26/04/2026
24-4-2026. SABTI.
Waxa aan ka Musharrax ahaan ka qayb galay madal qurux badan oo ay soo agaasimeen Maamulka Jaamacadda Alpha oo ay kasoo qayb galeen bulsho badan oo kamid ah hal-doorka magaalada Burco.
Waxa aan kusoo bandhigay wax kamid ah qorsheyaasha aan ka damacsanahay degmada Burco haddii Alle iigu guuleeyo mas’uuliyadda magaalada. Waxa aan tilmaamay wax badan oo kamid ah sida maanta wax u socdaan, caqabadaha magaalada ku gedaaman, halka ay ka jiraan caqabadahaasi iyo sida xalka loogu heli karo. Weydiimo kale duwan oo bulshadu nawaydiisayna waanu uga jawaabnay intii iiga suure gashay ama sida gaarka ah la ii weydiiyey.
Waxa cudurdaar aan ka odhanayaa in ay adkayd in aan si weyn u faahfaahiyo weydiimaha qaar oo ay keenaysay waqtiga oo aad u urursanaa.
Waxa ugu weyn ee aan awoodda saaray waxay ahayd in aan kaga duwanahay saaxiibadayda madasha joogay in wax qabadkaygu ku qotomo Hal-abuur iyo horumarin dhaqaale oo tiigsiga ugu sarreeyaana ii noqon doono Burco ka horumarsan xilli kaste oo ay soo martay idanka Alle.
Dhawaanahan waxa aan idinla wadaagi qorsheyaasha wax kamid ah oo faahfaahsan oo aad bartaydan si dhaw ugala socon doontaan.
Mar kale waxaan u maha naqayaa bulshadii sida quruxda badnayd noogalasoo qaybgalay kulankaas iyo bahda Jaamacadda ee sida quruxda badan usoo qabaqaabiyey madashaas. Mahadsanidiin.