Waaqac media

Waaqac media "War la hubo, iyo wacyi la huro"

sh. cabdirashiidh sh. cali suufi100 Haldoor iyo 100 Xigmad
18/06/2025

sh. cabdirashiidh sh. cali suufi
100 Haldoor iyo 100 Xigmad

  aadan and   abdi100 Haldoor iyo 100 Xigmad/talo.
12/06/2025

aadan and abdi

100 Haldoor iyo 100 Xigmad/talo.

05/06/2025



02/06/2025

“Afkaygu Waa Aqoonsigayga”
Qaab jiliin iyo fariin wada socda oo ka waramaya, farxada iyo firfircoonida uu dareemo qofku marka uu joogo dal aan dalkiisa ahayn ee uu helo qof garanaya luuqadiisa ama fahmaya.

Bulsho waliba way jecshay oo dadka kale way kasoo dhawaysataa qofka ku hadla afkooda hooyo.

“100 Haldoor – 100 Xigmad”-Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) AHU
01/06/2025

“100 Haldoor – 100 Xigmad”

-Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) AHU

“100 Haldoor – 100 Xigmad”-Sh. Mustafe Xaaji Ismaaciil
31/05/2025

“100 Haldoor – 100 Xigmad”

-Sh. Mustafe Xaaji Ismaaciil

“100 Haldoor – 100 Xigmad”-Nelson Mandela.
31/05/2025

“100 Haldoor – 100 Xigmad”

-Nelson Mandela.

[Taxanaha eray iyo ehel]Farqiga u dhexeeya "Islaam" (الإسلام) iyo "Muslim" (مسلم) waa mid muhiim ah oo loo baahan yahay ...
16/05/2025

[Taxanaha eray iyo ehel]

Farqiga u dhexeeya "Islaam" (الإسلام) iyo "Muslim" (مسلم) waa mid muhiim ah oo loo baahan yahay in si cilmiyeed oo qoto dheer loo fahmo. Aan ku sharaxo:

---

1. Macnaha Luuqadeed iyo Istilaaxeed:

Islaam – الإسلام

Luuqad ahaan (Carabi):
Ereyga Islaam wuxuu ka yimid falka “أسلم – yuslimu – إسلامًا” oo macnihiisu yahay “is dhiibid,” “u hogaansamid,” ama “nabadgalyo raadis.”

Istilaax ahaan (diin ahaan):
Islaamku waa diinta uu Alle ku soo dejiyey Nabi Muxammad (NNKH), waana nidaam nolosha dhammaan ah oo ka kooban caqiido, cibaado, akhlaaq iyo xeerar nololeed.
Dalil:

> "إِنَّ الدِّينَ عِندَ اللَّهِ الْإِسْلَامُ"
(Suurat Aali-Cimraan: 19)
“Diinta Alle agtiisa waa Islaamka.”

Muslim – مسلم

Luuqad ahaan (Carabi):
Waa magaca faacalka أسلمَ – qofka is dhoobay, u hogaansamay amarka Alle.

Istilaax ahaan (diin ahaan):
Muslim waa qofka rumeeyey Islaamka, uuna ku dhaqmo, kuna hogaansamo waxyaabaha Islaamku farayo.
Dalil:

> "وَقَالَ إِنَّنِي مِنَ الْمُسْلِمِينَ"
(Suurat Fussilat: 33)
“Wuxuuna yiri: Anigu waxaan ka mid ahay Muslimiinta.”

---

2. Farqiga Ugu Muhiimsan:

Islaam (الإسلام) Muslim (مسلم)

Waa diinta la raaco (system, nidaamka). Waa qofka raaca diintaas.
Waa mabda’a, aragti iyo nidaam dhameystiran. Waa qofka noloshiisa ku saleeya mabda’aas.
Waa sida “nolosha” ama “sharciga.” Waa sida “noolaha” ama “sharciga raaca.”

---

3. Tusaale Somali ah:

Islaam waa sida "daawo", Muslim waa sida "qofka qaata daawadaas."

Islaam waa sida wadada saxda ah, Muslim waa qofka ku socda wadadaas.

---

Gunaanad:

Islaamku waa diinta Alle, ujeedkeeduna yahay in la xukumo nolosha oo dhan.

Muslimka waa qofka u hogaansama Alle, kuna dhaqma Islaamka.

10 qodob iyo Sh. Mustafe"• Dadka kale ninkoodii wax tara, way tixgaliyaane • Idinkuna caqliga taabudka ah waad ku tumata...
13/05/2025

10 qodob iyo Sh. Mustafe

"• Dadka kale ninkoodii wax tara, way tixgaliyaane
• Idinkuna caqliga taabudka ah waad ku tumataan".

—Xaaji Aadan Af Qallooc.

Sh. Mustafe X. Ismaaciil Haaruun, ma arag shakhsiyad Soomaaliyeed oo kulansatay sifooyinka wanaagsan ee Alle ku kulmiyey:
1. Waa daaci u diran islaaxinta mujtamaca soomaaliyeed oo cumrigiisa ku idleeyey waxsansheegga iyo toosinta bulshada.

2. Waa caalim ay si isku mid ah u jecelyihiin, una fahmaan hadalkiisa dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshadu.

