WAQAL Schools -Burco

WAQAL Schools -Burco WAQAL KG, Primary & Intermediate School — Private school based in London area, Burao, Somaliland.

Offers safe, caring, and high-standard education from kindergarten to intermediate level.

26/11/2025

Ardayda Dugsiga WAQAL iyo Maktabada Maan-Maal.

23/11/2025

Qaybo ka mid ah ardayda Dugsiga WAQAL oo soo bandhigay nashiido cajiib ah! Maasha'Allaah!

Dugsiga WAQAL waxa uu si guul leh u marti geliyay barnaamij wacyigelin ah oo ay soo jeediyeen Waaxda Wacyigelinta ee Uru...
16/11/2025

Dugsiga WAQAL waxa uu si guul leh u marti geliyay barnaamij wacyigelin ah oo ay soo jeediyeen Waaxda Wacyigelinta ee Ururka Deegaan Kal-kaal – Burco, kaasi oo ku wajahnaa ilaalinta deegaanka, nadaafadda, iyo u-nuglaanshaha deegaanka ee ardayda.

Wacyigelinta waxaa soo jeediyay:
Agaasime Cabdirsaaq Ibrahim Yusuf

Barnaamijkan oo si habsami leh u dhacay waxa uu qayb ka yahay dadaalka Dugsiga WAQAL ee kor u qaadista wacyiga ardayda, ilaalinta deegaanka, iyo dhismaha jiil mas’uul ka ah badbaadinta deegaanka.

Dugsiga WAQAL waxa uu marti gelinayaa  barnaamij wacyigelin ah oo ay soo jeedinayaan Waaxda Wacyigelinta ee Ururka Deega...
14/11/2025

Dugsiga WAQAL waxa uu marti gelinayaa barnaamij wacyigelin ah oo ay soo jeedinayaan Waaxda Wacyigelinta ee Ururka Deegaan Kal-kaal – Burco, kaas oo diiradda saaraya ilaalinta iyo u-nuglaanshaha deegaanka.

Wacyigelintan waxaa soo jeedin doona:
Agaasime Cabdirsaaq Ibrahim Yusuf

🗓 Taariikhda: 15-11-2025
🕖 Waqtiga: 7:00 subaxnimo
📍 Goobta: Barxadda Dugsiga WAQAL.

WAR-GELINWaxaa lagu wargelinayaa ardayda, macallimiinta, iyo dhammaan bahda WAQAL in berri subax ay ku beegan tahay  sal...
08/11/2025

WAR-GELIN
Waxaa lagu wargelinayaa ardayda, macallimiinta, iyo dhammaan bahda WAQAL in berri subax ay ku beegan tahay salaad roob-doon, sidaas darteed dugsigu fasax yahay.

BARNAAMIJKA ABABIYE – KALKII 3AADArdayda Dugsiga Hoose Dhexe ee WAQAL ayaa ka qayb-galay Barnaamijka Ababiye – Kalkii 3a...
02/11/2025

BARNAAMIJKA ABABIYE – KALKII 3AAD

Ardayda Dugsiga Hoose Dhexe ee WAQAL ayaa ka qayb-galay Barnaamijka Ababiye – Kalkii 3aad, oo ka qabsoomay Maktabadda Maan-Maal ee magaalada Burco.

Barnaamijkan ayaa ujeeddadiisu ahayd kobcinta akhriska iyo koboca garaadka ardayda, waxaana lagu qabtay hawlo akhris furan iyo sheekooyin madadaalo ah.

Maamulka Dugsiga WAQAL wuxuu u mahadcelinayaa Maktabadda Maan-Maal, waxa uuna ku bogaadinayaa kaalinta firfircoon ee ay ka qaadanayaan koboca aqooneed ee ardayda iyo dhalinyaradaba.

Dugsiga Hoose Dhexe ee WAQAL ayaa lagu casuumay ka qaybgalka Kalkii 3aad ee Barnaamijka Ababiye, oo ay martigelinayso Ma...
29/10/2025

Dugsiga Hoose Dhexe ee WAQAL ayaa lagu casuumay ka qaybgalka Kalkii 3aad ee Barnaamijka Ababiye, oo ay martigelinayso Maktabadda Dadweynaha ee Maan-Maal. Barnaamijkani waxa uu diiradda saaraya kor u qaadista akhriska, fikirka hal-abuurka ah iyo madadaalada waxbarasho ee ardayda dugsiyada hoose dhexe ee magaalada Burco.

Ardayda Dugsiga WAQAL ayaa fursad u heli doona booqasho iyo madadaalo waxbarasho oo ay ku baran doonaan muhiimadda maktabaddu u leedahay nolosha aqooneed iyo horumarinta maskaxda ardayga.

📅 Maalinta: Khamiista, 30-10-2025
🕗 Saacadda: 8:00 subaxnimo
📍 Goobta: Maktabadda Dadweynaha ee Maan-Maal.

Hambalyo iyo Bogaadin.Bahda Dugsiga WAQAL waxay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan Sakariye Cabdiraxmaan Maxamed, naqshade...
28/10/2025

Hambalyo iyo Bogaadin.

Bahda Dugsiga WAQAL waxay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan Sakariye Cabdiraxmaan Maxamed, naqshadeeyaha (designer-ka) dugsiga, oo si hal-abuur leh iyo dedaal badan uga qayb qaata qurxinta iyo horumarinta hawlaha Dugsiga WAQAL.

Mahadsanid, Sakariye!
Araale graphics
زكى بن عبدالرحمن

Jimce wanaagsan!
24/10/2025

Jimce wanaagsan!

SAWIRRO: QAYBTA 3AADMunaasibaddu waxay ahayd mid xambaarsan farxad iyo dhiirrigelin. Mahadcelin gaar ah dhammaan dadkii ...
20/10/2025

SAWIRRO: QAYBTA 3AAD
Munaasibaddu waxay ahayd mid xambaarsan farxad iyo dhiirrigelin. Mahadcelin gaar ah dhammaan dadkii ka qayb qaatay!

SAWIRRO: QAYBTA 2AAD Munaasibsaddii xafladdu waxa ay ahayd mid bilan oo u qabsoontay si habsami leh. Waan bogaadinaynnaa...
18/10/2025

SAWIRRO: QAYBTA 2AAD
Munaasibsaddii xafladdu waxa ay ahayd mid bilan oo u qabsoontay si habsami leh. Waan bogaadinaynnaa dhammaan waalidiinta dedaalka joogtada ah u heellan, macallimiinta iyo marti-sharafta nagala soo qayb-gashay xafladda.

Ugu dambayn, ardayda waxan u rajaynayaa guul iyo horumar.

SAWIRRO: QAYBTA 1AAD Xafladda furitaanka sannad-dugsiyeedka cusub ee Dugsiga WAQAL ayaa si habsami leh u qabsoontay, iya...
17/10/2025

SAWIRRO: QAYBTA 1AAD
Xafladda furitaanka sannad-dugsiyeedka cusub ee Dugsiga WAQAL ayaa si habsami leh u qabsoontay, iyadoo ay ka soo qayb galeen maamulka dugsiga, waalidiinta, macallimiinta iyo marti-sharaf ka socotay hay’adaha waxbarasho.

Marti-sharaftu waxay jeediyeen hadallo dhiirrigelin iyo hambalyo ah, iyagoo bogaadiyay dadaalka iyo isku-duubnida maamulka, macallimiinta iyo ardayda, isla markaana ku boorriyey in la sii xoojiyo tayada waxbarashada iyo horumarka dugsiga.

Address

Burao

Telephone

+252633049984

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when WAQAL Schools -Burco posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share