Qaamuus Media

Qaamuus Media “We are not perfect but Professional”

Cilmigii nacas buu noqdoo
Caamahaa warka laga guraa
Casrigan beentaa shaqayn
Carrabka runta sheegayana
Codkiisu tixgelin ma helo
"""""""""""""""""""""""""""""
Caqliga ka u liita ee
Codkiisuna weynyahaa
Culeys lagu soo xushaa
Kursiga doqonkaa cammira
Abwaan Qiiq (Gefdiid).

05/05/2025

Heest:- 𝗛𝗔 𝗜𝗦 𝗗𝗛𝗜𝗜𝗕𝗜𝗡 𝗕𝗢𝗥𝗔𝗠A!
Erayada:- Abdifatah Meecaad
Laxanka iyo Codka:- Mohamed Sulaymaan Jeesto
Muusiga:- Yuusuf Muumin Subxaanyo
Muuqaalka:- QAAMUUS
..... 𝐁𝐄𝐘𝐃𝐊𝐀 𝐊𝐎𝐎𝐁𝐀𝐀𝐃......
● Soomaali dheehlaay
● Dhaxalkii midnimadaay
● Gobanimo dhabteedaay
● Gacal soo dhoweeyaay
● Qurux dhoollabilataay
● Dhuuxii hankaygaay
● Awdal dhaayahaygaay.
● Dhaqan lagu tanaadiyo
● Sumcad la isku dhaafiyo
● Sooyaalka dhiganiyo
● Taariikh aan is dhalanrogin
● Adigaa dhitaystee
● Magacaagu dheeraa........𝐃𝐇𝐄𝐗𝐓𝐀𝐀𝐋.........
● Dhaalkii aqoontaay
● Ilbaxnimo dhurkeediyo
● Dhabbihii tacliintaay
● Boqortooyo dhaladoon
● Calankeedu dhicineey
● Mudantii dhulkaygaay
● Ha is dhiibin waligaa! BORAME.......𝐁𝐄𝐘𝐃𝐊𝐀 𝐋𝐀𝐁𝐀𝐀𝐃..........
● Dhallanteedka beentaa
● Samir baad ku dhaaftaye
● Dharaar aad sugaysaa
● Kuu dhalatay maantoo
● Waxaad dheertay qayrkaa
● Geesiyaal ku dhiiriya AWDAL
● Dhibna kaa ilaashada
● Daljirraa dhankaagiyo
● Dhinacaaga joogoo
● Dadkii kuu dhawaabaa
● Dhiigga kuu shubaayee
● Xumaan lama dhitaystee
● Kac u dhiidhi gobanimo........𝐃𝐇𝐄𝐗𝐓𝐀𝐀𝐋.........
● Dhaalkii aqoontaay
● Ilbaxnimo dhurkeediyo
● Dhabbihii tacliintaay
● Boqortooyo dhaladoon
● Calankeedu dhicineey
● Mudantii dhulkaygaay
● Ha is dhiibin waligaa! BORAME

Gar-adag:Hay’adda Amoud Foundation ayaa degmada Gar-adag ka qaybisey deeq raashin ah oo caddadkeedu yahay 500 oo qays.
28/02/2025

Gar-adag:

Hay’adda Amoud Foundation ayaa degmada Gar-adag ka qaybisey deeq raashin ah oo caddadkeedu yahay 500 oo qays.

“AFURI WALAALKAA OO HEL AJARKIISA OO KALE           Bismillaah, Laga soo bilaabo milaygii 2021, barnaamijka AFURI WALAAL...
11/02/2025

“AFURI WALAALKAA OO HEL AJARKIISA OO KALE

Bismillaah,

Laga soo bilaabo milaygii 2021, barnaamijka AFURI WALAALKA waa mid aan si sannadle ah uga qabanno magaalada Aw-barre. Waa barnaamij aan ku caawinno danyar isugu jirta kuwo biyo mooyee aan baad haysan, dabkana aan shidan iyo kuwo mar qada marna hela. Inkasta oo ay wacneyd inaan dadkeennaas wax buuran tarno sida inaan shaqo abuur u sameyno, haddana tog waliba taagtii ayuu rogmadaa e, tamar aan ku fulinno ayaan jirin.