3. Waa aqoonyahan kulansaday culuumta waxyiga (Shareecada) iyo culuumta tajribo-galka ah ee Aadanaha, waa scientist philosopher ah oo aqoon durugsan u leh culuumta kala duwan ee Aadanaha.

4. Wuu yar yahay in aad aragto shakhsi Soomaaliyeed oo ka wax akhris badan, kana fahmad dheer, kana xifdi iyo weelayn weyn. Haddaad wakhti yar la fadhiisato waad ku hafanaysaa sida uu mawduucyo kala fog mid walba xogogaal ugu yahay, u akhriyey, u baadhay una weeleeyey.

5. Dhaqan ahaan waa shakhsi aad isu dhul-dhiga, saahid ah oo cibaado badan, aftahan ah oo hadalka kiisa quman ee waxtarka ah yaqaanna sida loo qaabeeyo ee loo gudbiyo.

6. Sh. Mustafe waxa aan aqaannay muxaadarooyinkiisa iyo duruustiisa duubanna waxa aan ku taxnaa muddo dhowr iyo soddon sannadood ah, weligay ma arag isaga oo ku jira murannada madhalayska ah ee ay culimada qaarkood caadeysteen in ay culimo kale ama kooxo dacwadeed ku duraan oo ku ceebeeyaan.

7. Waa shakhsiyad ay u siman yihiin bulshada Soomaaliyeed oo dhami, oo u diran waardiyeynta diintooda iyo dadnimadooda, ka xor ah qabyaalad iyo uxaglinta kooxahaysiga.

8. Waa shakhsi dhiirran oo aan xaqa cidna uga haybadaysannin, sidaa darteed ayaa af iyo addinba loogu dhibay sheegista xaqa iyo u taagnida islaaxinta bulshada.

9. Haddaad maqasho caalim camalkiisa iyo cilmigiisu iswaafaqsan yihiin, Alle yaqaan ah, waxtar ummadeed leh Alle ka cabsi leh, mutawaadic ah, saahid ah, naf hur diineed leh waa Sh Mustafe X. Ismaaciil Haaruun.

10. Shakhsiyan qayb weyn ayuu ku lahaa qaabaynta noloshayda iyo dhismaha aqoontayda, talo toos ah iyo mid dadbanba waan ka qaatay marxaladdaydii waxbarasho ee jaamicadda iyo ka horba.

Nasiibdaranaa kuwa diiwaanka camalkooda uu ka mid yahay dhaleecaynta caalimkaa aynnu sifaynay, waa hubaal sh Mustafe in uu ku cafinayo haddii aad ka codsato, xataa adiga oo aan codsan in uu si guud wax u cafiyo waa la arkay, laakiin haddii Alle Qiyaamaha kuu soo joojiyo xaq Banii aadam, wallee waad nasiibdarantahay.

Dadka xilkaska ahi ha u caqli celiyaan, oo ha qabtaan dadkooda maangaabka ah ee haldoorka bulshada sida Sh. Mustafe oo kale ah ijaafaynaya, ee magacdilaya.

Allahayow u barakee Sh. Mustafe cilmigiisa, caqligiisa, camalkiisa, caafimaadkiisa, caa'iladiisa, caruurtiisa, cuudkiisa iyo caynkasta oo aad siisayba.

Allahayow khaatumada u wanaaji, shar iyo xumaan oo dhanna ka dhawr, Allahayow abaalkiisa ka dhig Fardowsada sare ee raalli ahaantaadu taallo.

Allahayow culays kasta oo uu dareemayo ka dulqaad, rajo kasta oo uu leeyahayna u xaqiiji.
Aamiin, aamiin, aamiin.

W|Q Dr-Abdulqani Hussein Beder
Salaasa, 15 dilcaqda, 1446.

"Fursada aad haysato maanta uga faa' iidayso noloshaada aduunyo...||maamule cali ducaale||
11/05/2025

"Fursada aad haysato maanta uga faa' iidayso noloshaada aduunyo...
||maamule cali ducaale||

07/05/2025

Akhlaaq akhlaaq waraysanaysa....
Muqaalkan kooban "the main point" ugu weyn ama qodobka ugu weyn ee aan ka dheehan karno waa in aad si sax oo wanaagsan oo waliba lagu farxo aad dadka waraysi uga qaado una la yeelato.

Waxaan ku farxay markaan maqlay ee aanan ka filayn ayaa ah (Can I use for video social media?) oo noqonaysa "Muqaalkan baraha bulshada ma u isticmaali karaa ama ma faafin karaa?" Dabadeed wuu ugu jawaabay "Yes it's okay || Haa waa caadi."

Waa muhiim inaad qofka dalab iyo ogolaansho waydiisato in uu raalli ka yahay iyo in kale. Sidoo kale, diinteena suuban ayaa ina faraysa in aynu استئذان / idan waydiisano dadka marka aad wax ka doonayso.

03/05/2025

War bixin kooban oo uu kaga waramayo buugga dhibaabo jacayl
||Barkhad haaruun [barako]

Address

Burco

Telephone

+252659624689

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Waaqac media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Waaqac media:

Share

Category