmeedyo (Artificial Islands). Waa degaano badda bartameheeda laga dhiso kadib markii biyaha laga buuxiyo ciid iyo dhagxan. Waxay dhismaha la eegteen meelo istraateeji ah.

Jasiirad-gacmeedyada ay Shiinuhu ka dhisteen baddaas lagu muransan yahay, illaa iyo hadda waa toddoba. Meelo istraateeji ah oo ay wax ka ilaashadaan ayay dhacaan.
Waxaa kamid ah jasiiradda lagu magacaabo (Fiert Cross Reef) oo dhacda afaafka h**e ee jasiiradaha yaacsan (Paracel Island). Waxaa halkaas laga dhisey xarun lagala socdo dhaqdhaqaayada ka socdo jasiiradaha iyo guud ahaa koonfurta badda. Waxaa kale oo jaseerad-gacmeedkan laga dhisey garoon dayuuradeed oo ay adeegsadaan ciidamada Shiinaha. Jasiiradda lagu magacaabo (Ocean Flowers Island) ayaa iyana kamid ah dhul-badeedka Shiinuhu dhisteen. Jasiiraddan waxay iyana dhacdaa waqooyiga dhulka jasiirad u-egta ah ee lagu magacaabo (Yangpu Peninsula) ee ku wajahan Vietnaam.

tifaftire: Dr.mohamed jafe

(7)Colaadda ka aloosan badda Shiinaha ee koonfureed ee u dhexeysa Mareekanka iyo Shiinaha waa mid xiriir la leh cidda xa...
10/12/2021

(7)

Colaadda ka aloosan badda Shiinaha ee koonfureed ee u dhexeysa Mareekanka iyo Shiinaha waa mid xiriir la leh cidda xaqa u leh biyaha baddan iyo cidda gacan-sareynta ku leh. Intuusan Mareekanku soo gelin fagaaraha, Shiinuhu waxay biyahan ku muransanaayeen dowladaha xeebaha ku leh. Murankaas wuxuu bilowdey dagaalkii II-aad dabadiis, markaas oo ay is-beddeshey naqshaddii joqraafiga dowladaha dhaca bariga-fog. Dagaalka hortiis, dowladda Jabaan ayaa waxay ahayd xoogga ka arimiya gobolka. Laakiin markii uu dagaalkii dhamaadey oo laga adkaadey Jabaan iyo garabkii xulufada la ahaa, degaanka bariga-fog waxaa ka curtey xoog cusub, kaas oo ah Shiinaha.

Waxaa xusid mudan, dagaalkii II-aad hortiis Jabaanku in uu gacanta ku hayay Kuuriyada-Waqooyi, Kuuriyada-Koonfureed, Taiwaan iyo jasiiradda Karafuto (koonfurta Sakhaliin) oo Ruushku leeyahay. Waxay xoog ku qabsadeen Filibiin, Maleesiya, Singabuur, Brunei, jasiiradaha dhaca waqooyiga Australia iyo waddamada Indo-shiina (Kambojiya, Laos iyo Vietnam). Waxaa kaloo ay qabsadeen gobollada dhaca bariga dalka Shiinaha iyo jasiiradaha xeebta ku teedan. Weerarka Jabaan wuxuu gaarayey gebi ahaan jasiiradaha bad-waynta Baasifiga, illaa uu weeraray saldhigii ugu weynaa ee ciidanka badda Mareekanka uu ku lahaa Baasifigga (Pearl Harbor). Awoodda intaas le’eg oo Jabaanku la soo baxay wuxuu ku baabi’iyey dagaalkii. Dabayaaqadii dagaalka, markii bambo-curiyeedka (Atomic Bomb) lagu dhuftey labadiisii degmo oo wax soo-saarka lahaa (Hiroshima & Nagasaki), Jbaanku waa ay is-dhiibeen. Wixii maantaas ka danbeeyey xooggii Jabaan wuxuu ku ekaadey xeebihiisa.

Waxaa degaanka ka curtey xoog cusub oo Shiinaha ah. Iyagu waxay markiiba indhaha ku qabteen biyaha badda koonfurta ee Shiinaha, taas oo ay xeebta ugu dheer ku leeyihiin. Iyagu waxay garanayeen ahmiyadda ay biyahan u leeyihiin istrateejiyadda siyaasadeed, midda dhaqaale iyo midda amni ee dalkoosa. Laakiin waxaa kale oo iyana jira dowlado madax-bannaani qaatey oo qudhoodu xeebo ku leh baddaas. Dowladahaas oo ay kamid yihiin Indoniisiya, Maleesiya, Filibiin, Vietnaam, Burunai iyo Tailand, ayaa mid walba ay dhankeeda ka dooneysey in ay qayb libaax ka hesho xuduud-biyoodka ee baddan.

