03/12/2025
Tallo Kusocoto xaasaska Laqabo :-
1- Ninkaagu Ha dhihin maxaan cuneynaa berri? Su'aashaas rag badan ayay madax xanuun ayay ku riddaa, waxayn soo xasuusinaysaa imtixaanki adkaa ee uu soo gali jiray, ee waxaad karin kartid kari kadibna u geey intaas ayaaba farxad galinayso.
2-Ninkaaga oo iska fikirayo hadaad aragtid macanaheeda maaha inuu naag kale ka fikirayo,dabeecadda raga waxaa ka mid ah asagoo maahsan ama fikiraayo inaad aragtid
3- Dabeecadda ragga ay ku dhasheen oo aysan iska badali karin waxaa ka mid ah ilowshaha ama hilmaanka haddii aad wax u dirtid inuu keeno waxaad arkaysaa asagoo soo iloobay wuxuu rabaa daqiiqad walbo inaad mesej u dirtid si aad u xasuusid,haddii aad qof aqli badan tahayna waxaad qiyaasi kartaa markuu shaqada kasoo boxo oo uu ag marayo meel alaabtaas taallo kadibna xasuusi
4- Caajiska ragga dhan ayaa ka wada siman ayadoon cidna laga reebaynin
5-Funaanadda/Macawiista uu guriga ku xirto mar walbo ee joogtada ah,haddii aad nacday mid kale usoo gad
6-Markaad rabtid inaad la hadashid la beegso waqtiyada wanaagsan,hala hadlin asagoo shaqada kasoo laabtay, hala hadlin markuu wax cunaayo, hala hadlin markuu seexan rabo si aadan hurdada uga qasin,hala hadlin markuu soo tooso si aadan maalintiisa uga halleeynin,waxba ha u sheegin gabi ahaanba.
7-Haddii ninkaaga uu kula hadlo kulana sheekaysto ilaasho waxaad haystaa nin qiima badan,ragga badankooda markay guursadaan dhagoollo ayay noqdaan.
8-Haddii uu kaa caawiyo shaqada guriga sida kabihiisa inuu meel wanaagsan dhigo,dharkiisa uusan meel ku xoorin, shaaha uu soo shuban karo,markuu dhar soo baxsanayo uusan isku qaseynin,kaas nin maaha waa jinni ee qarso.