03/06/2026
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha JSL ๐๐. ๐๐๐๐๐ข๐ฅ๐ฅ๐๐๐ก๐ข ๐๐๐ฌ๐๐ง ๐๐๐๐๐ง, ayaa maanta ka qayb-galay shir heer-sare ah oo ay isugu yimaaddeen ๐๐ฎ๐๐ข๐ ๐-๐ฌ๐๐ซ๐ ๐๐ ๐๐ ๐๐จ๐๐จ๐๐ค๐ ๐๐ก๐๐ช๐๐ก๐๐ช๐๐๐ช๐ฒ๐๐๐ ๐๐๐ง๐๐ฌ๐ข๐ ๐ ๐๐๐ซ๐ข๐๐ (NOC), Golaha Maamulka iyo Golaha Wadatashiga ee ๐๐๐ฒ'๐๐๐๐ ๐๐ซ๐๐๐๐ฆ๐๐ซ๐ค ๐๐๐ซ๐ข๐๐ (๐๐๐), kaas oo ay ka soo qayb-galeen masuuliyiin sare oo dawladeed, bah-wadaagta horumarinta iyo hoggaamiyeyaal ka kala socday dalalka Afrika.
Shirkan waxa guddoominayey Raโiisul Wasaarihii h**e ee Itoobiya ahna Guddoomiyaha Golaha Maamulka ee Trademark Africa Md. Hailemariam Desalegn Boshe, iyo Ku-xigeenka Safiirka Finland ee Bariga-Afrika ahna Guddoomiyaha Golaha Wadatashiga ee TMA Md. Leo Svahnback.
Sidoo kale waxa ka qayb-galay Wasiirka Gaadiidka iyo Sahayda ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka Itoobiya Dr. Alemu Sime Feyisa, wasiirro kale, masuuliyiin iyo wakiillo ka socday dalal kala duwan oo Afrikaan ah iyo hayโado horumarineed oo caalami ah.
๐๐๐ฌ๐ข๐ข๐ซ ๐๐๐๐๐ข๐ฅ๐ฅ๐๐๐ก๐ข ๐๐๐ฌ๐๐ง ๐๐๐๐๐ง oo hadal ka jeediyey madasha
ayaa carabka ku adkeeyey sida ay Somaliland uga goโan tahay xoojinta is-dhexgalka ganacsiga gobolka, iskaashiga dhaqaalaha iyo fududaynta isu socodka ganacsiga. Waxa uu tilmaamay in ganacsigu aanu ahayn oo keliya matoorka koboca dhaqaalaha, balse uu sidoo kale yahay aalad muhiim u ah nabadda, abuurista shaqooyinka iyo adkaysiga dhaqaalaha muddada fog.
Wasiirku waxa uu sharaxaad ka siiyey shirka, maalgashiyada ay Somaliland ku samaysay kaabeyaasha ganacsiga, gaar ahaan casriyeynta iyo ballaadhinta Dekedda Berbera, iyo sidoo kale dedaallada lagu xoojinayo nidaamyada kastamyada, ka shaqaynta habsami-u-socodka sahayda iyo isu socodka gaadiidka, isla markaana lagu kordhinayo tartanka marinnada ganacsi ee gobolka.
Guud ahaan doodaha shirka ayaa diiradda lagu saaray laba qodob oo muhiim ah kuwaas oo kala ah:
๐. ๐๐จ๐จ๐ซ๐ค๐ ๐ ๐๐ง๐๐๐ฌ๐ข๐ ๐ฎ ๐ค๐ฎ ๐ฅ๐๐๐ฒ๐๐ก๐๐ฒ ๐ฌ๐ก๐๐ช๐จ-๐๐๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ค๐
๐. ๐๐ฒ๐จ ๐ฌ๐๐๐ฆ๐๐ฒ๐ง๐ญ๐ ๐๐ฒ ๐๐ก๐๐๐๐จ๐จ๐ฒ๐ข๐ง๐ค๐ ๐๐๐๐ฅ๐๐ฆ๐ค๐ฎ ๐ค๐ฎ ๐ฅ๐๐๐ฒ๐ข๐ก๐ข๐ข๐ง ๐๐ก๐๐ช๐๐ก๐๐ช๐๐๐ช๐ ๐ ๐๐ง๐๐๐ฌ๐ข๐ ๐ ๐๐๐ซ๐ข๐ค๐.
Ka qayb-galayaashu waxay is dhaafsadeen aragtiyo ku saabsan yaraynta caqabadaha aan cashuuraha ahayn ee ganacsiga, yaraynta kharashaadka badan ee ku baxa ganacsiga, hagaajinta habraacyada shaqo ee kastamyada, xoojinta nidaamyada ganacsiga dijitaalka ah iyo isku-duwidda siyaasaddaha gobolka.
Wasiir Cabdillaahi Xasan Aadan ayaa mar kale bayaamiyey sida ay Somaliland uga goโan tahay casriyeynta kastamyada, isbeddelka dijitaalka ah, iskaashiga gobolka iyo horumarinta dhaqaalaha ay horseedka u yihiin ganacsiyada gaarka loo leeyahay. Waxa kale oo uu ku baaqay in la xoojiyo iskaashiga u dhexeeya dawladdaha Afrika, bah-wadaagta horumarinta iyo hayโaddaha gobolka si loo abuuro fursado cusub oo dhinacyada ganacsiga, maalgashiga iyo abuurista jawi horseeda koboc dhaqaale oo waara oo la is ku halayn karo.
Shirkan ayaa ahaa madal muhiim ah oo ay hoggaamiyeyaasha gobolka ku wadaageen khibradahooda isla markaana ku falanqeeyeen xalal wax ku ool ah oo lagaga gudbi karo caqabadaha ganacsi ee soo kordhaya, iyada oo la sii xoojinayo iskaashiga lagu dardargelinayo is-dhexgalka dhaqaale ee Qaaradda Afrika.