Dowladahan dhamaantood waa kuwo ku guuleystey koboc sare ee dhaqaale iyo teknolojiyad. Goortii mid walba ay tartan u gashay in ay baddan ka hesho xuquuqda ugu wayn oo ay heli-karto, waxaa halkaas ka curtey khilaaf gaarsiisan in qaar kamid ah ciidamadoodu ay dagaalamaan. Shiinaha oo curad ka noqdey degaanka wuxuu goor h**e bilaabey in uu ku habsado meelaha istrateejiga ah ee baddan. Sanadkii 1947-kii, Shiinha wuxuu soo-saarey bayaan muujinaya in ay xaq u leeyahay in biyahan ay dusha ka ilaaliso. Si gaar ah waxaa damac kaga jirey laba kooxood oo jasiirado taxan ah, kuwaas oo la-kala yiraahdo (Pracil Island & Spartly Island). Waxay dhacaan bartamaha iyo koonfurta baddan. Jasiiradahan waqooyiga waxaa kaga aaddan jasiiradda Hongkong iyo Taiwaan, kuunfurta waxaa kaga beegan Brunei iyo Maleesiya, bariga waxaa ka xiga Flibiin, galbeedkana Vietnaam.

Shiinaha waxaa markiiba arinkaas ku qabsadey waddamo afar ah. Iyagu waxay ahaayeen Taiwaan, Flibiin, Maleesiya iyo Brunei oo mid waliba ay sheegatey in jasiiradaahaas ay iyadu leedahay. Colaado gacan ka hadal ah oo khilaafkaasi uu sababay waxaa ugu weyn dagaal dhex-maray Shiinaha iyo Vietnaam. Goor uu dalka Vietnaam uu midoobey (waqooyi iyo koonfur), ayaa sanadkii 1974-kii Shiinuhu wuxuu weerar ku qabsadey jasiiradihii taxnaa ee Pracil Island. Waxaa halkaas ka dhacay weerar xuduudda dhulka ah ku dhex-maray labada dal. Mar-kale sanadkii 1988-kii ayaa Shiinaha iyo Vietnaam waxaa dagaal ku dhex-marey jasiiradaha taxan ee la yiraahdo Spratly. Mar kale ayaa Vietnaam lagaga adkaadey dagaalkii. Sanadkii 2012-kii ayaa Shiinaha iyo Flibiin uu dagaal ku dhex-maray bartamaha biyaha baddan dusheeda. Mid walba wuxuu markaas sheeganayay in xuduud-badeedkiisii lagu soo xad-gudbey.

Isla-sanadkii 2012-ka, bannaan-baxyo waaweyn ayaa ka dhacay dalka Vietnaam. Dad-waynaha dalkaas ayaa Shiinaha waxay ku eedeynayeen in ay si ula-kac ah u kharibeen laba saldhig lagala socdo xogta dhaqdhaqaaqa ka socda badda. Sanadkii 2014-kii, Shiinuhu waxay bilaabeen in ay shidaal ka sahmiyaan meel u dhow jasiiradaha Pracil. Taasi waxay dhalisey in dhowr jeer ay isku dhacaan maraakiib ay leeyihiin Shiinaha iyo kuwo ay leeyihiin Vietnaam. Dhacdooyinkaas dhamaantood maahayn kuwo daboola akhbaarta caalamiga ah. Laakiin xiisaddii biyahan waxay soo if-baxdey markii nin meel fog ka yimid uu ku soo biirey cayaartii socotey. Ninkaas oo awooddii Shiinaha ku ciriiri geliyey degaanka.

tifaftire:dr.mohamed jafe

(6)Tirada dadka isu-soo baxay ee bannaan-bixii fagaaraha Tiananmen wuxuu gaarey hal melyan oo qof. Waxaa ka qayb-qaatey ...
07/12/2021

(6)

Tirada dadka isu-soo baxay ee bannaan-bixii fagaaraha Tiananmen wuxuu gaarey hal melyan oo qof. Waxaa ka qayb-qaatey ururo iyo dad-wayne badan. Waxaa ururada kamid ahaa Is-bahaysiga madaxa-bannaan ee Ardeyda Bekiin, Isbahaysiga Madaxa-bannaan ee Shaqaalaha Bekiin, Ardeyda jaamacadaha, shaqaalaha wershadaha, mucaaradka u dooda demoqraadiyadda, Is-beddel-doonka. Waxaa kale oo ka qayb-galey dad-wayane badan oo ku dhaqan magaalo-madaxda iyo kooxaha taageersan madax-bannaanida Taiwaan. Iyada oo bannaan-bixii Tiananmen uu socdo ayaa waxaa booqasho ku yimid dalka hoggaamiyihii Midowga Soofyeeti. Waxay ahayd saddexdii maalmood ee u dhexeysey 15 – 18/ 5- 1989-kii, marka uu Mikhail Gorbachev uu soo booqdey Bakiin. M. Gorbachev wuxuu ahaa ninkii kala direy dowladihii shuuciyiinta ahaa, sidaa-darteed socdaalkiisii waxay rajo gelisey dad-waynihii bannaan-baxayay. Laakiin nasiib-darro ayaa dhacdey oo waxba kuma kordhin rajadoodii.

