20/10/2022
Waa maxay siyaasad
siyaasad waa middeynta bulshada & ka shaqeynta danta guud iyadoo oo loo maraayo wadooyin ay bushada goobtaas dagan isku afgarteen.
nabigeena csw ayaa laga wariyey inuu yiri .
(مثل المومنين في توادهم وتراحمهم وتعاطفهم مثل الجسد ادا اشكتي منه عضوا تداعي له سائر الجسد بالسهر والحمي )
oo macnaheeda yahay (mu,miniinta marka la eego sida ay isku dhibrayan oo ay iskugu naxariistan waxa ay la mid yihiin sida haljir oo hadii xubin xanuusato jirka intiisa kale damqanaya qandho uu lasoo jeedayo )
siyaasadu waxaa ay leedahay macno farabadan ,laakinsa aan kuu soo gaabiyo.
siyaasadu marka la qeexaya waxa lagu macneeya in lays waa faajiyo waxyaabah is diidan ,sida in la,
Dhax dhigo dadka is qilaafan hashiis ,nabad jaceyl & wada noolansho .
siyaasadu waa cilmi la barto oo jamacad loogu soo baxda si bulshada loo maamulo .
siyaasadu waa cilmiga manta la joogo ugu muhiimsan ,maxa yeelay waa nidaam dowladeed.
siyaasadu waa horseeda wadan gaarsiiyana hormar & barwaaqo .
Siyaasadu waa eray asal ahantiisa kasoo jeeda afka carabiga ,macnayaal kala duwan oo meeqaamo kala duwan waa la siiyey wuxuu la dhigyahay erayga afka ingriiska lagu yiraahdo" politics " Kaasi oo bilowgiisa ka yimida wadanka giriiga oo ahaa meelihi u horeeyey ee aqoonta laatiinka ah,iyo eray bixinteedu kasoo faracmeen .
siyaasadu waxa kaloo lagu lagu macneeya waa awooda uu qof ku gaarsiin karo bulsho ,amaba waa, habka ay dowladu u maamusho dadkeeda ,iskusoo duuboo waxeynu dhadhansan karnaa iany tahay. hab qorsheysan oo maamul & hagis leh.
➡qaabkee aan u fahanay somali ahaan siyaasada ?
Erayga siyaasad marka lasoo hadal qaado bulshadeena dhexdeeda waxa kugu soo dhacaya macnayaal fara badan oo is burinaya amaba iska hor imanaya mararka qaar waxa loo adeegsada erayga siyaasad "khaa,inimo " & dhagar cadoowtoyo , oo waxaad maqlaysa
hebal waa siyaasi ,wuu i siyaasadeeyey isagoo ula jeedadiisu tahay inuu i farsameysan loo khaimay........