Maryama Xurmo Aadan Yuusuf

Maryama Xurmo Aadan Yuusuf This site is intended to raise awareness of my Somali community and I will be sharing information on social issues on this site.

09/12/2023

Inankan Hablaha duluca haysta ha la yaabina .

Waagii h**e soomaalida marka neefka la qalo raggu marka koowaad hilibka karka h**e hadday cunaan waxa kale dib uma eegi jirin.

Haddaba waxaa jiray niman faro Ku tiris ahaa oo guri kasta aan joogi jirin oo la odhan jiray " Qorqodeyaal".

Ninkaas qorqodaha ama aggagaska ah isagu marka raggu hilibka cunaan ee hawlahooda Ku foofaan wuxuu dib ugu soo noqon jiray dherigii wax lagu kariyay.

dumarkii oo maraqii ragga Ka hadhay iyo hilbo aan raggu cunin oo Xaab la dheho sida madaxa iyo caloosha iyo neefka qaarkiisa h**e Ku jiraan buu dib u fadhan jiray.

dherigaas inta badan haweenka reerka iyo kuwa deriska isugu iman jiray .

Mr qorqode isaguna darafka Ka geli jiray .

Weliba ninkaasi inta uu hawshaas Xaab xaabka ah Ku jiro wuu qaylo badnaan jiray oo buuq Iyo Canaan buu dhegaha dumarka Ku jari jiray.

Wuxuu inta badan odhan jiray " naayaadha , madaxa yaa dhegaha Ka goostay , afartii mijood mid baa maqan, naa labadii tun kii kale mee oo hebla cantuugo waynaa sawtaa macashii hudhay?".

Ninkaas haweenka soomaalidu suugaan ay kaga cawdeen oo Caan ah baa jiri jirtay waxaan Ka xasuustaa.

" Hooyooy qorqode
wuu qayliyaa
Wuu qalastamaa
Naa rida qal oo
Qari buu dhehaa
Qaar baa mijii maqan
Buu dhehaa"

Inanka Iga gaadhsiiya walaal fadlan naga hadh iminka xaabkiina idinka tagnay oo raggaa nagla wareegaye😁

22/11/2023

Hablaha labada daraf dabka Ku holcinaya qalbi adakaa.🤦🤔

Waxaan aaminsanahay inaan Ka mid ahay dadka aadka u naxariista badan naxariistooda darteedna loo dhibaatayn karo.

In kasta oo ay jiraan waxyaabo badan oo i damqa oo aad ii xanuujiya , waxaa iigu daran inaan arko dhiig qof ibnu Adam ah.

Inkasta oo aan yaraantaydii caruurta dagaalka badan ahaa oo aan dhib badnaa hadana dadka nabar muuqda waan Ka ilaalin jiray oo dhiiga aad baan u necbaa.

Yadoo haddii la doono aniga dhiigayga la shubay baa qofka aanu is dilo nabar muuqda laga waayi jiray.

Agagax baan Ka qaadi jiray dhiiga dadka.

Waxaa kale oo aan taas Ka sii necbaa in laba nin ama laba kuray hortayda isku dilaan , waayo waxaan dhaadanaa dagaalka raggu intuu doono ha leekaadee inuu sababo dhimasho ama dhaawac xun.

Xataa haddii aniga wiil ama Nin i maago walaalahay iyo ragga ehelkayga waan Ka qarin jiray si aanan sabab ugu noqon in mid Ka mid ah dhiigiisu u daato.

Waxaan Ku xasuustay daggaaladan socda hablaha labada dhinacba leh ee colaada holconaya ee ragga guubaabinayaa Iga geesisan oo Iga qalbi adag aniga .🤦

13/11/2023

Habloow wax kale oo aan jikada,iyo naddaafada guriga ahayn oo raggu inaga caawiyaan miyaynu waynay?

Nolosha guurka ma waxaad u taqaanaan in maqaaxi bun laga soo cabayo ?

Maxaa idiin diiday raggan idin qaba ama aad mustaqbalka ka rabtaan inaad wax intaa dhaafsiisan kula gorgortantaan ama Ka codsataan?