Madaxdii xisbiga shuuciga ee Shiinaha waxay isku deyeen in ay wada-hadal u furaan xubnaha hoggaaminaya bannaan-baxa. Laakiin wax mira-dhal ah waa yeelan waayey. Dabadeed xisbigii waa uu ku qaybsamey sidii loola tacaamuli lahaa arintan. Qolo waxay qabtay in loo dhimriyo dad-waynaha bannaan-baxaya oo aanan dadka la layn. Qolo kale waxay qabtay, dadkan in ay khatar ku yihiin xasilloonida dalka, sidaa darteed gacan adag lagu qabto. Ra’yiga qoladan danmbe waxaa xoojiyay odeyaashii wayeelka ahaa ee curiyey kacaankii Shiinaha. Goor bannaan-baxu socdey muddo laba bilood ayaa ciidamo iyo taangiyadoodii lagu soo daayey fagaarihii. Waxaa halkaas ku hakadey rajadii ay Shiinuhu ka qabeen hannaan talo-wadaag ah, iyada oo qiyaastii 1000 qof ay ku dhimatey bannaan-bixii.

Maahan dad-waynaha Shiinaha oo keliya kuwa ay ku dhacdey rajo-xumida. Bal reer Taiwaan oo culeys ku qabay nadaamka Shiinaha ayaa qudhoodu ay niyad-jab ku keentey dhacdadaas. Waxaa kale oo jiray xilliga uu bannaan-baxan dhacayay in ay ahayd xilli siyaasaddii Shiinaha ay ku dhowaatey reer galbeedka, kana soo fogaatey Soofyeetiga. Markeenka oo arintaas u arkayey fursad uu Shiinaha meel cidla ah kaga heley, wuxuu isku deyey in uu jilbah dhulka u dhigo dowladdooda. Waxaa muuqatey tabar-darri lagu tuhmayay, maadaama ay kala fogaadeen Soofyeetiga. Cadaadiska uu Mareekanka saarayay Shiinaha, waa mid dhoolla-tuskeedu uu ka muuqanayay fagaaraha badda koonfureed ee Shiinaha. Biyahaas waxaa la deris ah dowlado la saaxiib ah Mareekanka. Sidaa darteed, Mareekanku wuxuu markiiba bilaabey in uu xoojiyo ciidamada Taiwaan.

7/ 7- 1993-kii, waxaa halkaas ka dhacay iska hor-imaadkii ugu h**eeyey ee Mareekanka iyo Shiinaha. Markab ka soo furtey dekadda Tianjin, ayaa waxaa hakiyay ciidamo Mareekan ah. Markabkan oo sidey 628 konteiner ayaa wuxuu u socdey Kuweit. Laakiin goor uu toban cisho badda ku jirey oo uusan weli ka bixin badda Shiinaha ayaa si kedis ah waxaa ku soo weerary maraakiib dagaal iyo dayuurado ah kuwa qumaatiga u kaca. Markabkan oo la yiraahdo Yinhe waxaa leh shirkad Shiino ah oo ka shaqeysa xamuulka badaha, taas oo la yiraahdo (China Ocean Shipping Corporation). Dhacdada oo lagu magacaabo Yinhe (Yinhe Insident) waxaa loogu magac daray markabka. Mareekanka wuxuu markii h**e codsadey in markabka dib loo celiyo, kiimikada laga shakisan yahay oo uu wado darteed. Markii Shiinuhu ay diideen, waxay ku bilaabeen baaritaan iyaga oo sabab uga dhigaya in lagu tuhmayo in uu Iiraan u wado agab kiimikada ah oo la yiraahdo (Thiodiglycol iyo Thionyl Chloride) oo loo adeegsado hubka lagu dagaalamo. In-kasta oo markabkii waxba laga waayay, misana Mareekanku waa ay diideen in ay cudur-daar ka bixiyaan dhacdadii. Af-hayeen u hadlay dowladda Mareekanka wuxuu sheegey in tallaabada ay ku kaceen ciidanka Mareekanka in ay tahay mid niyad-sami muujineysey.