Inaan iska fadhinno, gacmaha laabanno, afka xidhanno, ta shakhsiga ah uun ka fikirno iyo inaan bulshada ka warhayno oo aan kala baranno kiisa liita iyo kiisa ladan, ka baahan u damqanno oo aan ogaanno, kala doorashadeeda ayaa nala gudboonaatey. Waafajin Alle, tan dambe ayaan dooranney oo damiirkayagu wuu nasiin waayey in guryahayaga lagu dhergo, kuwa u xigana gaajo lagu lado. Nabigu ﷺ wuxuu yidhi: Dad waxa ugu wanaag badan, kooda ugu waxtarka roon.

Doorasho dabadeed, 12ka bilood ayaa waxa aan ka qabsanney bisha Ramadaan. Sababtuna, waa bil farxadeed oo ka geddisan bilaha kasoo hadhey.
Waa bil weyni badan oo rabbi inoogu deeqey, dhexdeedana ay dhacdo soonka oo ah shanta tiir ee islaamku ku taagan yahay kiisa 4aaad. Soonku waa camalka sida gaarka ah rabbi usheegey inuu isagu leeyahay, ruuxana isagu ka abaalinayo; wixii la xidhiidhana diintu aad bay inoogu boorisey.

Waa bil ay tahay in ka dheregsani ogaado ka juuca iyo gaajada la il-daran, ka ladani ogaado ka baahan, ka helaayina ogaado ka qada, si guudna bulshada meel wada degani ay si buuxda iskaga warhayso. Innaga oo og in ruuxa soomani uu ugu farxad badan yahay kolka uu afurayo, haddana waxa jira dadyow badan oo aan haysan oon ay ku af-xidhaan iyo mid ay ku af-furtaan labadaba; dadkaasi wax siintoodana ajar iyo xasanaad weyn baa ku sugnaadey. Arrintaasina isaga oo rasuulku ﷺ ka hadlaya wuxuu yidhi: Qofkii afuriya qof sooman, waxa u sugan ajarkiisa oo kale, iyada oo aan qofkii soomanaa ajarkiisa waxba laga dhimayn.

Waxa hubaal ah in howshaas hirgelinteedu ubaahan tahay hab, hannaan iyo qorshe intaba. Waxa baahidaas dabooleysaa ma ahan hadal iyo wax af laga yidhaa ee waa caawimo muuqata oo ruuxa lasiiyo. Hayeeshee, annagu Arday ayaan ubadneyn, si kasta oo aan udadaalno waxa aan isku keeni karaynay ma ahayn wax tiro badan gaadha ee wax tiro yar bishaas kaafisa uun bay ahayd. Sidaas darted, waxa ay nala noqotey inaan barnaamijka ballaadhinno, oo aan baahinno, lana wadaagno bulsho weynta ku nool magaalada Aw-barre iyo soomaalidaba guud ahaan.


Aalaa, dadka lagama waayo samo-falayaal haddii ay kheyr maqlaan uga dheereeya dadka intiisa kale; hawshii aan bilownay waxay noqotey mid nagu soo xidha ehelkeeda; barnaamijkuna sannad kasta wuu sii naaxayey oo wuu sii beekhaamayey.

Sannadii 1aad oo ku beegnayd 2021, wixii aan jeebkayaga ka keennay iyo wixii ay dadku noo soo direenba, waxaan ku afurinney oo aan noocyada kala duwan ee raashinka ah ugu dhigney 15-16 qoys. Alleylehe, farxad ayay noo ahayd iyo bilow fiican in aan qoysas intaa dhan aan Ramadanta ka saarney.

Halkaad shalay taagneyd h**e ayaa looga sikadaa e, tawfiiq ilaahay iyo dadaal badan kadib, sannaddii labaad kuna beegnayd 2022-kii, Rabbi wuxuu nagu guuleeyey inaan afurinno 46 qoys.

Sannaddii 3aad oo ahayd 2023, wuxuu Alle nagu sugey inaan caawinno 49 qoys oo kamid ah dadka intiisii liitay.

Sanandkii 4aad oo ahayd sannadkii h**e, sixir barar jirey iyo maciishaddii oo cirka ahayd awgeed, waxaan caawinney 29 qoys. Iyada oo aan qoys kasta u dhigeynay wax kasta oo ay bishaa u baahnaayeen.

Ugu dambeyn, sanadkan maciishadda iyo nolosha dadkaba korodh baa ku yimid, baahidii masaakiintuna waa halkii iyo siyaado, bishii ramadaanna waxaa innaga xiga labo toddobaad iyo waxooga; sidaas darteed, waxaan ka codsanaynaa dadka samaha jecel inay ka qeyb qaataan arrinkan kheyriga ah oo wixii ay awoodaan ku taageeraan oo ku taakuleeyaan dadka taagta daran ee Ramadaanna ay hayso.

