Madaxwaynaha Togdheer

Madaxwaynaha Togdheer Social

Saddex duuliye oo geesiyaal ah oo u dhashay dalka Pakistan ayaa warqado macsalaamo ah u qoray qoysaskooda ka hor inta ay...
10/05/2025

Saddex duuliye oo geesiyaal ah oo u dhashay dalka Pakistan ayaa warqado macsalaamo ah u qoray qoysaskooda ka hor inta aysan gelin weerar ismiidaamin ah oo ay ku beegsanayeen saddex saldhig ciidan oo muhiim ah oo ku yaalla gudaha Hindiya. Goobahaas ayaa ahaa xarumo si heer sare ah loo ilaaliyo, kuwaasoo ay yaaleen gantaalada difaaca cirka ee casriga ah sida S-400 iyo S-300 oo ay Ruushku sameeyeen, iyo Patriot oo uu Mareykanku leeyahay.

Awoodda iyo tayada nidaamyadaas darteed lama fileyn in duuliyeyaashu ay dib usoo laabtaan. Waxay safar galeen iyagoo naftooda u huraya difaaca dalkooda, una diyaar ah iney ku dhintaan howlgalkaas culus. Balse qadar Alle ayaa ka weyn awood kasta oo dad sameeyo ah.

La yaabka dhacdada ayaa ah: dhammaantood waxay si nabad ah ugu soo laabteen dalkooda, iyagoo burburiyay dhammaan saldhigyadii ay weerareen iyo nidaamyadii difaac ee casriga ahaa ee yaalay halkaas. Qof Allah aaminsan cid celin kartaa ma jirto.

Sawiro: Dugsiga Qudhac dheer oo u diyaar garoobay maaalinta qaran ee 18 May.
10/05/2025

Sawiro: Dugsiga Qudhac dheer oo u diyaar garoobay maaalinta qaran ee 18 May.

๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐‰๐š๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐จ๐จ ๐๐š๐š๐ก-๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐š๐ฒ ๐Œ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐๐š๐ซ๐š๐ง ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฅ๐ฆ๐š๐ฒ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐š๐œ๐š๐›๐ค๐š ๐‰๐š๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐.Ma...
10/05/2025

๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐‰๐š๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐จ๐จ ๐๐š๐š๐ก-๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐š๐ฒ ๐Œ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐๐š๐ซ๐š๐ง ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฅ๐ฆ๐š๐ฒ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐š๐œ๐š๐›๐ค๐š ๐‰๐š๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqay Maalinta Qaran ee Iskaalmaysiga Shacabka Jamhuuriyadda Somaliland oo noqon doonta 10-ka bisha May, taasi oo la xusi doono sannad kasta.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyey munaasibadda ayaa waxa uu yidhi:

"Maalinta Iskaalmaysiga Shacabku waa maalin u gaar noqon doonta kor u qaadista iyo xoojinta barnaamijyada iskaalmaysiga ummadeena, isu naxariisashada, caawinta dadkeena baahan, iyo isu wacyi-gelinta qiimaha ay leeyahay Iskaalmaysigu."

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in maalintani ay noqon doonto maalin bulshada JSL lagu dhiirrigelinayo bixinta sadaqadda, sakada, iyo in la helo ilo dadka saboolka ah kaalmo loogu raadin karo. Si dibadeed aynu Qaran ahaan u gudanno waajibka innaga saaran caawimada dadkeenna baahan iyo xoojinta cadaaladda bulsho.

Madaxweynaha JSL oo ka hadlayay sababta munaasibaddan loogu qabtay Xarunta Agoomaha iyo Daryeelka Carruurta waxa uu yidhi:

"Sannadkan waxa aan doorannay in Xarunta Agoontu ay noqoto halka aan barnaamijkan kaga dhawaaqayo, si ay inoo xasuusiso xilka dhammaanteen innaga saaran daryeelka iyo ka warhaynta agoonta, iyo in aan taageero la taaban karo oo joogto ah aynnu siinno dadkeenna baahan."

Dhinaca kale, isla munaasibaddan khayriga ah Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu ku dhawaaqay aasaaska Sanduuqa Qaranka ee Daryeelka Agoonta Xukuumaddu ay ku shubayso lacag dhan $100,000.

Madaxweynuhu waxa uu hoosta ka xarriiqay in uu ka Madaxweyne ahaan dammaanad qaadayo Waxbarashada, Caafimaadka, Nolosha iyo Shaqada ubadka yaryar ee lagu xannaaneeyo Xarumaha Agoomaha iyo Daryeelka Qaranka.

๐€๐‹๐‹๐€๐€ ๐Œ๐€๐‡๐€๐ƒ ๐‹๐„๐‡

๐—๐ฎ๐ฌ๐ž๐ž๐ง ๐€๐š๐๐š๐ง ๐‚๐ข๐ ๐ž (๐ƒ๐ž๐ฒ๐ซ),
๐€๐Ÿ๐ก๐š๐ฒ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐‰๐š๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐

Madaxweyne Cirro oo ku dhawaaqay sanduuqa qaran ee Agoomaha.
10/05/2025

Madaxweyne Cirro oo ku dhawaaqay sanduuqa qaran ee Agoomaha.