Arintaasi Shiinaha waxay u arkeen ihaano loo geystey in markabkoodii lagu dul baaro biyahoodii. Ciil-qabkii Shiinaha wuxuu kordhey markii ciidamada Mareeknku ay duqeyn ugu geysteen safaaradda Shiinaha ee magaalada Belgraad (Yugoslaavia). Arintaasi waxay dhacdey bilowga bishii may 1999-kii. Waxay ahayd xilli ciidamada NATO ay duqeymo ku hayeen dalk Yugoslaavia, taas oo ay sabab u ahayd xasuuqii ay ciidamada Yugoslaavia ku hayeen Bosniyiinta laga tiro badan yahay. Waxaa la sheegaa in duqeyntu ay sabab u ahayd, fududeyn ay Shiinuhu siiyeen ninka la yiraahdo Zeljko Raznatovic (1952 - 2000). Isagu wuxuu ahaa hoggaamiye kamid ah dagaa-oogayaashii xasuuqa ku hayay dadka rayidka ah.

Wxaa jirtey dhacdo kale oo la magac-baxdey (Hainan Islan Insident). Hainan waa jasiirad kamid ah jasiiradaha badan (250 jasiiradood) oo Shiinuhu leeyihiin. Hainan waxay dhacdaa badda koonfureed ee Shiinaha, taas oo xeebta u jirta qiyaastii 113 km.
1/ 4- 2001, ayaa jasiiradda Hainan meel agteeda ah waxaa isku dhacay laba dayuuradood oo ay kala leeyihiin ciidamada Mareekanka iyo Shiinaha. Mid nooceedu wuxuu ahaa (Lockheed EP-3) oo waa dayuuradaha sahanka ee Mareekanka. Midda kalena nooceedu waa (J-8II) oo waa dayuurad dheereysa, muhimaddeeduna tahay xog ururin. Labada dayuurad waxay ku kulmeen meel xeebta Shiinaha u jirta 110 km. Markey isku dhaceen, dayuuraddii Shiinaha badda ayay ku dhacdey duuliyihiina waa uu dhintey. Dayuuraddii Mareekanka waxay ku khasbanaatey in ay degato, 24 ciidanka ahaa oo la socdeyna waa ay badbaadee. Saddex bilood ayay Shiinaha u xirnaayeen oo wareysanayeen, dabadeed waa la soo fasaxay. Laakiin dayuurddi in muddo ah ayay ku hartey gacanta Shiinaha. Waxaa la sheegayay in ay diraaso ku sameynayeen ay kaga faa’iideystaan aqoonta teknolojyadda Mareekanka.
tifaftire: Dr.mohamed jafe

(5)Waxaa xusid mudan, madax-weyne Ronald Regan in uu ahaa in jilaa ah oo kaftan badan, xilal bandanna ka soo qabtey dalk...
06/12/2021

(5)

Waxaa xusid mudan, madax-weyne Ronald Regan in uu ahaa in jilaa ah oo kaftan badan, xilal bandanna ka soo qabtey dalka. Siyaasaddiisa dibadda waxay salka ku heysey in Mareekanka uu soo ceshado dhamaan dalalkii farahiisa ka baxay xilligii madax-weynihii ka h**eeyey (Jimmy Carter). Sidaa darteed, Ronald Regan waddamada uu xilligiisii ku soo dabbaaley meeraha Mareekanka waxaa kamid ah Nikoraagwa iyo Jiili oo Laatiin Ameerika dhaca, Itoobiya iyo Angoola oo Afrika dhaca. Waxaa kale oo xilligaas kala fur-furtey dowladihii shuuciga ahaa ee la meereysanayay Midowga Soofyeeti. Waa xilligaas marka uu Ronald Regan saxiixayo lixda qodob oo Mareekanka uu ku ceyminayo Taiwaan, kuwaas oo lagu magacaabay (The Six Assurance to Taiwan). Qodobadu waxay ahaayeen sidan:

1) Maraykanku ma oggolaanayo in uu cayimo taariikhda la soo afjari doono hubka uu ka iibinayo Taiwan.
2) Maraykanku ma oggolaanayo in uu wadatashiyo hor-dhac ah la yeesho Shiinaha oo ku saabsan iibinta hubka Taiwan.
3) Maraykanku k**a qaadanayo door dhexdhexaadin ah k**a gelayo khilaafka Taiwaan iyo Beijing.
4) Maraykanku ma oggolaynayo in dib loo eego Xeerka Xiriirka Taiwaan.
5) Maraykanku ma beddelin mawqifkiisa ku aaddan madax -bannaanida Taiwaan.
6) Maraykanku cadaadis kuma saari doono Taiwaan inay wadahadal la gasho Shiinaha.