Hala sheer gareeyo maqaalkan, si uu dad badan u gaadho, masaakiin badanna inoola farxaan bishaasi insha Allah.



[الزلزلة:7]

Mahadsanidin jaalayaal.”


W/Q: Hamza M Mumin

Dusha waa ka heer sare, BORAMA. Habeen wanaagsan
07/02/2025

Dusha waa ka heer sare, BORAMA.

Habeen wanaagsan

ABNORMAL PSYCHOLOGY.Tababar ku saabsan dabeecadaha iyo habdhaqannada aan caadiga ahayn (Abnormal psychology) ee qofka ku...
07/02/2025

ABNORMAL PSYCHOLOGY.

Tababar ku saabsan dabeecadaha iyo habdhaqannada aan caadiga ahayn (Abnormal psychology) ee qofka kuyimaadda ayaa xalay ka qabsoomay hoolka jaamacadda Beder. Kaas oo uu qabanayey mid kamida dhalinyarada haldoorka ah ee magalada Borama Suhayb Clrashiid

Tababarka waxa soo agaasimay xarunta tababarrada iyo xirfadaha ee Al-Hakiim Training and Skills Center.

Mr. Abdiwali Abdirashid Aroush“Asalaamu calaykum,Subject: Announcement Dear friends,I hope this message finds you well.M...
01/02/2025

Mr. Abdiwali Abdirashid Aroush

“Asalaamu calaykum,

Subject: Announcement

Dear friends,
I hope this message finds you well.

My name is Abdiwali Abdirashid Aroush. I am a father, university lecturer, and a professional trainer. Over the years, I have had the privilege of delivering a variety of training programs to health and social science students across all regions of Somaliland.

Over the past six years, I have been dedicated to advancing teaching and community development initiatives. As part of this commitment, I established the Horn of Africa Development Institute (HADI), which is dedicated to fostering training and capacity-building programs, conducting research, offering consultancy services, and promoting entrepreneurship, innovation, community engagement, forums, and development initiatives.

For further inquiries or collaboration, please feel free to contact me directly at:
Phone: +252-634457179
Email: [email protected]

Thank you for your time, and I look forward to potential partnerships in the future.

Best regards,

Mr. Abdiwali Abdirashid Aroush
Founder and CEO, Horn of Africa Development Institute (HADI)
Public Health Practitioner | University Lecturer | Mental Health Activist”

Ururka Milgo-reeb, waxa  uu habeenimadii xalay oo ku beegnayd 30/1/2024 hoolka jaamacadda Horn University ku qabtay barn...
31/01/2025

Ururka Milgo-reeb, waxa uu habeenimadii xalay oo ku beegnayd 30/1/2024 hoolka jaamacadda Horn University ku qabtay barnaamij caways suugaaneed ah.

Barnaamijkan, waxa soo jeedinayay Abwaan Ibraahim-talawade.

Abwaanku, waxa uu bulshada la wadaagay suugaan noocyo iyo mawduucyo kala duwan ka hadlaysa.

Tababarkan oo ku saabsanaa cilmi-nafsiga(psychology) gaar ahaan noocyada shaqsiyadaha (Types of personality) ayaa ka qab...
31/01/2025

Tababarkan oo ku saabsanaa cilmi-nafsiga(psychology) gaar ahaan noocyada shaqsiyadaha (Types of personality) ayaa ka qabsoomay Gebiley National library.

Tababarka waxa qabtay mid kamida dhalinyarada haldoorka ah ee magaalada Borama ustaad Cabdicasiis Cismaan Cabdi-Ursad

Maanta oo kale 30- January-1984. "Xasuuqii Boorama ee Xabashida"Maanta oo kale sagaal iyo soddon sanno ka hor waxay ahay...
30/01/2025

Maanta oo kale 30- January-1984.

"Xasuuqii Boorama ee Xabashida"

Maanta oo kale sagaal iyo soddon sanno ka hor waxay ahayd maalin madow oo soo martay shacabka Boorama iyo guud ahaan shacabka Awdal . Barqanimadii maalintaas oo saacadu ku beegnayd tobankii subaxnimo ayaa waxaa magaalada Boorama weerar ku soo qaaday lix ka mid ah diyaaradaha dagaalka ee Itoobiya. Iyagoo bartilmaameed ka dhigtay ,Iskuulada iyo goobaha caafimaadka ee ku yaala magaalada Boorama,

Waxay diyaaraddahaasi maalintaas dileen 37 arday oo caruur ah, da'dooduna u dhaxayso 6 jir ilaa 14 jir. Waxay kaloo dileen afar ka mid ah macalimiintii ardayda. Waxay kaloo iyana goob caafimaad ku dileen 3 dumar ah oo xaamilooyin ahaa. Waxay dhaawaceen 39 qof oo arday u badan iyo 5 macalin.

