31/08/2025
Casharka siyaasadeed ee arrinka Cabdirisaaq Khaliif.
Dhacdooyinka wax baa laga bartaa. Qiirada iyo caaddifaddana lagumasii negeedo. Shalay ilaa iyo maalinkii Khaliif Hargaysa kayimid isagoo Guddoomiyaa Baarlamaanka SL ah si dhaw ayaan isugu xidhay. Waxana iigasoo baxay:
1. Xukun iyo awood(power), inta aad haysato, ku fara-adayg si kasta oo akhlaaqda ay mararka qaar ugasoo horjeedi karto. Waa haddaad rabto in aad siyaasi sii ahaato, weliba markaad joogto Afrikada ilbaxnimadu ku yartahay.
2. Haddaad powerkaagii si qiiro ah u dhiibto oo akhlaaqda ka doorbiddo, waxii kusoo gaadha diyaar u ahaw, hana filan in lagugu abaalmariyo qiiradaadii aad awooddaadii siyaasadeed uga tagtay.
3. In aad saxantahay qudha laguma helo awoodda iyo maammulka, ee in aad xariif beerku madawyahay noqoto ayaa awoodda lagu kasbadaa. Waa falsafaddii Machaiville.
4. Wax aad cimrigaaga siyaasadeed kusoo bixisay ee ka shaqaynaysay, ilaasho. Haddii kale rag baad u tegaysaa aan toodii ka tanaasulin oo garoonkooda kugu karbaashi doona. Firdhiye 20kii sanno ee u danbeeyey SL buu dagaal kula jirey, sheeko SSC iyo Khaatumo ayuuna waday. Khaliif cagsigeeda ayuu ahaa. Doorasho cod iyo qof ah ayuu Laascaanood kagasoo baxay. Guddoomiye baarlamaan buu noqday. Waxaas oo tacab ah arrin akhlaaqi ah ayuu uga qiirooday. Garoon rag xaadhxaadheyna waa yimid. Waa loogu manna sheegtay, lagu caayay shaqadiisii h**e shalayna si weyn loogu karbaashey. Sidaa awgeed, tacabkaaga qiiro haw tuurin. Akhlaaqda iyo power kana mid dooro!
Faratoon, Koore iyo Canbaashe ayaa taas fahmay, Ina Canbaashe habeen uu hadlayay waxa uu yidhi ' Tacabkaygii ayaa la rabaa in la burburiyo' eeg waa waaqici e! Mana aha in uu nin xunyahay. Khaliif waa nin gob ah oo ka akhlaaq badan dad badan, se siyaasadda iyo awoodda edeb iyo saxsanaan keli ahi kuma anfacayso.
Faratoon, Koore iyo Canbaashe tub la yaqaan bay haystaan. Bidhaan, Timacadde iyo Qawdhanna tub kaloo layaqaan. Khaliifse meelna ma haysto. Waa intaas.
5. Midho geed saaran kuwo guntiga kuugu jira haw daadin.
Anigu sannad kahor ayaan xaqiiqsaday, in rag awood ku haysta Xamar oo xildhibaanno iyo wasiirro ahi qorsheeyeen in Laascaanood damacoodaas uun ay ku jaangooyaan. Hirshabeelle 2 na u noqoto!
Wasiir Bidhaan oo waagii dhawayd ee RW Xamse yimid Laascaanood gabadh dhallinyaro ahi waydiisay :
' Xildhibaan, doorashada 2026 xildhibaannada Khaatumo ma Laascaanood ayaa lagu soo xuli doonaa?‘
Inta uu dhoollacaddayn yar oo layaab yari kujiro muujiyay, ayuu yidhi ' Oo waxan oo dhan maxaannu u wadnaaba oo ka shaqaynaynaa'
U fiirso. Waa tabtaas oo cad. Waxan oo dhan kuraastaas baannu ku ilaashanaynaa buu afbuuxa ku yidhi! I noted it !
Aabbahaa iyo nimaan ku aqoonba, indhaa isagu qabo. Lol
Khaliif kursigiisii ka weynaa kuwooda ee uu codka tooska ah ku helay ayuu tolkii u sadqeeyey, waa akhlaaq sare, se qawaacidda awoodda siyaasadeed waa fashil weyn. Bidhaan baa ka haya halkaas.
Shacabka miyaa, waa xaabo meelay joogaanba, ninkii xariif ah uun baa ku adeegta ummadaha Afrikaanka ah.
Qiiro kale baa jirta oo leh, Dhulbahante waa bilaa abaal. Wax waa ka jiri karaan taas, ama ka jiraanba, se sartu halkaa k**a qudhmin. Ninka awooddiisii bixiyay ee Timacadde, Firdhiye iyo Bidhaan Laascaanood hoosgeeyey, in uu abaal sugo ma ahayn. Adaa bixiyay tacabkaagii.
Ha tilmaamin aakhiro, waxaad tacabtay baa yaal e.
FG: sax, khalad, tolnimo, wanaag iyo fiicnaan k**a hadlayo. Hay xiijin. Siyaasad waaqi ah( real Politics) iyo realism school of thought ayaan ka hadlayaa e. المدرسة الواقعية
WQ Xasan