Maamul kasta oo Maraykan ah ee ka danbeeyey Ronald Regan wuxuu xoojinayay lixdan qodob ee lagu ilaalinayo madax-bannaanida Taiwaan. Qodobadu waxay kamid noqdeen siyaasadda dalka Mareekanka ee ku wajahan Taiwaan. Markii Mareekanku ay u dhar-dhigteen siyaasadda uu ku difaacayo Taiwaan, Shiinuhu iyaga oo ka fogaanaya dagaal, waxay qaateen siyaasad nabadeed. 17/ 8- 1982-kii, siyaasiyiinta cusub ee Shiinaha ee is-beddelka la yimid, waxay ku baaqeen in waddo nabadeed loo maro sidii Taiwaan dib loogu soo celin-lahaa dalka hooyo. Sagaal qodob oo ay ku baaqeen (Nine Point Proposal) ayaa waxay ku soo koobeen qaabkii argtida xisbiga uu ku doonayo in uu dib u mideeyo Shiina iyo Taiwaan.

Nuxurka qodobadaas waxaa kamid ah in sida ugu dhakhsiyaha badan loo so oaf-jaro kala qayb-sanaanta umadda Shiinaha. In la furo wada-hadal dhexmara labada xisbo (PRC & KMT). Waxay xuseen baahida in ay kulmaan ay u qabaan dadka qaraabada ah ee ku dhaqan madiiqa labadiisa daan. Midnimada dabadeed, Shiinuhu wuxuu qodobadaas ugu ballan-qaaday Taiwaan in uu ahaado dal heysta is-maamul gooni ah iyo madax-bannaani dheeri ah. Isla-markaas hannaanka dhaqn-dhaqaale ee dalka ka jira in uu ahaanayo sidaas uu hadda yahay, dowladda dhexena ay kala shaqeeneyso wixii caqabado ah oo ku yimada. Shiinuhu waxaa kale oo uu ballan-qaadey, xubno kamid ah dadka u dhashey Taiwaan in ay noqonayaan kuwo lagu maamuuso xilalka sare ee qaranka.

Sannadkii 1986-kii, dowladda Bekiin waxay bilowday in ay ku dhiirri-geliso ganacsato badan oo reer Taiwaan ah si ay u maal-gashadaan hawlaha la xiriira dhoofinta wax-soo-saarka Shiinaha. Sanadkii xigey (1987-kii), Taiwaan waxay dabcisay cuna-qabatyntii hantiilayaasha reer Taiwaan ka saarnaa maalgashiga dalka Shiinaha. Markii xiriirka dhaqaale iyo ganacsi ee u dhexeeya Shiinaha iyo Taiwaan uu kor u kacay, waxaa hagaagey jawiga guud ee marinka badda koonfurta Shiinaha. Wanaagaasi wuxuu socdey tan iyo 4/ 6- 1989-kii, markaas oo dalka ay ka dhacday shiqaaqadii loo yiqiin Dhacdadii Afarta Juun. Dhacdadu waxay ahayd dad-wayne ku bannaan-baxayay fagaaraha bartamaha Bekiin ee lagu magacaabo (Tiananmen Square). Bannaan-baxaas wuxuu socdey 5-tii abriil illaa iyo 4-tii juun.

Laba kooxood ayaa ka danbeeyey bannaan-baxa. Koox waxay ahayd aqoon-yahannada iyo mufakiriinta Shiinaha oo u arkayay is-beddelka siyaasadeed iyo fur-furitaanka bilowdey in aanan lagu hungoobin oo shuuciyiinta ayan ka faa’iideysan. Iyaga waxaa u muuqdey, hoggaamiyihii Soofyeetiga Mikhail Garbachev sidii uu u fur-furey xukunkii xisbiga shuuciga ee dalkiisa. Kooxda labaad ee bannaan-baxa xoojinayay waxay ahayd qolooyin dan-yar ahaa oo u arkayay is-beddelka in uu xadkiisii dhaafey. Kooxdan waxay ahaayeen dad uu dhaawac dhaqaale ka soo gaarey is-beddelkii siyaasadeed ee dalka ka socdey. Iyagu waxay noqdeen shaqa-la’aan. Bannaan-bixii wuxuu noqdey mid maalinba maalinta ka danbeysa sii xoogeysta illaa ay ka soo qeyb-galaan dhamaan ardeydii jaamicadaha dhiganayay ee degmooyinka iyo gobollada dalka.
tifaftire: dr.mohamed jafe

(4)Xiriirka siyaasadeed ee Jamhuuriyadda Shiinaha iyo Taiwaan wuxuu mar-walba ahaa mid labada dal ka dhex-dhaliya khilaa...
02/12/2021

(4)

