
01/08/2025
Noloshayda iyo Aabo La’aantii aan Koray 😢➡️💔
Magaceygu waa Sihaam. Waxaan ahaa gabar aad u yar oo aan helin nasiibka ay gabdho badan helaan – inay la korto Aabo , in ay dareento jacayl Aabonimo , in ay garab u noqoto Aabo, in la yiraahdo “Aabo baa ku sugaaya” ama “Aabo baa kuu jecel.”
Markii aan bilaabay hadalka, dadka qaar waxay ku dhawaaqayeen “Hooyo” ama “Aabo ” – aniga erayga “Aabo ” ma aqoon, ma dareemin, mana dhihin, maxaa yeelay ma aanan laheyn qof aan eraygaas ugu yeero.
Ma dooranin in aan waayo jaceylka Aabo. Waa la ii qoray, sidaas darteed waa la iiga reebay. Laakin ma garan karin xilligaas, waayo waan yaraa oo ma garan karin baahida iga buuxda.
Maalin aan iskuulka qalad ku galay, macalinkii wuxuu i yiri:
“Tag, Aabahaa keen!”
Laakiin… Aaway? Aaway Aabahay?
Bannaanka ayaan baxay, nin jidka maraya ayaan ku iri:
“Adeer iskuulka ayaa i eriyey, Aabahayna ma haysto.”
Ninkii wuxuu iga noqday Aabe aanan aqoonin – wuuna ila tagay, wuxuuna macalinkii u sheegay inuu Aabahay yahay si aan dib ugu galo fasalka.
Markaas waxaan fahmay:
Abbe la’aanta waa xanuun – laakiin xilligaas wali si buuxda uma dareemin.
Sanado ayaa ka dambeeyey. Waan koraayey, waan fahmaayey, waxaan noqday gabar qaan-gaartay oo fahantay in Aabo la’aan ay nolosha qeyb ka dhimayso.
Hal su’aal ayaan hooyaday weydiiyey:
“Aabo maxuu iigu iman waayey?”
Laakiin jawaab ma aan helin…
Waxaan bilaabay in aan raad raaco Aabahay – waxaan u maray dhibaato badan si aan u gaaro, ma ahayn wax sahlan, balse qalbigayga waxa ka buuxsamay rajo iyo hammuun.
1-da Febraayo 2017 – Maalin Arbaco ah – waa maalin aan marnaba ilaawi doonin!
Aniga iyo Aabahay waxaan ku kulanay Airport-ka Boosaaso, markaas ayaan is aragnay markii ugu h**eysay nolosha oo dhan. Xitaa wajigiisa ma aqoon.
Laakiin qalbigayga wuxuu garanayey:
“Haa, waa isagii!”
Waan ooyey, waan qoslay, waan ruxmay… sababtoo ah waxaan noqday gabar AABO leh! Waxaan dareemay farxad buuxda iyo iftiin aanan waligey horay u dareemin.