
20/04/2025
๐๐ต๐ฎ๐น๐ถ๐ถ๐น ๐๐ ๐ฆ๐ผ๐ฐ๐ผ๐๐ฎ ๐ช๐ฎ๐๐ถ๐ถ๐ฟ๐ธ๐ฎ ๐ช๐ฎ๐๐ฎ๐ฎ๐ฟ๐ฎ๐ฑ๐ฑ๐ฎ ๐๐ฎ๐ฎ๐ณ๐ถ๐บ๐ฎ๐ฎ๐ฑ๐ธ๐ฎ.
Mudane Wasiir,
Waxaan halkan kuugu soo jeedinayaa dhaliilo dhab ah oo ka turjumaya xaaladda dhabta ah ee ka jirta Wasaaradda Caafimaadka iyo adeegyada hoos yimaadda, kuwaas oo shacabka si toos ah u saameeyay, isla markaana u baahan in si degdeg ah wax looga qabto.
1. ๐๐จ๐๐๐๐๐๐ก ๐ก๐โ๐๐๐ฃ๐ฉ๐ ๐จ๐๐ฎ๐๐๐จ๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐ข๐๐๐๐ ๐: Tan iyo intii aad xilka haysay wasiir, ma muuqdaan wax isbeddel ah oo ka duwan siyaasaddii iyo qorshayaashii xukuumaddii h**e ee dhanka caafimaadka. Tani waxay hoos u dhigtay kalsoonidii laga qabay maamulka cusub, waxaana la dareemayaa in wasaaraddu ay ku socoto waddadii h**e ee aan wax horumar ah horseedin.
2. ๐๐๐๐-๐๐๐๐จ๐ข๐๐๐๐ ๐ ๐ ๐๐๐ก๐๐๐ฃ ๐๐ ๐ข๐๐๐ข๐ช๐ก๐ ๐ ๐๐๐๐๐๐ข๐๐๐๐ ๐:Qaab-dhismeedkii h**e ee Wasaaradda, cisbitaalada gobollada iyo degmooyinka wali sidii buu u yahay, iyada oo aan wax dib-u-habeyn ah lagu samayn. Waxaa laga filayay wasiirka inuu keeno nidaam wax ku ool ah, balse taa beddelkeed, wali waxaa muuqata in uu ku shaqeynayo qorshihii xukuumaddii h**e. Waxaa intaa dheer, in wasiirku si toos ah u magacaabo agaasimeyaasha guud iyo madaxda xafiisyada cisbitaalada, taasoo horseedi karta khilaaf, kala dambeyn laโaan, iyo hannaankii maamulka Cisbitaalka oo meesha ka baxa โ taasina waxay si toos ah u wiiqaysaa tayada adeegga caafimaadka iyo kor u kaca dhinaca dhaqaalaha Cisbitaalka.
3.๐พ๐๐๐ค๐ค๐จ๐๐๐ฃ๐ ๐๐ ๐๐๐๐๐-๐ฎ๐๐๐ ๐๐๐จ๐๐๐ฉ๐๐๐ก๐๐๐ ๐๐๐๐ข๐ค๐ค๐ฎ๐๐ฃ๐ ๐. Cabashooyinka Adeegyada Caafimaad ee ka jiray cisbitaalada degmooyinka ayaan wali wax talaabo ah laga qaadin โ Daymo fara ka bax ah, dhismayaal dayacan, qalab laโaan, iyo hoos u dhac weyn oo dhinaca dhaqaalaha ah. Ilaa hadda, ma jirto wax qorshe cad ah oo wasaaraddu soo bandhigtay si dib loogu hawlgaliyo adeegyadii muhiimka ahaa ee dadka deegaanka ay noloshooda ku xidhnayd.
4.๐๐๐๐ก๐๐๐๐ ๐๐พ๐-๐ฎ๐๐๐ (๐ญ๐๐ง๐ช๐ข๐๐๐ ๐๐ค๐ค๐ฎ๐๐๐ ๐๐ฎ๐ค ๐๐๐๐ก๐ก๐๐๐ฃ๐ ๐): Xarumaha MCH-yada qaar ayaa u dhow in la xidho sababo la xidhiidha dawo laโaan, agab xafiiseed (stationary) laโaan, iyo shaqaale aan mushahar iyo gunno-toona qaadan muddo bilo ah. Waxa kale oo laga war helay in qaar kamid ah xarumaha MCH-yada laga gooyay korontadii kadib markii lagu yeeshay deymo badan. Tani waa xaalad argagax leh oo si toos ah u saameyneysa caafimaadka hooyada iyo dhallaanka.
๐๐๐ป๐ฎ๐ฎ๐ป๐ฎ๐ฑ:
Mudane Wasiir wali waxaad u muuqataa qof aanay wali si dhab ah ugu muuqan xilkii loo igmaday ee Caafimaad-ka, islamarkaana ay gabi ahaanba ka luntay dareenka masโuuliyadda caafimaadka shacabka. Waxaa lagama maarmaan ah in si degdeg ah dib u eegis loogu sameeyo qaab-hawlgalka wasaaradda iyo adeegyada hoos yimaadda, si looga hortago burbur hor leh oo ku yimaadda nidaamka daryeelka caafimaadka ee dalka.
Muhiim maaha in wasiirku isku hawlo hebel hebel ku bedel , ee waa inuu qorshe iyo Siyaasad cad oo lagu horumarinaayo Caafimaad-ka dal-ka la yimaadaa .
Wa bilaahi Tawfiiq.