Balli-Hawd Post

Balli-Hawd Post Page-kan waxaad kala socon doontaa wararka iyo dhacdooyinka degaannada uu magacooda wato.

31/12/2023

Niman Wagardhac ah baa aasaaskii Puntland ka qayb galay . Waxaa la weydiiye deegaankiin aaway? Waxay dhaheen Waa caabudwaaq. Waxaa lagu yiri caabduwaaq waa la wada degaa ee dhul sheegta metalaad la inku siiyo. Odayadii Reer Diini baa kaga cod batay oo markaas Habargidir heeshiis kula ahaa dagaaladii Jubbooyinka. Halkaas waxay ku wayeen fursad ay Puntland kaga mid noqdaan .

Maanta Wagardhac fursad kale baa hortaal. Ma sidoodii bay la shir tagi doonaan Caabduwaaq baan degnaa. Mise waxay dhihin. Galinsoor, Dhabad iyo Saaxo baan wadanaa. Kastam ay ku kala wareegeen Ganacsiga Gobolka halkaas baanu ku samayn oo il dhaqaaleed canshuur fara badan ka soo gasho ah.

War meel iigu sheega!
06/12/2023

War meel iigu sheega!

05/11/2023

Indhawaale sharciyo waddanka Jarmalka ah oo aan ka daba laabanayay baan uga mashquulay bartan. Waxaan dib boorka uga jafi doonaa Page-kan oo aan doonayo in aan ku taxliiliyo arrimaha degaanka.
Waxaan wax ka qori doonaa dhacdooyinka maalinlaha ah, Difaac, Suugaanta, Waxbarashada iyo dhagdhaqaaqyada hormarineed ee ay tahay in la taabba-geliyo.

09/10/2023

!

Wagardhac-da jiilba jiil buu dhaxlay sida ay ummadaha kale-ba wax u kala dhaxlaan. Jiilka da'da ninka 40 sano jirsaday ugu yaryahay, 60 jirna ugu waynyahay waxa ay dhumiyeen wixii jiilka xiga ay ka dhaxli lahaayeen. Sida Dhul, Talo, Dhaqan, iyo wixii saanad ciidan ahaa ee burburkii gacanta beesha soo galay.

1. Dhul bay dhumiyeen oo sidii dabataagtii bay dooxa Mudug uga dideen oo halkaa iyo Doollo wa iyagii afka saaray, lafteedii baa looga dabatagay oo Gallaaddi baa raggii rag ahaa la waray ( Boobe iyo Maxamuud Caateeye 2006 ). Badi dhulkana udub baa looga qabsadaye maarre juc k**a oran.

2. Taladii iyo midnimadii reerka ee ay awoowayaasheen uga tageen baylah bay ka dhigeen oo heer jifooyinku dhexdooda is laayaan baa la gaaray.

3. Hubkii iyo saanaddii ciidan ee reerku h**ey u haystay iyo tii burburkii dowladdii dhexe laga helayba waxana way ku qayileen waxna naago bay ku guursadeen! Ogowna waa raggaas Dooxo Mudug rag kale kula faltamaya,e. Heer baa la gaaray marka ay wax dhacaan Tuutaale oo hal jifo oo reerka ahi leedahay sidii koronkorradii la isku hilo.

_Samatar murrug baa intuu la yaabay yiri:_
¶Wagardhacu waxgarad bay ahayd, warangal dhiifoon.
Dadku waa iskaga weecan jiray, waayihii h**e.
Weerar iyo difaac bay lahayd, labada waaxood.
Col wadeen wadani ah bay lahayd, geesi wayraxa.
Way iyo tol la'ay bay lahay, maalin talo waa'.
Wacyi iyo karaamay lahayd la isku waafaqo.
Weli laga ducaystay lahayd culimo waawayn.
Waddan iyo degaan bay lahayd waasacoo badan.
Xarun lagu warqaatay lahayd wixii siyaadaa
Wadiiddiyo la socod bay lahayd cid ay wadaagaan
Maantana waxaa loo arkaa wiifto socotaa
Markay wayday Oday weyda oo waajibka u sheega
Hadba talada weeqaamiyoo waydda ka ilaasha.
Oo wada jirkoodiyo tusmada waa' barya u taagan

Markay wayday wiilal isku xiran oo war kala qaata.
Wakiil daadaheeyiyo markay waayo arag wayday
Walaansheeye siday meelaha wax uga daateene
Iska daba wareegeysataye yaa wadada dhoobay
Waqeed abadankeed waxaan u talin wadarna loo yeelan
Oo qumayo waab kala dustaa wiiqay reeraha
Waabaayo qooshaa qarribay toban wajiilaa
Intay waaxyihii kala jareen waayirrada dhiigga
Wada dhalashadii iyo intay weerareen sharafti
Ooy walaalihii kala dileen waaban mahayaane
Wada socod qabiil intii hiil la kala waayay
Waanbeeysay cadowgii intii haadda loo waray,o
Ninkastaa waraabuhu ka dhereg warasadiisii¶

24/09/2023

Muddo aan halkaas iyo ilamaa Laamo wiliqsay, Qooro-taabad, Xalanwaylood, Magallo, Sac-fadhiya, Bisiqii Xabaal-leyrshe, Ballihawd, Haanbeyle, Qorrof udgoone, Qoob baqleed iyo Bixinduule. Geel aan hayaamiyay hadba meel igala daganayay maanta ayaan halkaan dib ugu soo laabtay!

06/09/2023

Odaygii Dabcasar ahaa iyo Marreexaan yaa isku diray?

DEG DEG: 17 Xildhibaan oo kamida Golaha Deegaanka Degmada Caabudwaaq ayaa kulan ay goordhow yeeshen xilkii oga qaaday Gu...
04/09/2023

DEG DEG: 17 Xildhibaan oo kamida Golaha Deegaanka Degmada Caabudwaaq ayaa kulan ay goordhow yeeshen xilkii oga qaaday Gudoomiyaha iyo Gudoomiye kuxigeenka Degmada Caabudwaaq.

30/08/2023

Waxaan maqli jiray oraah ahayd "Muusaa yaabay😲"

Hadda PM Maguire xildhibaan kaasim ayaa yaabay markuu arkay sida uu wax yeelaayo Gacan bir Cali baashi kadibna iskaba aamusay.

25/08/2023

Degdeg: Xoogagga SSC ayaa saaka kala wareegay Soomaaliland taliskii Goojacadde ee ay muddada badan dadka ka soo dukhayn jireen.

Ugaaska Beelaha Raadamiir mareexan oo la kulmey qeeybka mid ah dhalin yarada beelaha Raadamiir mareexaan, Ugaas maxamed ...
14/08/2023

Ugaaska Beelaha Raadamiir mareexan oo la kulmey qeeybka mid ah dhalin yarada beelaha Raadamiir mareexaan,

Ugaas maxamed keyse oo ah ugaaska Beelaha Raadamiir mareexan ayaa maantey Muqdisho kula kulmey qeyb kamid ah dhalin yarada aqoon yahan kaa ee beelaha Raadamiir mareexaan, Kulan kaasoo daarana iska warqabka iyo sidii leys kaga kaashan laha horomarinta deeganada beeshu:

14/08/2023

Sheeko qosol ah iyo aroosyad Soomaalida!

11/08/2023

Odayaasha Beesha Ogaadeen oo Daaroodka kale u dhaartay. Waxa ay sheegeen in laga xunyahay Xilka iyo Xasaanadda RW Xamse.

Address

Cabuud Waaq

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Balli-Hawd Post posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share