Xiriirka siyaasadeed ee Jamhuuriyadda Shiinaha iyo Taiwaan wuxuu mar-walba ahaa mid labada dal ka dhex-dhaliya khilaaf. Aragtida Shiinaha uu ka qabo dalka Taiwaan oo ah mid gooni u-goosad ah, ayaa sababtay in ayan ugu yeerin (Dowladda Taiwaans). Waayo waxay u aragtaa dowlad aanan sharci ahayn. Sidaa darteed waxay ugu yeedhaa (Maamulka Taiwaan). Laakiin dowladda Taiwaan waxay isu aragtaa in ay ka taliso dal madax-bannaan oo leh dawlad gobannimo buuxda haysata, taas oo ka talisa dhulkeeda oo dhan. Isla-markaas leh dastuur gaar ah oo lagu dalku ku dhaqmo. Waxaa ka jira dalka kala-danbey, wuxuuna leeyahay madax-weyne ku yimaada doorasho xor ah oo xalaal ah. Waxaa kale oo uu leeyahay ciidan qaran oo ilaaliya xasilloonida iyo xudduudaha dalka.

Arintaasi waxay labada dal ka dhex-dhalisey cimilo siyaasadeed oo qallafsan, taas oo xilli kasta keeni kara in labada dal uu dagaal dhex-maro. Muddo 60 sano ah, labada dal ma ayan lahayn gaadiid xiriiriya oo toos ah. Taasi waxay caqabad ku noqotey shirkado badan oo ay lahaayeen reer Taiwaan laakiin ka shaqeynayay dal-waynaha Shiinaha. 29/ 4- 2005 ayaa masuuliyiinta labada dal ay yeeshaan kulan toos ah. Xilligaas isbiga KMT ee Taiwaan waxaa hoggaaminayay Chairman Lien Chan. Xisbiga Shuuciga ee Shiinahanana waxaa hoggaaminayay Hu Jintao. Kulankaasi wuxuu ahaa midkii ugu h**eeyey oo laba masuul ay ku kulmaan tan iyo sanadkii 1949-kii, markaas oo dagaalkii sokeeye uu ku hakadey curashada laba maamul oo kala madax-bannaan. Wixii muddadaas ka danbeeyey, waxaa si qabow labada dhinac ugu bilaabatay kulamo loogu gogol xaarayo xiriir isu-soo dhowaansho.

Mareekanka wuxuu xiriir diblomaasiyadeed la lahaa Shiinaha tan iyo sanadkii 1844-kii, markaas oo dalka Shiinaha ay weli ka talinayeen boqortooyadii caa’iladda Han. Wixii ka danbeeyey dagaalkii I-aad ee dunida, xiriirka Mareekanka iyo Shiinaha wuxuu ahaa mid aanan sugneyn ee miriq-shaaleyn xooggan uu ka muuqdo. Laakiin Shiinuhu ay ku soo biireen beesha caalamka, xiriirka ay la leeyihiin Mareekanka wuxuu noqdey mid ku jaan-go’an hadba sida Shiinuhu ay ula dhaqmaan maamulka jasiiradda Taiwaan.

Sanadkii 1971-kii ayaa xisbiga Shuuciga ee Bekiin ka taliya loo oggolaadey in uu si rasmi ah u matalo dadkiisa. Dowladda Shiinaha, Taiwaan kalama ayan wareegin kursigii jamciyadda oo keliya, bal waxaa kale oo ay kala wareegtey awoodda diidmada qayaxan oo Taiwan ay ku lahayd madasha. Arintaasi si taxaddar leh ayuu caalamku u soo dhoweeyey. Wixii ka danbeeyey muddadaas dalka Shiinaha si qun-yar socod ah ayuu wuxuu ugu xamaaranayay in uu kamid noqdo dhamaan ururada iyo hay’adaha caalamiga ah. In Shiinaha lagu soo dhoweeyo madasha caalamiga ah waxaa kale oo kamid ahaa khilaafka ka dhex-bilowdey labadii xoog ee shuuciga ahaa (Soofyeet iyo Shiino). Khilaafkaasi wuxuu salka ku hayay, labada dal midkoodee ayaa marjic u noqonaya aragtida shuuciyadda ee caalamiga.

Dagaalkii qaboobaa oo socdey darteed, reer galbeedku waxay xiiseynayeen kala fogaanshaha xoogga Oorsada iyo xoogga Mas-duulaaga. Sidaa darteed ayaa Shiinuhu wuxuu soo dhoweyn ka heley Mareekanka. Sidaas ayaa dagaalkii qaboobaa oo lahaa weji laba cirifleh ah, wuxuu noqdey dagaal saddex cirifle ah. Mareekanku wuxuu markaas bilaabey in uu xiriirkii Shiinaha fududeeyo oo waxaa sanad gudihiis dalka Shiinaha booqasho ku tegey madax-weyne Richard Nixon iyo xogheyihiisii dibadda Henry Kissinger. Waxaa halkaas ku shiiqey in Taiwaan ay noqoto dowlad aqoonsi ku leh maxfallada calamka. Si Soofyeetiga looga adkaado oo Shiinaha loo soo dhoweysto, sanadkii 1979-kii Mareekanku wuxuu xirey safaaraddii
Uu ku lahaa jasiiradda Taiwaan. Isla-sanadkaas ayuu safaaradda u rarey magaalo-madaxda Shiinaha Bekiin.

