WAQAL Schools -Burco

WAQAL Schools -Burco WAQAL KG, Primary & Intermediate School — Private school based in London area, Burao, Somaliland.

Offers safe, caring, and high-standard education from kindergarten to intermediate level.

06/09/2026

Mahadsanid Maayar Abdikarim Ahmed Mooge

Dugsiga WAQAL waxa si guul leh uga qabsoomay kulan aqooneed ku saabsan “Ahmiyadda Waxbarashada”, kaas oo lagu xoojiyey f...
06/09/2026

Dugsiga WAQAL waxa si guul leh uga qabsoomay kulan aqooneed ku saabsan “Ahmiyadda Waxbarashada”, kaas oo lagu xoojiyey fahamka ardayda ee qiimaha waxbarashada iyo doorka ay ku leedahay mustaqbalkooda.

Kulanka waxa soo jeediyey Cabdikariin Axmed Mooge, Maayarkii h**e ee Hargeysa, iyo Cabdirisaaq “Hero”, Maayarkii h**e ee Burco, kuwaas oo ardayda la wadaagay aqoon, waayo-aragnimo iyo dhiirrigelin wax-ku-ool ah.

06/09/2026

Maayar Cabdikariim Axmed Mooge iyo Maayar Cabdirisaaq Hero, ku soo dhawaada Dugsiga WAQAL.

Dugsiga WAQAL waxa uu soo agaasimay kulan aqooneed ku saabsan “Ahmiyadda Waxbarashada”, kaas oo lagu iftiiminayo kaalint...
05/09/2026

Dugsiga WAQAL waxa uu soo agaasimay kulan aqooneed ku saabsan “Ahmiyadda Waxbarashada”, kaas oo lagu iftiiminayo kaalinta waxbarashadu ku leedahay dhismaha shakhsiyadda ardayga, horumarka bulshada iyo kobcinta qaranka.

Kulankan waxa soo jeedinaya Mudane Cabdikariin Axmed Mooge, Maayarkii h**e ee Caasimadda Somaliland, Hargeysa, kaas oo ardayda la wadaagi doona aqoon, waayo-aragnimo iyo aragtiyo ku saabsan qiimaha waxbarashada iyo doorka ay ku leeyihiin mustaqbalkooda.

📅 06 September 2026
⏰ 7:20 Subaxnimo
📍 Barxadda Dugsiga WAQAL

Dugsiga WAQAL, oo kaashanaya  Jaamacadda Alpha University Burco , waxa uu soo qabanqaabiyay tababbar xirfadeed loogu tal...
01/09/2026

Dugsiga WAQAL, oo kaashanaya Jaamacadda Alpha University Burco , waxa uu soo qabanqaabiyay tababbar xirfadeed loogu talagalay macallimiinta Dugsiga WAQAL, kaas oo ku saabsan “Modern Teaching Methodology and Effective Classroom Management” — Hababka Casriga ah ee Waxbaridda iyo Maaraynta Wax-ku-oolka ah ee Fasalka.

Tababbarka waxa bixinaya Abdi Xareed Farah , oo ah khabiir tababbare iyo la-taliye xirfadeed ku soo jiray muddo ka badan 30 sano. Tababbarku waxa uu macallimiinta ka caawinayaa kobcinta xirfadaha waxbaridda, maaraynta fasalka iyo adeegsiga habab casri ah oo kor loogu qaadayo tayada waxbarashada.

Dugsiga WAQAL waxa uu qabtay kulan aqooneed ku saabsan “Sida Loo Dhiso Loona Joogteeyo Caadooyinka Wanaagsan” (How to Bu...
26/08/2026

Dugsiga WAQAL waxa uu qabtay kulan aqooneed ku saabsan “Sida Loo Dhiso Loona Joogteeyo Caadooyinka Wanaagsan” (How to Build and Maintain Good Habits), kaas oo uu soo jeediyey Cabdirisaaq Mandela, Hormuudka Kulliyadda Arrimaha Bulshada iyo Dhaqaalaha ee Jaamacadda Alpha – Burco.

Kulanka ayaa si guul leh u qabsoomay, waxaana diiradda lagu saaray muhiimadda ay caadooyinka wanaagsani u leeyihiin horumarka iyo waxbarashada ardayda.

26/08/2026

Hormuudka Kulliyadda Arrimaha Bulshada iyo Dhaqaalaha, Jaamacadda Alpha Burco, Cabdirisaaq Mandela oo ka qayb galay subaxnimadii h**e ee saaka barnaamijka daabuurka ee Dugsiga WAQAL.

Dugsiga WAQAL waxa uu soo agaasimay kulan aqooneed ku saabsan Sida Loo Dhiso Loona Joogteeyo Caadooyinka Wanaagsan, kaas...
25/08/2026

Dugsiga WAQAL waxa uu soo agaasimay kulan aqooneed ku saabsan Sida Loo Dhiso Loona Joogteeyo Caadooyinka Wanaagsan, kaas oo uu soo jeedinayo Cabdirisaaq Mandela, Hormuudka Kulliyadda Arrimaha Bulshada iyo Dhaqaalaha ee Jaamacadda Alpha – Burco.

Mawduuca: Sida Loo Dhiso Loona Joogteeyo Caadooyinka Wanaagsan
Topic: How to Build and Maintain Good Habits

📅 Maalinta: Arbacada
⏰ Waqtiga: 7:20 AM
📍 Goobta: Barxadda Dugsiga WAQAL

Dugsiga WAQAL waxa uu dhammaan ardayda Somaliland ee berri loo yeedhi doono natiijooyinka imtixaanka u rajaynayaa guul i...
24/08/2026

Dugsiga WAQAL waxa uu dhammaan ardayda Somaliland ee berri loo yeedhi doono natiijooyinka imtixaanka u rajaynayaa guul iyo natiijo wanaagsan.

Waxaan Alle SWT ka baryaynaa inuu ku gallado natiijooyin wacan oo ka turjumaya hawlkarnimadooda, una fududeeyo marxaladaha waxbarasho ee xiga.

Guul iyo mustaqbal ifaya ayaan idiin rajaynaynaa.

WARGELIN FASAX
24/08/2026

WARGELIN FASAX

Address

Burao

Telephone

+252633049984

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when WAQAL Schools -Burco posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share