Xasuuqaas bahalnimada ah, in la xuso oo aan la ilaawin ayaa ku waajiba shacabka Boorama, Awdal iyo in la xasuusnaado damiirka dadka ayey u wanaagsan tahay iyo jiilasha danbe si ay u ogaadaan wixii waddankooda ka dhacay, in la wada xuso dhib soo martay qaybo ka mid ah umad meel ku wada nooli waxay kor u qaadaa mooralka shacabka iyo iska warhaynta.

Maalintan in maalin qaran laga dhigo oo la xuso sannad kasta caruurtaas yar yar ee aan waxba galabsan ee Iskuuladooda lagu dhex laayey ayaan muhiima.

Jaantuskan ka akhriso magacyadii 37-ka arday ee maalintaas la dilay, da'dooda iyo fasalka ay ahayeen.

Waxaa ka maqan jaantuuska magacyadii afarta macalin iyo saddexda dumar ka ah ee xaamilooyinka ahaa ee la dilay, Fadlan haddii aad haysaan waad nala wadaagi kartaan

Mahadsanidiin.

W/Q: Mohamoud Carte .

Dhiganaha laga qorey Abwaan Axmed Saciid “Afgudhiye” oo uu qorey   Wuu soo baxay, dhowaanna waa la soo bandhigi doonaa h...
30/01/2025

Dhiganaha laga qorey Abwaan Axmed Saciid “Afgudhiye” oo uu qorey Wuu soo baxay, dhowaanna waa la soo bandhigi doonaa haddii Alle idmo.

Suugaantii Afgudhiye hal beydna ha ahaatee wax maka xasuusataa?

Mar kale Abwaan Afgudhiye iyo Ugaaska Samaroon.“Waxad tahay laf dhabartii sariyo dhuuxa Samarroone Asal dhalad waxaad ta...
29/01/2025

Mar kale Abwaan Afgudhiye iyo Ugaaska Samaroon.

“Waxad tahay laf dhabartii sariyo dhuuxa Samarroone
Asal dhalad waxaad tahay Ugaas ceeb ka dhaar galaye
Dhaqan iyo asluub Eebbeheen kugu dhanaysiiye
Aqoon dheeri iyo geesinimo adi laguu dhiibye
Sharcigiyo waxaad dhaashataa dhaxalka diineede

Hadii geedka laysugu dhacoo baane la is dhaafsho
Doqon dhinac u rooraa jiree waad ka dhimataaye
Dhexdhexaad waxaad tahay cidnaba dhibin Ugaasoowe
Halkaad dhacanta saartana ma maro cadowga dhuuntaaye

Dhaxan tire waxaad tahay Ugaas lagu dhawaadaaye
kii dhaliil ku saaraba anaa dhamacda leefsiine
Dharaartii timaadaba adaan kugu dul dhaataaye
Adaan dhiiga kuu huri hadaan iilka lay dhigine
Hogaankaan ku dhiirtaaba waa adiga dhawr jeere

Samarroon dhamaantii aday kaa dhur sugayaane
Ha dhintaanu leenahay ninkii raba dhibtaadaaye
Dhaayihii wax lagu eegayiyo dhool gu' baad tahaye
Ha dhicin oo ha dheeliyin Ugaas dhidibtay hawshiiye”

Abwaan Axmed Saciid AfGudhiye Allaha u naxariisto.

28/01/2025

Su’aal?

imisaatan innaga mid ah bay maansadaani xaalkooda dhalinyaronimo toos uga warramaysaa?

Rabbi dal waa inagu galladay’e dowladdnimo haynagu manaysto.

Address

Buramo Boorama

Opening Hours

Monday 06:00 - 21:00
Tuesday 06:00 - 21:00
Wednesday 06:00 - 21:00
Thursday 06:00 - 21:00
Friday 05:00 - 22:00
Saturday 06:00 - 21:00
Sunday 06:00 - 21:00

Telephone

+252634554503

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Qaamuus Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Qaamuus Media:

Share