1/ 1- 1980-kii, Mareekanku wuxuu baabi’iyey heshiis isu-hiillin difaac ah ee uu h**ey ula dhigtey Taiwaan. Waxaa halkaas ku hakadey xiriirkii diblomaasiyadeed ee labada dal. Sanadkii 1982, ninka la yiraahdo Deng Xiaoping (1904 - 1997) ayaa wuxuu dalka Shiinaha ka noqdey guddoomiyaha guddiga dhexe ee la talinta xisbiga. Waa ninka leh hiraalkan 50-sano ku dhisan ee Shiinuhu uu ku hor-marey. Isagu, sanadkaas uu xilka qabtey ayuu diblomaasiyiinta Shiinha wuxuu farey in Mareekanka ay gaarsiiyaan in uu hakiyo hubka badan oo uu ka iibinayo Taiwaan. Ama ugu yaraan uu wakhti cayiman oo uu joojinayo uu sheego. Xilligaas waxaa madaxweyne ahaa Ronald Regan. Jawaabta uu ka bixiyey waxay ahayd in uu saxiixo lix qodob oo lagu cayminayo Taiwaan.
tifaftire: dr.mohamed jafe

(3)Taiwaan waa jasiirad dhacda xeebta Shiinaha ee koonfur-galbeed. Waxay u jirtaa dhulka engegan ee Shiinaha 160 km. Jas...
29/11/2021

(3)

Taiwaan waa jasiirad dhacda xeebta Shiinaha ee koonfur-galbeed. Waxay u jirtaa dhulka engegan ee Shiinaha 160 km. Jasiiradda waxaa ku nool dad tiradoodu ku dhowdahay 24 melyan oo isugu jira qowmiyado kala duwan oo ay ugu badan yihiin qowmiyadda Haan-ka Taiwaan (95 %). Bedka dhuleed waa 36,197 km oo afar-gees ah. Jasiiraddu waa dal hodan ah oo ku dhisan hannaanka talo-wadaagga ah. Budjetka sanadkii tegey ee Taiwaan waa 756 bilyan oo dollar. Sidaa darteed dalku waxay kamid yahay afarta dal ee leysku yiraahdo afarta shabeel ee Aasiya (Four Asian Tigers), kuwaas oo kala ah Koonfurta Kuuriya, Hong-kong, Singabuur iyo Taiwaan. Waddamadan afarta ah waa kuwo deris ah oo sanadihii 1960-aadkii illaa 1990-aadkii uu dhaqaalahoodu kordhayay 7 % sanad walba. Iyagu waxay ku hodmeen maamul talao-wadaag ah iyo dhisid kaabado dhaqaale.

Dhaqaalaha xooggan oo dadka reer Taiwaan ay dhisteen iyo hannaanka siyaasadda xasilloon ee talo-wadaagga ah ma noqon mid u horseeda dowlad si buuxda u madax-bannaan. Dalku weli wuxuu ku xiriirsan yahay siyaasadda dalka Shiinaha. In-kasta oo dalku uu sheegto madax-bannaani, misana in beesha caalamka ictiraafto waxaa ka hor-taagan Shiinaha. Wuxuu ka hor-taagan yahay in maamulka jasiiradda uu aqoonsi caalami ah ka helo beesha caalamka si ay jasiiradda u noqoto dowlad si buuxda u madax-bannaan. Shiinuhu waxay maamulka jasiiradda ku xukumeen in uu yahay aamul caasi ah oo ka madax-adeygey dalkii hooyada ahaa. Laakiin Taiwaan isuma aragto caynkaas.

Inteeyan kala tegin Shiinaha iyo Taiwaan, dagaal-waynihii II-aad waxay ka dhinac dirirayeen waddamadii xulufada ahaa oo Mareekanku uu hoggaaminayay. Shiinuhu waxay markaas dagaal kula jirey dalka Jabaan. Xilligaas Shiinaha waxaa u talinayay xisbiga PRC (Peoples Republic fo China). Xisbigan oo ah mid qowmi ah, magaca dalka looga yiqiin wuxuu ahaa KMT (Kuomintang). Waxaa xigey dagaal sokeeye oo muddo dhowr sano ah socdey in uu ka qarxey Shiinaha. Waxaa dirirey xisbigii KMT iyo xisbigii shuuciga ahaa. Shuuciyiintii markii ay adkaadeen, madaxdii hoggaanka u hayay xisbiga dalka u talinayay (KMT) waxay u baxsadeen jasiiradda Taiwaan. Xisbigan oo ahaa xisbi qowmi ah, dowladdiisii waxay degaan ka dhigatey jasiiradda Taiwaan. Dal-waynihii Shiinaha iyo magaalo-madaxdiisii waxaa la wareegey xisbigii Shuuciga ahaa.