Boqor Axmed Iimaan Warsame ayaa sheegay in lagu haysto, isla markaana lagu xidhayo,gaadhi uu damiintay Xildhibaan Barkha...
10/05/2025

Boqor Axmed Iimaan Warsame ayaa sheegay in lagu haysto, isla markaana lagu xidhayo,gaadhi uu damiintay Xildhibaan Barkhad Batuun oo ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland.

Boqor Axmed ayaa sheegay inuu lacagtii Banka bixin wayay Xildhibaanku sidaas asaga oo damiin ka ahaa lagu wariyay in hadii lacagtaas uu bixin waayo la xidhayo.

Boqorka ayaa Madaxweynaha Somaliland ka codsaday inuu bixiyo lacagta lagu haysto gaadhigaas, taasoo uu sheegay in Barkhad Batuun uu bixin waayay.

Ciidanka Dabdemiska iyo Samatabixinta JSL ayaa maanta Maydkiisa soo gaadhsiiyay Wiil dhalinyaro ah oo isdaldalay, kuna g...
09/05/2025

Ciidanka Dabdemiska iyo Samatabixinta JSL ayaa maanta Maydkiisa soo gaadhsiiyay Wiil dhalinyaro ah oo isdaldalay, kuna geeriyooday degmada Maxamuud Haybe.

Ciidanka Dambibaadhista ayaa hawshaa gacanta ku haya, baadhisna ku haya.

Alle Naxariistii Janno Haka Waraabiyo, Qoyskii Qaraabadii Iyo Asxaabtii uu kabaxyna Samir iyo Imaan Saadiqa.

Dawlada Mareykanka ayaa si cad uga Hor Timid shirkii madasha wada tashiga qaran ee Todobaadki h**e ka dhacay Muqdisho.Ma...
09/05/2025

Dawlada Mareykanka ayaa si cad uga Hor Timid shirkii madasha wada tashiga qaran ee Todobaadki h**e ka dhacay Muqdisho.
Mareykanku waxa uu sheegay inaanay soconeyn aragti hal Goob ku kooban iyo cid gaar ah isagoo sheegay in dhinacyadu kuwada socdaan Amuuraha jira oo doorashooyinku uh**eeyaan .

"All relevant stakeholders should have a say in changes to Somaliaโ€™s federal and election systems. Decisions taken without broad based support will lack legitimacy and distract from pressing security challenges."

" Dhammaan dhinacyada ay khusayso waa in ay fikrad ka dhiibtaan isbeddelka lagu samaynayo nidaamka federaalka iyo doorashooyinka Soomaaliya. Go'aannada la qaato iyada oo aan taageero sal ballaadhan la helin waxay ka maqnaan doonaan sharciyad waxayna ka leexin doonaan caqabadaha amniga ee adag "

Todobaadki h**e shirka Muqdisho ka dhacay waxaa ka maqnaa Maamulada Puntland iyo Jubaland.

08/05/2025

iIlaahayoow inaga dhig kuwa carabkoodu uu mar walba qoyan yahay xuskaaga. ๐Ÿ‘…

Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ) ayaa laashay dacwadda Suudaan ee ka dhanka ah Imaaraadka Carabta, iyada oo ...
08/05/2025

Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ) ayaa laashay dacwadda Suudaan ee ka dhanka ah Imaaraadka Carabta, iyada oo sheegtey in aysan awood u lahayn.

Suudaan ayaa ku eedeysey Imaaraadka in ay xasuuq ka geysatay gudaha dalkaas, iyada oo gacan siinaysa kooxda RSF.

Garsooraha Soomaaliyeed, Cabdulqawi Yuusuf ee ka tirsan ICJ ayaa ka soo horjeestey go'aanka maxkamadda, isaga ku tilmaamay mid aan la aqbali karin.

Warbaahinta Suudaan ayaa qaadaa dhigeysa Garsooraha Soomaaliyeed oo ay ku tilmaamayaan in uu 'hiil' u muujiyey dalkooda.

Garsoore Cabdulqawi waa sharciyaqaan-sare oo maxkamadda ICJ ka noqday ilaa Madaxweyne.

Hindiya , waxay saacadihii u dambeeyay dhowr magaalo oo ka tirsan Pakistan , ku weerartay diyaaradaha aan duuliyaha laha...
08/05/2025

Hindiya , waxay saacadihii u dambeeyay dhowr magaalo oo ka tirsan Pakistan , ku weerartay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, balse inta uu weerarkaa socday Pakistan ayaa mar kale soo muujisay awoodeeda difaac iyo tiknoolajiyada oo u suragelisay inay 25 diyaaradood oo nooca aan duuliyaha lahayn ee ay Israaโ€™iil soo saarto oo ay adeegsanaysay Hindiya dhulka soo dhigaan,

Illaa Hindiya , waxay ku dhibtoonaysa inay ka soo kabato fadeexada ay ka wajahday iska horimaadka ay kula jirto Pakistan oo ay ka dhalatay in diyaaradihii casriga ahaa ay dhulka dhigeen ciidanka Pakistan.

Iman jama

08/05/2025

Dunidan Ma soo Marin Ruux Ka Sharaf Badan Kana Run Badan Nabi Muxamed SCWโค๏ทบ๏ทบ

08/05/2025

Address

Burco

Telephone

+25263336445

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Madaxwaynaha Togdheer posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Category