Waxaan aaminsanahay inay gabadh waliba leedahay awood ay gurigeeda iyo reerkeeda Ku maamulato horumar kale oo badana ay Ku samayn karto oo labada daaroodba ay u tabcan karto.

Qofkii yaraantiisii maqal Ku raacay uun baa garankara nimcadaas.Mar waxaad Sanka la raacaysaa maskaxduna kuugu degegysaa...
12/11/2023

Qofkii yaraantiisii maqal Ku raacay uun baa garankara nimcadaas.

Mar waxaad Sanka la raacaysaa maskaxduna kuugu degegysaa udgoonka barwaaqada.

Marka aad gaajooto waxaad guranaysaa oo aad bilaash ku helaysaa askax iyo uneexo iyo qadhaab kale.

Marka aad harraado biyo xareed ah oo nadiif ah baad sacabaddaada yaryar Ku cabaysaa.

Intaa waa dheer in guriggii oo aan kaa fogayn inta walaashaa oo kaa wayni kuu yeedho ama hooyadaa ay caano dhanaan iyo dhay laysku qaboojiyay Ku cabsiiso , Ka dibna intay kuu maydho madaxa yarna kuu feedho oo subag sixin ah kuugu subagto si fiican kuugu dabto oo masar yar kuugu xidho.

Yadoo lagula dardaarmay "madaxa masarka ha Ka furin yuu kaa ustagoobine , sidoo kale dharka dhiiqada Ka ilaasho, maqasha dawacada Ka ilaali , caruurta yaryarna ha ku jeesan."

Intiiba adigoo iloobay aad maqashii dawaco ogaan ugu daawato , caruur yaryar intaad la ciyaarto marna lagu dilo marna aad wax disho mar kalena aad yaga laftooda isku dirto masarkii yaraa lumo kabihii dhiiqo jaf dhehaan oo aad Kala bixi kari waydo, dharkiina dhooqoobaan.hhhhhhhh

Maqaariibta markaad gurigii tagto inta dhenged yaroo xawdh ah Shan lagugu rogo lagu dheho

" car mar dambe sidaas samee " laakiin sidii caadiga ahayd intaad waxaaba iska liqdo aad halkii Ka miisato.hhhhhhh

Islaanta garaad-same iyo dooxada caddaad ee gar-adag taariikh baa Ku Kala duuggan.hhhhhh

Maso-media📷

ALLE SWT ha kuu naxariisto adeer dembigaaga ha dhaafo cadaabka ha kaa xoreeyo janno Fardawsa ha kugu casuumo dhamaan uma...
18/08/2022

ALLE SWT ha kuu naxariisto adeer dembigaaga ha dhaafo cadaabka ha kaa xoreeyo janno Fardawsa ha kugu casuumo dhamaan umadda somaliyeed ee ku jeclaana samir ha ku simo

Cishaday dellegan tahay,
Dalandool u tahay iil,
Godka loogu daadego,
Naftu way dayacan tahay;
Dulucdani nin nooloow,
Anna tayda doqonta ah,
Waa dardaarankeedii;

Qabrigaygu deyr ma leh,
Derbi iyo astaan ma leh,
Dugsashiyo ag-joog ma leh,
Dunbukh iyo salaan ma leh,
Damdam iyo aloos ma leh,
Iyo darammal luuq dheer,
Dab la rido ka waaweyn;
Ilmo layla daba galo,
Naxashkayga lagu dedo,
Duxi iima saarnee,
Yaan layga sii darin!
Yaan la ii dabbaal-degin!

Kol hadday dac-wadhan tahay,
Dembigeeda keydka ah,
Dibnaheedu qirayaan,
Lafahayga duugga ah,
Yaan dushooda lagu shirin,
Billad dahab ah lagu tolin,
Iyo taallo damac badan.
Qofka ii duceeyoow,
Rabbigay ku darajee,
Qofka iga ducaystoow,
Dummaddaada weeyaan.

Maansada: Dardaaran
Ereyada: Maxamed Ibraahin Warsame(Hadraawi) AHN.

Address

Burco

Telephone

+25263442015

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Maryama Xurmo Aadan Yuusuf posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share