Xilligaas ay Shuuciyiintu la wareegayaan talada dalka Shiinaha, waxay ahayd sanadkii 1949-kii. Waxaa ka h**eeyey oo sanadkii 1945-kii in dalka Shiinaha uu xubin buuxda kamid noqdey JQ ka Dh (Jamciyadda Quruumaha ka Dhexeysa). Dowladda Shiinaha waxaa xilligaas matalayay xisbiga KMT oo fadhigiisu yahay Taiwaan. Xisbigii Shuuciga ee Shiinaha oo dalkii dhamaantiis uu gacanta u galay ayaa waxay sheegteen in ay maamulka Taiwaan fadhiya uu yahay mid xaaraan ku dhisan, jasiiradduna ay tahay degaan ka tirsan Shiio. Laakiin xukuumaddii fadhigeedu ahaa Bakiin, gacan kagama helin adduunka in lagu saacido si maamulkii jasiiradda loogu celiyo maamulka ka dhismey dhulkii berriga ahaa. Sababtuna waxay ahayd dagaalkii qaboobaa oo bilowdey, kaas oo sababaha uu uu ku curtey ay kamid ahayd colaaddii labada Kuuriya (Waqooyiga iyo Koonfurta).

Colaadda labadaas dal Shiinuhu si buuxda ayuu ugu lug-lahaa, isaga oo taageerayay Kuuriyada-Waqooyi. Taasi waxay sabab u noqotey in Taiwaan gacan lagu siiyo in ay xigsato kursigii ay ku lahayd JQ ka Dh oo ay ku matalaysay dalka iyo dadka Shiinaha. Kursigaas ayaa in muddo ah wuxuu ahaa mid Shiino lagu cadaadinayay si ay u oggolaato ictiraafka in jasiiradda Taiwaan ay tahay dowlad ka madax-bannaan. Sida laga bartey diblomaasiyadda dowladaha waawayn ee dunida, markii dowlad looga tanaasulayo qadiyad ay markaas wadato, iyana waxaa laga codsadaa in ay qadiyad kale ka tanaasusho. Xilligaas waxaa jirey dowlado shukaaminayay Shiinaha oo ka doonayay in ay ictiraafto dalka Mangooliya oo ahaa dal madax-bannaan, laakiin Shiinuhu ay muddo badan ka talinayeen.

In-kasta oo Shiinuhu uu yahay dal weyn oo aanan dibadda ka joogi karin madasha caalamka wax ku qeybsanayo, misana qadiyadda Mangooliya ayaa Shiinaha loo bar-bar dhigey in uu ku qaato kursiga Taiwaan kaga fadhido. Dowlado Mareekanka la xulufo ahaa oo Ingiriiska iyo Fransiiska ay ugu h**eeyaan ayaa arinkaas dallaal ka ahaa. Soomaaliya waxay kamid ahayd dowladaha ugu codka dheeraa ee fadhiyada jamciyadda si dhiirran uga sheegi jirey in Shiino kursigooda la oggolaado. Ugu danbeyn Mareekanka oo ku qancey arinkii ayaa isna qadiyado la xiriira dagaalkii Fiyetnaam isna miiska soo saartey. Taasina waxay ka danbeysey markii madax-weyne Richard Nixon uu booqasho rasmi ah ku tegey Bekiin. Hoggaamiyihii Shiinaha iyo madax-waynihii Mareekanka, arimaha ay ka wada-hadleen waxaa kamid ahaa in qadiyadda Taiwaan liifadda loo gaabiyo.

Sanadkii 1971-kii ayaa xisbiga Shuuciga ee Bekiin ka taliya loo oggolaadey in uu si rasmi ah u matalo dadkiisa. Dowladda Shiinaha, Taiwaan kalama ayan wareegin kursigii jamciyadda oo keliya, bal waxaa kale oo ay kala wareegtey awoodda diidmada qayaxan oo Taiwan ay ku lahayd madasha. Arintaasi si taxaddar leh ayuu caalamku u soo dhoweeyey. Wixii ka danbeeyey muddadaas dalka Shiinaha si qun-yar socod ah ayuu wuxuu ugu xamaaranayay in uu kamid noqdo dhamaan ururada iyo hay’adaha caalamiga ah.
tifaftire: Dr.mohamed jafe

Address

Bud Bud

Telephone

+252614909940

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when GOLOL intelectual inc posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to GOLOL intelectual inc:

Share