
08/05/2025
Gobolka Togdheer oo yeeshay labo badhsaab kuxigeen iyo sababta ka danbaysay.
Tan iyo inti Xukuumada cusubi dhalatay waxa meesha ka baxay nidaamkii ay Xukuumada somaliland ku maamul jirtay maamulka gobolada iyo dagmooyinka somaliland sidoo kale waxa meesha ka baxay Hanankii ay u socon jirtay shaqadii xarunta gobolka Togdheer.
Madaxweynaha somaliland ayaa u Magacaabay Badhsaab kuxigeenka gobolka togdheer siciid axmed Maxamed raage taasi oo isla markiiba shaqadii loo soo doortay dar dargalinyay waxa xilkii ku qabsaday isla markaana iskii isugu magacaabay Badhsaab kuxigeenka gobolka togdheer mubaarig bidhi oo h**e uga mid aha xildhibaanadii burco.
Mubaarig bidhi ayaa si iskii ah isugu cimaamaday badhsaab kuxigeenka gobolka Togdheer oo uu hada dacalkiisa shaqadii gudoomiye siciid Kala hayo balse waxa is waydiinta mudan halka ay dasturka somaliland kaga taalo labo badhsaab kuxigeen
Gudoomiye kuxigeenka gobolka togdheer siciid ayaa hada khaati ka taagan masuulkan xilka isku cimaamaday oo shaqadii kuxigeenka ku qabsaday balse Gudoomiye ku xigeenka ayaa inta badan bulshada magaalada burco mahadiyeen sida Wacan ee uu ugu shaqanayo shacabka gobolka togdheer.
Badiba dadweynaha magaalada burco ayaa is waydiinay sababta xiligan keentay in xilka kuxigeenka labo masuul ka wada shaqeeyaan isku hal Shaqana wada qabtaan
Waa markiii ugu horaysay ee somaliland masuul xilka iskii isugu cimaamado si kaligii ah